U fakir si fog U hadal si degan U soco si tartiib ah U jeclow si badan U dhoolacadee si joogta ah U shaqee si adag U bixi si qarsoon U naxariiso si guud U niyeyso Alle dartiis 2. Noqo qof Aadaab leh goortii aad Madax tahay Noqo qof aamusan goortii aad careysan tahay Ahow qof daacad ah goortii …
Read More »Nolol Wanaag
Tallaabada Koobaad ee Guusha – Hadaf!
Ma guul ayaad raadinaysaa? Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? Mise riyooyinkaaga? Mise kasbashada quluubta dadka? Mise wax kaleba? Ma waxaad hiigsanaysaa nolol qurux badan? Mise aakhiro qurux badan? Waa maxay hawsha aad guusha ka raadinaysaa amba ku raadinaysaa? Hadaf (ujeeddo) ma u samaysattayse? Ma hammi guul ayaa kaa guuxaya mise hadaf guul? Miyaad rajaynaysaa …
Read More »Diyaar Ma U Tahay Inaad Horumariso Naftaada & Noloshaada?
Dabcan, qof kasta oo nool wuxuu doonayaa isbedel inuu sameeyo. In badan uma suuragasho si kasta oo ay isugu dayaan sababtoo ah ma raacin wadadi saxda ahayd ama ma doonayaan wixi ay ku jireen inay ka baxaan si ay u helaan natiijo kale. Dad badan waxay naftooda u aqriyaan liis dheer oo ah waxyaabo ay rabaan inay sameyaan, noqdaan ama …
Read More »Qof kasta Waxaa Heysa Dhibaato U Gaar Ah
Waxaa jiray Nin khabiir ah oo dadku jeclaayeen in ay talo u soo doontaan. Dadkaa waxay isugu jiraan nooc walba, dhalinyaro, Dumar hooyo ah, Odayaal, Gabdho da’ yar, kuwa is qaba, kuwa kaal tagay, iwm. Wuxuu isticmaali jiray Falsafad cajiib ah, hadba koox intuu Gees hoostii ku ballamiyo ayuu marki ay soo wada fariistaan oran jiray qof walba dhibta heysa …
Read More »Isticmaal Maskaxdaada W/Q: Ciise (Waddani)
Muhiimadda aad u nooshahay maaha waxyaalo tiro badan oo ku hor yaala, kuwaas oo werwer kugu keena xilliga aad u diyaar garoobayso inad fuliso, balse waa inad fahanto oo keliya inay dhamaan faracyada noloshaadu kasoo fulaan hal xubin taasoo tamarteedu ku xidhantahay hadba sidad ula dhaqanto iyada. Maskaxdu waa qayb ka tirsan qaybaha kala duwan ee Eebe u qaybiyay jidhka …
Read More »Duruusta Nolosha (Talooyin Wax Ku Ool Ah)
Ha nicin qofna si kastoo qalad weyn kuugu sameeyaan U noolow si fudud si kastoo aad dhaqaale badan u hesho Dhanka fiican wax ka eeg mar kasta si kastoo nolosha kuugu adag tahay Bixi wax badan xitaa haddii wax yar ku soo galaan ama aad heysato La xiriir kuwa ku hilmaamay, Cafi kuwa ku xumeeyay, Ugu ducee waxa ugu wanaagsan …
Read More »5 qof oo ay tahay in aadan la saaxiibin
Saaxiibnimadu waa xidhiidh saamayn badan leh oo dhex mara laba qof. saaxiibkaa waxa uu saamayn weyn ku leeyahay dabeecadaada, habdhaqankaaga iyo shaqsiyaddaada guud. Nabigeenna NNKH waxa uu ina faray in aynu ka fiirsano qofka aan saaxiibka ka dhiganayno. sidaa darteed waxaa quman in aad la saaxiibto qof aad u hubto inuu yahay mid ku haboon in lala saaxiibo. waxa jira …
Read More »Waa Maalinkaagii
Hubaaal waxaad tahay qof ilaahay awood iyo karti Ku manaystay waxaad tahay shakhsiga loo xilsaaray innuu dunidan maamulo oo uu Ku hago jidka toosan iyo wanaaga. Waxaad tahay khaliifka uu illaahay u dhiibay talada adduunka addiga adigaagan akhriyaaya maqaalkayga ka laga rabo inuu guto waajibkii ka saarnaa kownka iyo adduunka. Allaah waxa uu inna leeyahay addunkan addiga ayaa lagugu abuuray …
Read More »Dhoolla-cadaynta
Dhoolla-cadaynta iyo muusoodku waa dabeecad astaan ka marag kacaysa, farxad, furfurnaan iyo soo dhawayn. Dhoolla-cadayntu waxay si fudud u saaqdaa qof walba waxaanay qalbiyadeena galisaa dareen muxubo, jacayl, iyo kalsooni daarran. Qiimaha dhoolla-cadayntu leedahay waxaa inoogu filan 3dan tusaale ee aan kasoo dheegannay diinteena suuban. Tusaale 1aad:- “Mar walba oo aad walaalkaa u dhoolacadayso waa sadaqo” Nebi Muxammed SCW. Tusaale …
Read More »Duruusta Laga Faa’iidi Karo Buugga The Five Love Languages – Dr Gary Chapman
Buuggan `Shanta Luqadood ee Jacaylka`, wuxu qoraagu ku soo ban-dhigayaa shan luqadood oo uu leeyahay waa jannallada jacaylka lagu gudbiyo. Labada qof ee is qaba, haddii uu midba mid kale fahmo luqaddiisa, deed na uu si joogta ah uu ugula hadlo uu guurkooda badhaadhayo. Buuggan waxa markii ugu horreeysay la daabcay 1992. Labaatankii sano ee ugu dambeeyayna wuxu hormuud u …
Read More »Casharrada Laga Faa’iidi Karo Buugga OUTLIERS
Malcolm Gladwell waa suxufi Kanediyaan ah oo horay u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin `The Tipping Point` iyo `Blink` oo illaa iyo imminka ka mida buugta loogu gadashada badan yahay. Malcolm, buuggiisan Outliers wuxu si cilmiyaysan uga warramayaa isirrada sameeya dadka hormuudka ah ee bulshooyinkooda kasoo mudh-baxa. Waa buug aragti cusub kaa siinaya dadka guulaysta iyo waxa …
Read More »Waxaad U Baahan Tahay Qof Ku Fahma Oo Riyo Kula Wadaaga
Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa muuqaal ka mid ah barnaamijka XUSUUS QOR DHAKHTAR ILKOOD oo ay diyaariso Drs. Hibaaq Buubaal, muuqaalkaan waxa ay dhakhtaraddu kaga hadlaysaa ahmiyadda ay leedahay in labada qof ee saaxiibadda ah ama xidhiidhku ka dhexeeyo ay is fahmaan isku hadafna ay ahaadaan: Ka faa’iidaysi wacan:
Read More »Philosophy laguu fududeeyay
Hadaad wadato Mercedes ama Gaari raqiis ah, Wadadu waa isku mid Hadaa diyaarada ku safarto economy class ama business, halka aad u socoto isma bedelayso Hadaad xiran tahay saacad Rolex ama Casio, waqtigu waa isku mid Hadaad wadato Mobile Apple, Samsung ama Tooshle, dadka ku soo wacaya ama aad wacayso waa sidoodi Hadaa ku seexato sariir qaali ah ama dhulka …
Read More »Lix Hab Oo Ay U Fikiraan Dadka Isku Kalsoon
xattaa garanayn hababka saxda ee loo koriyo caruurtooda. Sababta ay sidaani u dhacdaa waxay tahay kalsoonida ama kalsooni la’aantu waa hab fikir uu qofku barto caruurnimadiisa, tan macnaheedu waxay tahay kalsoonidu wax shaqo ah kuma laha hidde iyo dhaxal toona balse gebi ahaanba waa hab fikir uu qofku samaysto. Warka fiicani wuxuu yahay xattaa haddii aanad ahayn qof isku kalsoon …
Read More »Adiga Ayay Kuu Taal
Waxaa lagu siiyay Nolol, laguma siin Nolol fiican ama Nolol xun, Adigay kuu taal in aad ka dhigato mid fiican ama mid Xun Adigay kuu taal in aad aroorti hurdada ka toosto oo u dhaqaaqdo rumeynta riyadaada & in aad iska sii hurudo oo riyooto Adiga ayay kuu taal in aad Farxadaada ka shaqeyso & in aad Murugo ku noolaato …
Read More »