Nolol Wanaag

Noqo Qof Leh Han Sare

Hadii aad aragto ruux wax un adiga ku dheer marnaba ha u maseerin ( ha u hinaasin) in aad sidiisa oo kale noqoto balse Allah ( SW) waydiiso inuu ku gaarsiiyo daraja ka sareeysa halka uu joogo , waayo taasi ayaa ah Hanka sare ee looga baahan yahay qofka muslimka ah ” Teeda kale naftaada haka dhaadhicin in ay qof …

Read More »

kelmad Dhiiragelin ah

Waxaa la yiri hadii ukun ( beed) xagga sare laga dillaaciyo noolasheeda halkaa ayay ku egtahay, Hadiise ay si’ iskeed ah kaga soo dillaacdo xagga gudaha noolal cusub ayaaa u bilaabata. Taa macnaheedu waxa uu yahay wax waliba oo wanaagsan gudaha ayaa laga soo dhisaa sidaa awgeed waa in aad isku daydaa in aad noolashaada gudaha ka soo dhisto maxaayeelay …

Read More »

Ha Quusan Ha is dhiibin weli Alle Talo saaro!

Goortii wax kasta kaa qaldamaan Goortii wadada aad ku socoto kula noqoto buur aad koreyso Goortii deyn badan aad ku jirto si aad u bixisana aadan garaneyn Goortii qorshe walba aad sameysay kuu shaqeyn waayo Goortii aad ku fashilanto isku day kasta Goortii aad dareento in qofna uusan ku fahmeen Goortii aad dareento inaadan sii socon karin intaa ka badan …

Read More »

Ma doonaysaa in aad hesho Farxad?

1. Raadi Raali ahaanshaha Alle. Samee wixi Alle ku faray. Kana fogow wixi Alle kaa reebay 2. Noqo mid Mahadnaqa. Ku shugri Nimcooyinka Alle ku siiyay. Tani waa ficil ka mid ah Cibaadada in aad noqoto Adoon Shugri badan 3. Dhoolacadee mar kasta xitaa hadii aad ku sugan tahay xaalad adag 4. Ka fogow is bar-bardhig Aduun. Yaa taajirsan? Yaa …

Read More »

Professor iyo Bad-Maax maxaa kala qabsaday!

Professor ayaa wuxuu ku socdaalay Doon. Marki ay sii socdeen, ayuu ninki badmaaxa ahaa weydiiyay: “Ma taqaan Biology, Ecology, Zoology, Geography, Physiology? Badmaaxi ayaa yiri, Maya ma aqaan dhamaan. Professor: Maxaad marka Aduunkan taqaan. Adigoo Jaahil ah ayaad dhimaneysaa. Wax aad taqaan ma leh. Cabaar markay socdeen, ayaa doonti bilowday inay quusto (degto). Badmaaxi ayaa weydiiyay Professor-ki, Ma taqaan Swimology …

Read More »

Noloshu waa Imtixaan!

Xaqiiqdii, Noloshu waa Imtixaan. Waxaa nalaku imtixaanayaa Cabsi, Gaajo, inaan weyno Naf & Maal. Alle SWT wuxuu doonayaa inuu eego in Iimaankeenu dhab yahay. Ilaa xadka saburkeenu gaarsiisan yahay. Ilaa inta aan adkeysi leenahay. ama in aan is dhiibno haddii waswaas yar Sheydaan xagiisa nooga yimaado. Ogow Imtixaan kasta oo Alle xagiisa ka ahaada waa mid kheyr inoo ah. In badan …

Read More »

Noqo hogaamiye la jecel yahay (7 Hab-Dhaqan Oo Kuu Sahlaya)

Si aad usoo jiidato dad wanaagsan oo tayo shaqsiyadeed leh, waa inaad adigu noqotaa qof leh shaqsiyad tayo badan.  Hogaamintu waa awoodda aad kusoo jiidan karto dadka kale adigoo adeegsanaya wax waliba oo kuu sahlaya. Khidadda iyo shaxda ugu macquulsan ee aad ku noqon karto hogaamiye indha-sarcaadiya quluubta dadka waa inaad yeelataa shaqsiyad tayo badan oo aad ku kasban karto …

Read More »

Maxaa Ahmiyad kuu leh Nolosha oo aad mudnaanta koowaad siisaa?

Philosophy Professor ayaa cashar siinayay Arday. Miiska hortiisa waxaa saarnaa laba dhalo waaweyn & kuwa yar yar oo ay ku jiraan dhawr shey oo kala duwan. Hal dhalo ayuu wuxuu ka buuxiyay Ciid, ka dibna wuxuu ku shubay dhagax-dixeed (quruurux). Wuxuu ardaydi weydiiyay in ay dhalada buuxdo? waxayna si fudud ugu jawaabeen Haa. Wuxuu soo qaaday Dhagax waaweyn, wuxuu isku …

Read More »

Sidee Ula Dhaqmaysaa Qofka Ku Gooya Ama Ku Diida?

Aakhiro oo waadax ah qofkii si dhab ah u qaatana aan marnaba lumaynin kuna dhacaynin waddooyinka sheydaanka dadka iyo jinka, anaga inta badan nolosheena waxaan xoogga saarnaa cibaadaadka loo yaqaan Shacaa’iriga ah oo ah shahaadataynka oo marka ugu horreysa qofka Islaamka qaadanaya ku dhawaaqo, salaadda, soonka, sakada iyo xajka qofkii awooda, balse sida muuqata oo aan marwalba aragno xoogga ma …

Read More »

Sameynta Is-bedel

isbedel change

Nin Xeebta ku lugeynaya ayaa wuxuu arkay nin kale oo badda wax ku tuuraya, markuu ku dhowaaday ayuu weydiiyay wuxuu sameynayo. “Sidaa aragto, waxaa xeebta ka buuxa oo mowjadda keentay Starfish (Kalluun qaab xiddigeed leh) haddii aanan badda ku celin waxay u dhimanayaan oxygen la’aan.” Ninki kale ayaa isagoo yaaban ku yiri, “Miyaadan arkeyn kumanaan xabo ayaa xeebta yaacsan, hadaad …

Read More »

Cashar Qiimo Leh

Badanaa goortii qofku dhalinyaro yahay, uu bilaabayo safarkiisi hanaqaadka wuxuu dareemaa inay tahay inuu sameeyo wax kasta hal mar. Wuxuu go’aansadaa wax kasta inuu ka war keeno, ku waaya arko, halka ugu sareysa uu gaaro, sameeyo haasaawe badan, isku dul wado dad badan, tartan dahsoon la galo asaagii, jeclaado inuu noqdo qofka ugu sareeya, ugu sita; hadana uu hilmaamo ujeedada …

Read More »

Talooyin kooban oo kuu Iftiiminaya Nolosha

U fakir si fog U hadal si degan U soco si tartiib ah U jeclow si badan U dhoolacadee si joogta ah U shaqee si adag U bixi si qarsoon U naxariiso si guud U niyeyso Alle dartiis   2. Noqo qof Aadaab leh goortii aad Madax tahay Noqo qof aamusan goortii aad careysan tahay Ahow qof daacad ah goortii …

Read More »

Tallaabada Koobaad ee Guusha – Hadaf!

Ma guul ayaad raadinaysaa? Ma waxaad doonaysaa inaad ku guulaysatid waxbarashadaada? Mise shaqadaada? Mise ganacsigaaga? Mise riyooyinkaaga? Mise kasbashada quluubta dadka? Mise wax kaleba? Ma waxaad hiigsanaysaa nolol qurux badan? Mise aakhiro qurux badan? Waa maxay hawsha aad guusha ka raadinaysaa amba ku raadinaysaa? Hadaf (ujeeddo) ma u samaysattayse? Ma hammi guul ayaa kaa guuxaya mise hadaf guul? Miyaad rajaynaysaa …

Read More »

Diyaar Ma U Tahay Inaad Horumariso Naftaada & Noloshaada?

Dabcan, qof kasta oo nool wuxuu doonayaa isbedel inuu sameeyo. In badan uma suuragasho si kasta oo ay isugu dayaan sababtoo ah ma raacin wadadi saxda ahayd ama ma doonayaan wixi ay ku jireen inay ka baxaan si ay u helaan natiijo kale. Dad badan waxay naftooda u aqriyaan liis dheer oo ah waxyaabo ay rabaan inay sameyaan, noqdaan ama …

Read More »

Qof kasta Waxaa Heysa Dhibaato U Gaar Ah

Waxaa jiray Nin khabiir ah oo dadku jeclaayeen in ay talo u soo doontaan. Dadkaa waxay isugu jiraan nooc walba, dhalinyaro, Dumar hooyo ah, Odayaal, Gabdho da’ yar, kuwa is qaba, kuwa kaal tagay, iwm. Wuxuu isticmaali jiray Falsafad cajiib ah, hadba koox intuu Gees hoostii ku ballamiyo ayuu marki ay soo wada fariistaan oran jiray qof walba dhibta heysa …

Read More »