Nolol Wanaag

Maxaa Sabab U Ah In Dadka Qaar Ay Ku Adkaato Raalligelinta??

raali galin

Inkasta oo marar badan si cilmiya loo sheegay in raalligelinta ay u fiican tahay caafimaadka nafsadeed ee qofka iyo xidhiidhka bulshada, haddana dadka qaar waa ay ku adagtahay. In ay is illowsiiyaan ama ay si badheedh ah uga warwareegaan ayaa kala fudud in ay raalli gelin siiyaan cid ay ku gefeen. Daraasado badan oo ay xeeldheereyaasha cilminafsigu arrintan ku sameeyeen …

Read More »

6 Qodob Oo Sare Loogu Qaado Caafimaadka Iyo Awoodda Garasho Ee Maskaxda

caafimaadka maskaxda

Waxaa waajib ah in qofku uu iska xilsaaro ilaalinta iyo wanaajinta caafimaadka maskaxdiisa, si uu u dhiirrigeliyo in unugyo cusubi ay kobcaan, ugana hortago hoos u dhaca maskaxda ku yimaadda mar kasta oo qofka da’diisu ay sii weynaato. Waxa aynu si gaar ah u eegaynaa dhinaca nafaqada iyo cuntada, maadaama oo nooca iyo xaddiga cuntada aynu maalin kasta cunnaa ay …

Read More »

Rise and Shine: 10 Life-Changing Benefits of Waking Up Early

waking up early benefits

Ever wished for more hours in your day? What if the secret wasn’t about bending time but changing when you wake up? Early risers have long claimed the benefits of starting their day at dawn, and science backs them up. From enhanced productivity to better mental and physical health, waking up early can truly transform your life. Let’s dive into …

Read More »

Isla-Hadalka Ama Naf La Sheekaysiga (Self-talk), Noocyadiisa Iyo Faaidooyinkiisa

isla hadalka,

Isla-hadalka ama Isla-sheekeysiga (Self-talk) waa arrin caan ah oo dad badan lagu arko, wuxuu noqon karaa mid togan ama mid taban, waxaana uu saamayn ku yeelan caafimaadka maskaxda sida lagu arkay daraasado kala duwan. Naftaada oo aad la sheekaysato waxay saamayn kartaa heerka stress-kaaga, xasuustaada iyo ufiirsiigaaga. Isla hadalku wuxuu noqon karaa mid ku dhiirrageliya ama mid rajo xumo kugu …

Read More »

Arrimo Haddii Aad Qabato Inta Aad 30 Jir Tahay Si Weyn Kuu Anfacaya Marka Aad 50 Gaadho

mustaqbalka, nolosha,

Marka uu qofku gaadho da’da soddomaadku waa xilliga uu ugu fursadaha badan yahay, waxyaabo badan oo markii hore dhaafay uu daba qabatayn karo, daalkii iyo masuuliyadihii noloshuna aanay weli wada fuulin, inta badan. Khubarada cilminafsiguna waxa ay aaminsan yihiin in ay tahay da’da ugu habboon ee qofku uu ku sixi karo waxyaabaha noloshiisa ka qaldan, faa’idada sixitaankaasna uu ku dareemi …

Read More »

Dabeecadaha Iyo Caadooyinka Ay Caanka Ku Yihiin Dadka Guuldarraysta

Guul darro, dadka guulaysta, fashilka,

Guushu waa himilada qof kasta oo innaga mid ahi habeen iyo dharaarba ka fikiro sidii uu u gaadhi lahaa. Waana sababta ay qiimaha gaarka ah u sameeyaan qisaska iyo sheekooyinka ka warramaya kuwo guulaystay ama guuldarraystay. Waa se arrin sax ah in aynu eegno dabeecadaha iyo habdhqamada dadka guulaysata iyo kuwa guuldarraysta, si kuwa hore aynu ugu dayanno kuwa dambana …

Read More »

Power Up Your Brain: Simple Steps to Improve Memory and Concentration

boost memory, concentration

Your brain is like a muscle—the more you take care of it, the better it performs. Whether you’re studying, working, or just trying to stay sharp as you age, improving memory and concentration doesn’t have to be complicated. Here are simple, science-backed steps to help you boost your brainpower. . Feed Your Brain with Nutrient-Rich Foods The saying “you are …

Read More »

10 Arrimood Oo Si Weyn U Xoojiya Garashada Iyo Xusuusta Maskaxda

garashada xasuusta maskaxda,

Dad badan ayaa ay la tahay in dhisidda awoodda xusuuseed iyo garasho ee maskaxdu ay ku xidhantahay uun bilowga koritaanka carruurnimo ama dhalinyaronimo ee qofka, laakiin waxa uu cilmigu inoo caddaynayaa in fikirkaasi uu qaldan yahay. Qof kastaa da’ uu yahayba waa uu leeyahay awooddaas, haddii uu ka dheeraado sababo saamayn ku yeesha awoodda maskaxdu u leedahay fiirsiga, baraarugsanaanta iyo …

Read More »

Caadooyinka Lagu Yaqaanno Dadka U Fiirsigooda & Shaqada Maskaxdoodu Sarrayso

Badankeenu waxa aynu aaminsanahay in dhugmada maskaxda iyo bararugsanaantu ay ku timaaddo doonista qofka oo xooggan. Taas oo macnaheedu yahay in qofku uu dadal badan gelinayo sidii uu maskaxdiisa uga joojin lahaa in ay hadba dhan uga fakato waxa uu qofku doonayo in uu u fiirsado. Nick Wignall oo ah qoraa iyo xeeldheere cilminafsi ayaa sheegaya in dhugta maskaxda iyo …

Read More »

Dabeecadaha La Yaabka Leh Ee Fardaha

nolosha fardaha, faraska

Guud ahaanba ma yeedhaanku waxa uu leeyahay dhaqanno bulsho iyo dabeecado gaar ah oo uu kaga soocan yahay xayawaanka kale. Dabeecadahaas qaarkood waa kuwo aadamaha qudhoodu leeyahay haba ka yara duwanaadaan ee, ama waa kuwo ay tahay in aadamuhu uu wax ka barto oo uu kaga daydo wanaaggooda awgeed. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah dabeecadaha Faraska: …

Read More »

Talo Ku Socota Darawal Kasta

darawalka, gaadhiga, baabuurta,

Qaraxa taayirku waa mid ka mid ah sababaha ugu badan ee shilalka gaadiidka, gaar ahaan marka safarrada lagu jiro oo uu keeno isku dhac gaadiid ama in gaadhigu uu qallibmo (Gaddoomo). Qaddar lama baajiyo, waxa se muhiim ah in qofka darawalka ahi uu barto dhammaan hababka badbaado ee uu kaga hortegi karo khatartaas, waxaa ka mid ah in uu barto …

Read More »

Habab Qofka Isaga Oo Gurigiisa Jooga Uu Lacag Ku Shaqaysan Karo

sidedhaqaalaha

Nolosha Casriga ah ee adduunyadan aynu ku noolnahay waa ay abuurtay duruufo nololeed oo mar kasta aanay is daboolayn dakhliga qofka soo gala iyo kharashaadka uu u baahan yahay in uu isticmaalo. Dadka badankooduna waxa ay ku jiraan kifaax iyo halgan ay ku raadinayaan sidii ay u heli lahaayeen ilo dakhli oo ku sii kordha kuwa ay hadba haystaan. Maqaal …

Read More »

Haddii Aad Imika Jaamacadda Bilaabayso Ama Qof Aad Talo Gaadhsiin Kartaa Uu Bilaabayo…

jaamacadda, ardayda, waxbarashada, arday,

Waxaa inoo bilowday sannad dugsiyeedkii cusbaa ee 2022/2023, waxaa marxaladdii waxbarasho ee dugsiyada soo dhammaystay arday badan oo hadda isu diyaarinaya jaamacadda. Waxaa waajib ah in arday kastaa uu ogaado in heerka jaamacaddu uu aad uga duwan yahay waxbarashadii dugsiga; waxaa ku qasbayey oo arrimahaaga oo dhan maamulayey waalidka ama ciddii kale ee masuulka kaa ahayd, macallimiinta qudhooduna si adag …

Read More »

5 Calaamadood Oo Lagu Ogaado Saaxiibtinimada Dhabta Ah

saaxiibtinimada, saaxiibka wanaagsan, saaxiibka runta

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Alcarabiya waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah halbeegyada ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu aaminsan yihiin in lagu dhererin karo saaxiibtinimada si loo kala garto midda danta ku dhisan iyo saaxiibtinimada waarta ee runta ah. waayo waxa inta badan dadka ka qaldama marka xidhiidhka u dhexeeyaa uu saaxiibtinimo gaadhayo iyo marka …

Read More »