Nebi Muxammad Csw waxa uu sheegay in awooddu aanay ahayn xoogga uu qofku wax ku lagdi karo laakiin ay tahay awoodda uu leeyahay xilliga uu caroodo inuu naftiisa hanan karo. Halyeygii gobonnimo doonka ee Mahatma Gandhi ayaa lahaa halku-dheg uu macnihiisu yahay, in awoodda qofku aanay ahayn muruqyada jidhkiisa iyo xooggiisa ee ay tahay hal-adayga uu leeyahay ee aan laga …
Read More »Nolol Wanaag
Shanta Qoomamo ee ugu Badan ee Dadka Sakaraadaya!!
Kalkaaliso Ustaraaliyaan ah oo lagu magacaabo Bronnie Ware ayaa waxay buug ka qortay waayo’aragnimada ay ka kasbatay 12 toddobaad oo ay la qaadatay dad ay daryeel caafimaad u samaynaysay oo la ildarnaa xanuun aan la filaynin in ay ka bogsadaan. Bronnie waxay buuggeeda ku diiwaangelisay shantii wax ee ugu badnaa oo ay dadku ka shallaayeen, jeclaan lahaayeen na in ay …
Read More »Raacdaynta Oogga Waaberi (Chasing Daylight)
Raacdaynta oogga waaberi (chacsing daylight): “Bal tolow maxaad fali lahayd kahor inta cadceeddaadu aysan ciirin”. Waxa uu madax ka ahaa mid ka mid ah shirkadaha lacagaha ee ugu tunka-wayn dunida, nin haysta hanti farobadan, qoys xasilloon, iyo mustaqbal ifaya, ayaa loo arkayey. Waxaa lagu tirin jiray kuwa abaabulan ee u go’ay shaqadooda, kuwa jecel u bareeridda caqabadaha iyo ka gudbiddoooda. …
Read More »Si Aad U Guulaysato Qaladaadkaan Iska Ilaali
Qaladaadka oo la qirtaa waa habka keliya ee la iskaga ilaalin karo in qaladku uu marar badan soo noqdo. Qaar badan oo innaga mid ah ayaa ay dhibaato ku tahay in ay qaladaadkooda qirtaan, waxa aanay taasi caqabad ku noqotaa duruustii ay ka baran lahaayeen iyo ka feejignaanta in qaladkaasi soo noqdo Travis Bradley ayaa maqaal uu ku qoray shabakadda …
Read More »Casharrada Buugga Snakes In Suits (Masas Labisan)
Dhurwaa ma carbismo! Sawirka sare waa Buug la yiraahdo ‘Snakes in Suits’ ( Masas labisan). Waxaan soo iibsaday buuggaan dhowr bilood ka hor. Buuggu wuxuu qaadaa dhigayaa hab dhaqan la yiraahdo PSHYCOPATHY. Af Soomaaliga markii la eego erayga ugu dhow Psychopathy waxaa weeye “Dareen la’aan” (siday ila tahay). Psychopathy haddii la qeexo waxay noqonaysaa damqasho iyo dareen la’aan uusan qofku …
Read More »Caadooyinka Lagu Garto Hoggaamiyaha Fiican
Qormo uu muddo ka hor qoraaga Jim Rohn kaga hadlayey tayada iyo hab-dhaqannada lagu yaqaanno hoggaamiyeyaasha dhabta ah ayaa waxa uu ku xusay dabeecado iyo caadooyin uu sheegay in ay lahaayeen hoggaamiyeyaal magac dunida ku lahaa oo uu noloshoodii dib u eegis iyo baadhis ku sameeyey. Haddaba caadooyinkaas uu qoragu soo helay oo aynu Afsoomaali usoo rognay ayaa u ku …
Read More »Qof Walba Wuxuu Ku Nool Yahay 2 Adduun!!
Qof wal oo innaga mida, wuxu ku nool yahay labo adduun. Duni horteen jirtay, imminkana jirta, jirina doonta haddaynu joogno iyo haddaynu ka tagna ba. Dunidaasi, waa dunida innagu hareeraysan. Waa dunida muuqata ee ka kooban dadka, walxaha iyo dhacdooyinka. Waxa kaloo jirta duni jirintaankeedu ku xidhan yahay innaga jiraankeenna. Waa duni ka kooban hab-fekerkeenna, laxawyadeenna iyo adduun-araggeenna, waana dunida …
Read More »Sidee U Joojin Karnaa Luminta Wakhtiga?
Miyaad jeclaan lahayd inaad haysatid saacado badan maalintii si aad u fuliso howlaha ay lagama maarmaanka tahay in aad fuliso?. Qof ahaan anigu waan rajeeyaa sidaas!. Maalin kasta waxa aan sameeyaa liiska waxyaabaha aan doonayo in aan sameeyo. Kadib waxaa iga kala yaaciya waxyaalo yaryar, sida la hadal saaxiib aan shaqo wadaag nahay, ama Iimayl [Email] u muuqda mid deg-deg …
Read More »Dhaqanka Iyo Dhalinta
Dhallinyaro, dhaqanku wuu ka mug iyo miisaan culus yahay, kana ballaadh iyo baaxad wayn yahay dhaanto, labo go’ oo cad cad iyo xoogaa agab-guriyeed ah oo madal lagu soo ban-dhigo. Dhaqanku, waa koobaha wax wal oo aynu wadaagno. Waxaa hoos yimaadda oo uu dallad u yahay is-dabayaalkii farsamo, fikrado, funuun iyo farshaxan ee soo taxnaa tan iyo intii aynu soo …
Read More »Sidee Looga Hortagi Karaa Caajisnimada?
3 Xaaladood oo qofka u horseedi karta in uu ka hortago Caajisnimada!! 1- Ugu’ horrayn waxaa habboon qofku in uu joojiyo marwaliba in wakhtigu uuka dhigto marmarsiiyo ( cudurdaar) maxaayeelay waxaa inta badan dhacda qofku marki uusan doonayn in uu mas’uuliyada qaato waxa uu iskudayaa in uu eeda dusha ka saaro wakhtiga, waxaa iska caadi ah qofku in uu yiraahdo …
Read More »Shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah waa noocee?
Shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah waa noocee? Haddaynu shaqsiga Soomaaliga ah ka eegno dhankiisa taban ee caqabadda ku ah jiraalka bulshadiisa, waa qof qab-qofeedkiisa jahliga ku salaysan uu aad u sarreeyo. Qabka jahliga ku salaysani waa qab burbur badan iyo dibu dhac ku yimi. Waa qab dahaadhkii wadarnimadu ka maqan tahay oo ay anaaniyaddu hooy u tahay. Waa qab qiyamku ka …
Read More »QALBIGAAGA DAWEE SI AAD HORE UGU SOCOTO
Marka qof loollan idinka dhexeeyo, laguu ammaano; aqoontiisa, kartidiisa, waxtarkiisa bulsho, cadaaladdiisa iyo wax kale oo kasta oo fiican? AMA qof aad nolosha isku heer ka ahaydeen, kaaga hormaro waxbarasho, shaqo, mansab, maaliyad ama wax kasta oo kale oo aad ku loollamayseen .. = HADDII AAD KA XUMAANSHIYO DAREENTO WAXA AAD OGAATAA IN AAD NIYADXUMO QABTO OO QALBIGAAGU AANU SAAFI …
Read More »Ku Jahwareeri Aamusnaantaada, Kadibna Kaga Nixi Natiijadaada!
Ma aha inaad had iyo jeer ka hadasho waxa aad ku hawlan tahay, Natiijadaada ayaa kuu hadli doonta, Ficiladaada ayaa kuu hadli doona. Baraha Bulshadu ma aha inay mar kasta ogaadaan bootada iyo bood-boodkaaga. Dadku iyagaa ogaan doona marki ay arkaan natiijadaada. Natiijada waa waxa keliya aan fake laga dhigi karin. Waxaa jira dad badan oo fake ah, faan iyo …
Read More »10 Arrimood Oo Dhalinyaronimada Lagu Dayaco Oo Waayeelnimada Looga Qoomamoodo
Sida in badan dhacda qofku marka uu weynaado waxa ku soo noqda xusuuso badan oo la xidhiidha noloshii kala duwanayd ee uu soo maray qadhaadh iyo macaan mid ay ahaydba, sidoo kale waxa uu dib u xasuustaa ficilladii iyo hawlihii uu hore u soo qabtay, iyo wixii uu jeclaa ee aanu qaban, taas oo haddii ay badato ku abuurta murugo …
Read More »Buugga Furaha Ganacsiga
Kulanti wacan ku soo dhowaada Barnaamijkii Fikrad & Buug ee uu soo diyaariyo islamarkaana uu soo jeediyo ustaad Mubarak Hadi. Xalqadaan ayuu ustaadku ku gorfaynayaa buugga Furaha Ganacsiga ee uu qoray Siciid Cali Shire.
Read More »