kilyo xanuunka macaanka: Kilidu waxaa ay muhiimad u leedahay shaqooyin badan oo jirka ah sida saarida wasakhda, isku dheeli tirka dheecaanada biyaha iyo macdanta, kontoroolida cabirka dhiiga, kontoroolida hormoonada iyo isku miisaamida acidka iyo baseka . Hadii uu ku yimaado xanuun waxaa ay saamayn ku yeelanaysaa shaqooyin badan. Macaanku waa xanuun saameeyaa shaqada kelida taasoo inta badan sababta xanuunka loo …
Read More »Health
Xanuunka Difaaca Jirka Khalkhalsan
Xanuunka difaaca jirka khalkhalsan wuxuu sameysmaa marka difaaca jirka uu go’aansado inuu dagaal ku qaado xubno caafimaad qaba oo katirsan jirkaaga. Xanuunkan waxa uu saameyn karaa hal qeyb ama qeybo badan oo ka mid ah jirka. Sidoo kale xanuunkaan wuxuu sababi karaa korriima aan caadi aheyn oo ku timaada xubnaha iyo shaqadooda. Waxaa jira in ka badan 80 nooc oo …
Read More »La Qabatinka (Addiction) Ma Cudurbaa Mise Waa Dabeecad?
Erayga qabatin ama in qofku wax la qabatimo wuxuu baryahaan dambe noqday eray aad loo isticmaalo, waxaad arkaysaa ayadoo loo isticmaalayo waxyaalo aan horay loogu isticmaali jirin, tusaale ahaan hada waxaad arkaysaa ayadoo la oranayo hebel wuxuu la qabatimay daawashada aflaanta, iskamana joojin karo waayo waa wax naftiisu la qabsatay. Hadaba waxaan doonaynaa inaan halkaan ku cadayno waxa caafimaadku ka …
Read More »Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Dhasha Haddii Biyo La Cabbo Xilliga La Cuntaynayo
Jooji cabidda biyaha xilliga cuntada!! Jirkeena wuxuu sameeyaa shaqooyin badan xiliga aan wax cuneyno, waana shaqooyin aan ubaahanay inaan mid mid u fahano si aan u ogaano in biyo lacabo xiliga aan wax cuneyno iney fiican tahay iyo ineysan fiicanayn. -Calyada afkeena uu soo saaro xiliga aan wax cuneyno waxay ka kooban tahay insaymo burburiya cuntada waana mid naga caawineysa …
Read More »Qiimaha Caafimaad Ee Dhagayaraha Iyo Saliidiisa
Dhagayarahu waa ubax la qallajiyay oo ka baxa geedka loo yaqaanno “cloves”, Asal ahaan waxaa uu ka soo jeedaa Indonesia, wadanka ugu badan dunida uu ka baxo waa dalka Zanzibar. Dhagayaruhu wuxuiu ka mid yahay xawaashyada caanka ah ee cunnada udugga iyo dadhadhanka macaan u sameeya, sida oo kalana xambaarsan nafaqooyin muhiim ah iyo walxo kale oo caafimaadka faaido ugu …
Read More »8 Arrimood Oo Lagu Taliyo In La Joogteeyo Subax Kasta Aroortii
Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee caanka ah ee Al-Carabiya, waxa ay soo bandhigaysaa siddeed qodob oo qofka ku dhaqma maalin kasta arroorta hore, gaar ahaa wixii ka horreeya 7 subaxnimo uu ka helay faaa’idooyin caafimaad oo tiro badan. Muruqyada kala bixi: Isla marka aad hurdada ka toosto, waxa uu jidhku u baahan yahay in uu helo …
Read More »Sababta Ay Xeeldheerayaashu Uga Taliiyaan In Laga Fogaado Cabista Shaaha Caloosha Oo Maran
Shaahu wuxuu ka mid yahay cabitaannada loogu jecel yahay dunida, dad badanna waxa ay maalintooda ku bilaaban koob shaah ah, balse ma ogtahay sababta ay xeeldheereyaasha caafimaadku uga digaan in shaaha la cabbo caloosha oo maran? Inkastoo shaahu uu leeyahay faa’idooyin caafimaad sida awoodda sun-saarista tan oo jirka ku caawisa siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin iyo …
Read More »Cillada U Dulqaadasho La’aanta Laktoos (Lactose Intolerance)
U dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose intolerance) waa cillad ku dhacda dheefshiidka taas oo timaada marka calooshu ay burburin kari weydo sonkorta “lactose” ee ku jirta caanaha. Dadka qaba cilladan waxaa jirkooda ka maqan dheecaanka “lactase” kaas oo mila sonkorta “lactose” ee caanaha ku jirta si jirku tamar ahaan uga faa’idaysto. Markasta oo qofka uu sii weynaado, dheecaankani hoos ayuu u dhacaa, …
Read More »Faaidooyinka Faytamiin D Iyo Ilaha Ugu Fiican Ee Laga Helo
Warbixin caafimaad oo Shabakadda Aljazeera ka soo xigatay majaladda Elle ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay faa’idooyin dhowr ah oo laga helo faytamiin D-ga. Warbixintaas waxa ay hoosta ka xariiqaysaa shan faa’ido oo waaweyn oo uu Faytamiinkani u leeyahay caafimaadka waxa aanay kala yihiin: Wadne Xanuunka: Faytamiin D waxa uu ilaaliyaa jileeca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga qaada, …
Read More »Xusuusta Xun Waa La Kala Dhaxlaa
Cilmibaadhiso kala duwan ayaa lagu ogaaday in ubadku ay xusuusaha xanuunka leh ka dhaxlaan waalidkood. Mid ka mid ah daraasadaha oo ay samaysay jaamacadda Emory University ee Maraykanka ayaa ay cilmibaadhayaashu tijaabo ku sameeyeen jiir. Nooc ka mid ah khudradda (Cherry) ayaa loo soo dhoweeyey jiirka, isla markii uu uriyeyna waxaa lagu qabtay koronto (Shoodh) aad u xanuunjisay. Maskaxdii jiirku …
Read More »Qaababka Saxda Ah Ee Seexan Karto Hooyada Uurka Leh & Qaababka Ay Tahay Inay Iska Ilaaliso
Qaab jiifka saxda ahi wuxuu muhiim u yahay helidda hurdo tayo leh. Xilliga uurka waxaa aad muhiim u ah in hooyada uurka leh ay hesho ugu yaraan 8 saacadood oo hurdo ah. Marka aad uurka leedahay waxaad sidaa culeys dheeraad ah sidaas darteed jirkaagu wuxuu u baahan nasiino ku filan. Si kastaba ha ahaatee qaab jiifka xilliga uurka aad ayuu …
Read More »Qaababka Beerka Looga Sifeeyo Sunta Iyo Wasakhda
Beerka waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista. Tan ugu muhiimsan waa inuu …
Read More »Waa Maxay Kansar? Sidee Buu Se Ku Faafaa?
Magaca kansar waxa loo isticmaalaa in kabadan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo utarma si aan caadi ahayn. Unugyada caadiga ah sidee bey ushaqeeyaan? Jirka waxa uu ka kooban yahay unugyo ka badan tirilyan, unugyaduna waa kuwa kora, oo qeyb sama, waxay na ku dhintaan si habsami ah, xiliga bani aadamka uu yar yahay unugyada waxay u tarmaan …
Read More »Talooyin Caafimaad Oo Muhiim U Ah Hooyada Uurka Leh
In hooyadu xilliga uurka ay si fiican u daryeesho caafimaadkeedu waxa ay ku abuurtaa shucuur raaxo oo nafsiya waxa aanay horseeddaa in ilme caafimaadkiisu fiican yahay ay dhasho. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa aynu ku eegaynaa talooyin muhiim ah oo ay dhakhaatiirta ku xeeldheer xaaladahani sheegeen in ay caawinayaan hooyada uurka leh. Jimicsiga: Jimcsiga ay hooyada uurka lihi samaysaa …
Read More »Shahwada Oo Dhiig Yeelata: Sababaha Keena Iyo Hababka Loo Dabiibo
Shahwada oo yeelata dhiig (hematospermia) waxay ragga galisaa cabsi iyo walwal. Balse nasiib wanaag maahan shay keeni kara khatar caafimaad oo aad u wayn. Ragga kayar 40 sano oo aan lahayn wax calaamado ah ama aan isku arag waxyaalo kale oo cabsi galiya hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato maahan inay cabsadaan ama wal walaan, waayo xaaladani kuma ahan khatar caafimaadkooda …
Read More »