Health

4 Qaab Oo Aad Iskaga Yareyn Karto Baruurta Caloosha

Haddii aad ka mid tahay dadka miisaanka jirkoodu dhibta ku hayo jecelna in uu dhimo culayska saaran waxa la gudboon in ay raacaan haddiiba ay awoodaan tallaabooyinkan afarta ah oo la ogaaday in ay si weyn u caawiyaan la dagaalanka baruurta iyo miisaanka badan gaar ahaan xayrka ku ururta caloosha, barida iyo guud ahaan jirka. Dumar badani waxa ay dhib ka …

Read More »

Ma Rabtaa Inaad Kordhiso Dhererkaaga?

Waxaa la aaminsan yahay in hidde-raaca waalidku uu 80% ka yahay muuqaalka iyo joogga qofka bini-aadamka ah, halka 20% na uu muuqaalka qofka iyo dhererkiisu saameyn la leeyahay waxyaabaha kale ee dabiiciga ah, sida cuntada iyo caafimaadka oo kale. Waxyaabaha hoos u dhigi kara ee carqallada gelin kara kororka dhererkaaga waxaa ka mid ah, sigaar cabbista xilliga korniinka ee 10 …

Read More »

Siyaabaha Loo Daawayn Karo Qallaylka Iyo Jeexjeexa Cagaha

Waa Maxay Caga Qallayl iyo Jeexjeex? Maqaarka lugaheena caadiyan wuu ka duwan yahay maqaarka jirkeena oo kale, eebe uma samayn qanjirrada saliidda soo daayo saas awgeed waxay cagta ku tiirsan tahay kumanaan qanjirrada dhididka ah. Haddii marka ay jirto cillad saamaynayso qanjirrida dhididka ee lugaha waxay keenaysaa caga qallayl iyo inay jeexjeexmaan. Dadka uu aad ugu badan yahay cago qallaylka …

Read More »

Sababaha Keena Hurdo Xumada Caruurta

Sideedaba hurdo xumada ku dhacda ilmaha yar waxa ay ka kobaana tahay noocyo badan, laakiin waxa ay ka simanyihiin kuligood inay waalidka walaac ku abuuraan iyo hurdo la’aan, lakin caafimad ahaan hadii loo hadlo waa laba qeyb: 1– hurdo xumaanta dhibaatadu keento. Hurdo xumadan  ayaa waxa keena qodobadan – caruurta oo isku kaadshidiisu badato  taas oo kiscisa wakhitiyo inta uu …

Read More »

Koob Kafee Ah Oo Aad Maalin Kasta Cabtaa Waxay Kaa Yareynaysaa Khatarta Kansarka Mindhicirada

Cilmibaadhis ballaadhan oo dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfurtay in cabbitaanka ee maalinlaha ahi ay yarayso khatarta ah in qofka uu ku dhaca kansarka noociisa midhicirada weyn ku dhaca, isla markaana waxa uu kordhiyaha fursadaha lagaga bogsan karo cudurkan. Sahamin lagu sameeyey dad uu cudurkani hayo oo bun cabbay ayaa lagu ogaaday in bunku uu raad muuqda ku yeeshay caafimaadkooda …

Read More »

Daryeelka maqaarka ilmaha yar iyo dhalinta

Maxaa gaar ku ah maqaarka ilmaha yar oo dhashay? Dhalashada ka dib maqaarka ilmaha wuxuu qaataa muddo inuu la qabsado adduunka ku cusub. Waxaa jira waxyaalla badan oo deegaanka ka jira oo ilmaha dhashay xasaasi u yahay intuu yar yahay. Si kasta arrini ha ahaatee, talaabooyin yaryar oo guriga laga qaado ayaa muhiim u ah si loo xaqiijiyo in ilmaha …

Read More »

8 Calaamadood Oo Lagu Garto Cudurrada Kelyaha

Symptoms of Kidney Disease Aqriste waxaan kuu soo gudbinayaa qaar ka mid ah xanuunaa ku dhaca kelyaha iyo calaamadaha lagu garto. Xanuunka ku dhaca kelyaha ayaa noqday tobankii sano ee u danbeeyay mid ay ka cawdaan dadka soomaaliyeed mana jirin laba sano ka hor mashiinka kelyaha sifeeya deegaanaadada afka soomaaliga looga hadlo, immika se magaalooyinka sida hargeysa waad ka heleysaa. …

Read More »

Faa’iidada Hurdada Duhurkii

Dad badan ayaa ma’oggan faa’idada ay hurdada qadada kadib u leedahay dib u soo celinta tamarta qofka. Cilmibaaris dhowaan natiijadeedu soo baxday ayaa daahfutay in hurdada maalintii ay nasiso maskaxda qofka iyo muruqyadiisa isla markaana xoojiso nasashada iyo furfurnaanta dabeecaddiisa. Sidoo kale waxa ay dib u soo celisaa awoodda iyo tamarta qofka ee dhinaca fikirka iyo baraarugsanaanta maskaxda, waxa ayna …

Read More »

8 Tallaabo Oo Aad Miisaanka Iskaga Dhimi Kartid

In miisaanka la dhimo wuxuu u muuqdaa wax iska fudud ,laakiin sidaasi wey ka adagtahay waxaana loo baahan yahay in aad maskaxda ku heyso hadaad dooneyso in aad miisaanka iska dhinto in markiiba uusan kaa dhaceyn oo inyar inyar ay u baaba’yaan. waa geed aad u weyn caleen badana leh oo maalinba ay xabad caleen ah ka so dhacdo ilaa …

Read More »

12 Siyaabood Oo Aad Ku Horumarin Karto Caafimaadkaaga Xiliga Soonka

Afeef: Waxaan ka cudur-daaranayaa ereyo hor leh oo aan af-Soomaali u waayay, sababtuna tahay, Sayniska oo aan erey-bixin ballaadhan ku lahayn af-Soomaaliga. Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bisha ay Muslimiintu soomaan meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Soomku waa mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka. Soonku waa inaad cuntada iyo cabbitaanka ka dheeraato inta u dhaxaysa oogta …

Read More »

3 Waxyaabood Oo U Daran Caafimaadka Ilkaha Iyo Xalka

Ilkaha ayaa ah quruxda qosolkaga, hadaba waa ay haboontahay in caadaantood iyo caafimaadkooda la dhowro 1. Cabitaanka Warshadeysan Cabitaanka dhalooyinka ku jira ama casiirka qasan ayaa sokor aad u badan iska leh kasoo marmar ka sokor badan soda-da sida pepsi. Cabitaankisa ayaa wax saas ah uga sahlaneyn adoo shukulaato ku luqluqda. Xalka: Waxad ku caabtaa tuubada cabitaanka ‘Straw’ oo cabitaanku …

Read More »

Sidee Iskaga Ilaalin Kartaa In Macaanku Kugu Kaco Xiliga Soonka

Majalad ka faalloota arrimaha caafimaadka oo ay soo xigatay shabakadda Al-Carabiya ayaa dhowaan baahisay natiijada cilmibaadhis ka digtay xilliga afurka ee bisha soonka uu qofku ku talax tago cunto cunista. Daraasaddan ay faafisay majaladda Diabetes Care oo aan Afsoomaali usoo rognay ayaa hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in qofku cuntadadiisa ka dhigo laba qaybood oo aasaasi ah, qaybta hore …

Read More »

Faaidada In Mooska La Cuno Xiliyada Afurka Iyo Suxuurta

Intabadan khuburada ku taqasusay faa’iidada qudaartu ay u leedahay jirka bini’aadamka ayaa kula talinaya qofka sooman inuu cuno muuska afurka ama suxuurta maadama uu faa’iido badan u leeyahay qofka. Waxaa la ogaaday in Muusku uu ka caawiyo jirka bini’aadamka in uusan dareemin oon badan taas oo u wanaagsan qofka sooman, maadaama looga baahan yahay in uusan wax biyo ah cabin …

Read More »

Sababaha Keena Harraadka Xiliga Soonka Iyo Siyaabaha La Iskaga Ilaalin Karo

Soonka, oonka, ramadaanka

Waa arrin iska caadiya in qofku uu xilliga soonka harraad dareemo, gaar ahaan marka la eego xilliga ay sannadkan ku soo beegantay oo ah xagaa kulayl jiro, lana af-xidhnaanayo in ka badan 14 saac maalintii. Saacadahaa uu qofku af xidhan yahay waxaa si joogto ah jidhka uga baxaya biyaha illaa uu afurka soo gaadho isaga oo baahi weyn oo deg-deg …

Read More »

Faaidooyinka Soonku U Leeyahay Xanuunada Ku Dhaca Wadnaha Iyo Xididada Dhiiga

Wadne Xanuunka iyo guud ahaan xanuunnada ku dhaca halbawlayaasha dhiiggu waxa ay ka mid yihiin sababaha ugu waaweyn ee dunida maanta loogu dhinto, sida la ogyahayna Soonku waxa uu beddelaa hab-nololeedkii maalinlaha ahaa ee qofka, taasina waxa ay qasab ka dhigaysaa in qofku is weydiiyo raadaynta uu soonku ku yeelan karo xaaladda caafimaad ee bukaanka wadnaha iyo xididdada dhiigga. Haddaba …

Read More »