Health

Fitamiin D Yaraanta Dumarka Soomaaliyeed

Fitamiin D waxa uu kaalin wayn ka ciyaaraa isku haynta xubnaha jirka iyo caafimaadka guud,  Helitaanka Vitamin D ku filan qofka waxuu ka caawiyaa koritaanka lafaha iyo ilkaha. Sidoo kale Fitamiin D-gu waxa uu xoojiyaa difaaca jirka. Fitamiin D  Yaraanta waxaa laga qaadaa cudurro dhowr ah sida: lafo jileec (osteomalacia) iyo lafo beel (osteoporosis). Isha ugu muhiimsan ee laga helo …

Read More »

Xaqiiqooyinka Cudurka Jadeecada (Measles)

Jadeecadu (Measles) waxa ay ka mid tahay cudurada ugu badan ee ubadkeena  haleela iyada oo ka mid ah cudurada sida dhibta yar la isku qaadsiiyo inta badana khubarada caafimaadku waalidka ka codsadaan in laga tallaalo marka ay ku dhacdana goobaha caafimaadka si dedgeg ah loo geeyo. Waa maxay Jadeecadu? Jadeecadu waa cudur lasocda qandho iyo finan kuwaas oo noqon kara halis. Waxaa …

Read More »

Hababka Ugu Wanaagsan Ee Dhaqdhaqaaqa Xiliga Foosha

Heerka Koobaad ee Foosha Heerka koobaad waa bilawga foosha waxana uu socdaa ilaa afka ilmogaleenku si buuxda u furmayo taasoo ah 10 sentimitir. Kani waa heerka foosha ee ugu dheer waxana uu socon karaa 12 ilaa 17 saacadood. Heerkan waxa loo kala qaybin karaa foosha hore, foosha firfircoon iyo kalaguurka. 1. Inta lagu jiro foosha hore, afka ilmo-galeenku waa uu …

Read More »

Faa’iidooyinka Xulbada

Xulbadu (fenugreek) waa dhir-daweed waxtar badan waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran. 1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan: 35.5 oo kaloori ah 6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah 2.5 garaam oo borotiin ah 0.7 garaam oo dufan ah 2.7 garaam oo fiber ah 3.7 miliigaraam oo bir ah 21 miligaraam oo macdanta magnesium …

Read More »

Maxay Tahay Sababta Nebi Maxamed U Doorbiday In Lagu Afuro Timir?

Sida ku cad sunnaha Rasuulka, Nebigu (SCW) waxa uu aad u tixgelin jiray in timirtu ay noqoto cuntada ay tahay in muslimiintu ay ku bilaabaan afurkooda xilliga ramadaanka. Dr. Khaalid Jaabir ayaa diiwaanka Internet ka ee Cabdallah Bin Cabdalcasiis oo ka faallooda arrimaha caafimaadka waxa uu ku yidhi, “Nebigii (SCW) waxa uu helayey cuntooyin tiro badan oo uu ku afuro, …

Read More »

Hurdo Intee Le’eg Ayuu Qofku U Baahanyahay Bisha Ramadaan?

hurdada bisha ramadaan

Dhakhaatiir caalami ah, ayaa soo jeediyey in qofka soomman u baahan yahay bisha Ramadaan hurdo dheeraad ah maalintii, gaar ahaan inuu waqti yar indhaha isku qabto si uu u nasto. Qofku inuu hurdo ku filan helo waqtiyada habeenkii inta Ramadaanta lagu jiro waxay faa’iido u tahay inuu cibaadiisa sii wato, sida ay sheegeen dhakhaatiirtu. Dr. Maxamed Rafique oo ah Madaxa …

Read More »

Faa’iidada Xabxabka Ee Bisha Ramadaan

Waxa aad kor ugu kaca Cunista qaraha xiliyada bisha Ramadaan ee dadku sooman yihiin, iyada oo dhanka kale khubarada cuntada (nurition) ku ay ku taliyeen in la cuno xabxabka xiliga Af-furka ama Suxuurta. faa’iidada uu leeyahay xabxabku/qarahu waxa kamid ah.. 1-Xabxabku waxa uu basaas-tira ama uu jilciyaa sida labeenta, caloosha iyo jidhka. 2-Waxa uu tamar/awood siiyaa midhiciraha iyo dhiiga 3-Waxa uu hoos …

Read More »

Maxaa Kordhin Kara Caanaha Hooyada Ilmaha Nuujisa?

caanaha naaska hooyada ilmaha nuujisa naas nuujinta caaNAHA HOOYADA

  Sidee ku ogaan karaa in caanaha aan soo saaro ay ku filan yihiin ilmahayga ? Waa iska caadi in ay hooyo walbaa ka walwasho caano siinta ilmaha mar ay bilawdo naas nuujinta marka kaligaa ma ahan walwalkaan ,hooyoyin badan ayaa ka walwala inta ay dhanyihiin caanaha naaskeeda iyo in uu helo caano ku filan si u daboolo bahida koriinkiisa …

Read More »

Calaamadaha Dhiig Yaraanta

casharkaan maanta waxaan kusoo qaadanayna cudur kamid ah cudurada ugu caansan ee aduunka gaar ahaan dhulkeena somaliya waa dhiig yaraanta ama aneamia. Dhiig yaraanta (Anemia) anemia-da micnaheedu Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda . Hemoglabiintu waa curiye ay ku jirto macdanta birta oo loo yaqaan …

Read More »

Wahsiga Iyo Dhibaatooyinkiisa W/Q: Maxamed badel cali ( taqwiim)

Waa maxay wahsigu? Wahsigu waa dareen maskaxeed ku dhaca dadka, kaas oo ku keena daal iyo caajis kadibna yareeya ficilkooda. Wahsigu waa in aad dib udhigto hawl kuu qorshaysnayd inaad qabato wakhti cayiman, iyadoo ayna jirin wax sabab ah oo keenay dib udhigaas caajis adi kaa yimid mooyee.] Hadii aad is aragto adiga oo wax hada aad qaban karto isku sii balaminaya inaad qabato …

Read More »

Faraqa U Dhexeeya Saliidaha Laga Tuujiyo Dhirta Iyo Dufanka Xoolaha

Faraqyada u dhexeeya dhinacyo badan ayaynu ka eegi karnaa, waxaana ugu dhaw muuqaalka, saliidaha laga tuujiyo dhirta markasta waxey ahaadaan dareere ha noqoto jawi qabaw iyo ku diiran mid kay doontabee, Halka ta laga tuujiyo dufanka xayawaanka ama xooluhuna ay la shaqeyso cimilada oo marka qabaw yimaado way adkaataa, xiliyada kuleylkana waxey noqtaa mid dareere ah. Asal ahaan halkey kasoo …

Read More »

Cunista Shukulaatada Madow Waxay Kaa Difaaci Kartaa Macaanka Iyo Cudurrada Wadnaha

Daraasad cusub oo British ah ayaa sheegtay cunista shukulaatada madow (Dark Chocolate) si dhexdhexaad ah oo qiyaastii 25 gram ah maalintii in ay yaraynayso halista haleelitaanka qof ka ee macaanka iyo wadne xanuunka, maxaa yeelay waxa uu ka kooban yahay maadooyinka (antioxidants) ka oo ah kuwa ka hortago waxyeellada ama burburka unugyada jidhka. Daraasadan ayaa cilmi-baadhayaalku ay ku sameeyeen Kulliyadda …

Read More »

Cirrada Dhalinyarada

Waxa jira habab fudud oo lagaga takhaluso cirrada  soo degdegta xiliga dhalinyarada (premature graying), maadaama oo cirada dhalinyaradu sababto mushkilado badan qofkana ka dhigta mid waaya kalsoonidii Naftiisa, bulshadana uu ka qaado Diiqad badan haddaanu la qabsan  mushkiladan , laakin waa suurto inaad inaad ka hor tagto cirrada dhalinyarada intii suurto gala adigoo raacaya talaaboyinkan . 1. Timaha ka ilaali …

Read More »

Cunista Xabad Avocado Ah Maalintii Waxay Kaa Badbaabin Kartaa Xanuuno Badan

Midhaha Avocado waa mid kamid ah midhaha nafaqada leh oo waxtar wayn u leh caafimaadka jidhka bani’aadanka iyo dhismihiisa. Cunista hal midhahan oo avocado ah maalintii waxa ay yareysaa halista in uu ku haleelo cudurka wadnaha, waxaa la sugay in uu nidaamiyo shaqada xididdada dhiigg mareenada waxana sabab u ah dufankiisa dabiciiga ah ee uu leeyahay iyo in uu kaa …

Read More »

6 Arrimood Oo Ay Tahay Inaad Ka Fogaato Hurdada Ka Hor!!!

Khubarada dhanka caafimaadka ayaa soo saaray dhowaan lix shay oo ay sheegeen in ay tahay in aan la samayn hurdada ka hor ama waqtiga qofku seexanaayo ka hor,k uwaas oo ay sheegeen in aanay caafimaadka qofka u wanaagsanayn. Lixdaasi shay ayaa ah kuwo dadku sida caadiga ah u isticmaalaan, waxayna kala yihiin: Ha akhrin fariimaha telefoonka markaad seexan rabto: khubaradu waxay sheegeen …

Read More »