Gaaska waa xanuun badanaa Somaalida aad uga sheegato, wuxuu ku dhacaa caloosha, Waana caabuq diiqa, ama boog ku timaadda dahaarka caloosha. Waxaa uu u noqon karaa mid si degdeg ah u dhaca (acute) iyo mid dabadheeraada (chronic). Sababaha keena xanuunkaan waxaa ka mid ah welwelka badan, isticmaalka alcohol-ka, vitamin B12 la’aan, gaajada badan, cuntada basbaasku ku badanyahay (spicy) iyo isticmaalka daawooyinka layiraahdo anti-inflammatory …
Read More »Health
Gaas Calooleed( Gastritis)
Xanuunka gastritis Ama Gaas calooleed ka waa Infekshin (infection) kudhaca caloosha, waxaana sababa wax yaabo kaladuwan sida Bacteeriya (Bacteria), looyaqaan H Pylori iyo qaab nololeedka qofka. Gaas calooleedku waxuu noqonkara mid si dhaqsi ah ku bilowda( Acute Gastritis), ama mid Bukaanka mudo soo haayay, (Chronic Gastritis), mararka qaar gaas calooleedku waxuu Keenaa in caloosha uu nabar ku sameesmo( Peptic Ulcer) …
Read More »Cunista Iniinyaha Liin Macaanta & Caafimaadka!
Liin macaantu waxa ay ka mid tahay khudradaha lagu tilmaamo faa’iidooyinka caafimaad ee tirada badan, laakiin inta badan waxa la ogaa keliya in muudkeedu uu leeyahay faa’iidoyinkaas. Waxa se hadda soo korodhay in la ogaaday in midhaha liin macaanta ku dhex jiraana ay leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan. Warbixin lagu daabacay bogga internet ka ee Bold Sky oo aynu …
Read More »Miyaa La Dheerayn Karaa Xubinta Taranka Ee Ragga?
Anigoo ka jawaabayo dhowr su’aalood oo ku saabsan in xubinta ragga la dheerayn karo ama la weynayn karo, waxaan jeclahay in aan marka hore xasuusiyo akhristayaasha in wax kasta oo internetka lagu soo daabaco in aysan run u qaadanin, waan ognahay in internetka ay ka buuxaan kumanaan xayeysiin oo ka hadlayo sida loo xoojiyo ama loo weyneeyo xubinta ragga iyagoo …
Read More »Muhiimadda Ay Leedahay In Caruurta Loo Heeso Ama La Huwaaweeyo
Hobeeyaa hobeeheey hobeeheyaa Markaad dhalatee dhawaaqday, Dhedow dhaxan bayga duushay, Dhulkaa ii wada iftiimay. Dhammow dhuux iyo lafoowaa, Dhammow dhuubane dhalyow waa, Dhammow dhogor xaajiyow waa, Dhammow kaan ku dhaartayow waa Dhammow dheega Hartiyowa’. Caruurta oo loo heeso ama la huwaayeeyo waxaa la ogaaday inay kordhiso awoodda luqadeed ee maskaxdooda, waxaana la arkay in ay caruurta facooda ay ka dhakhso …
Read More »Uurka iyo Cayilka (SHEEKO YAAB LEH)
Uurka iyo cayilka Hadda ka hor lamaane soomaaliyeed oo is qaba ayaa uur isu yeelan waayay muddo 4 sano ah, dhakhaatiir badan ayay la kulmeen kadib waxaa lagu la taliyay in shahwada ninka lagu beero xaaska si ay uur u qaado, waxayna la xiriireen xarun lagu sameeyo bacriminta uurka “IVF”, baaritaano ayaa lagu sameeyay waxaana loo qabtay ballan sadax bil …
Read More »Hooyo Gabadheeda Ilmo Lagu Qali Rabay Oo Keentay Xeelad Ay Si Caadi Ah Ugu Umuli karto!!
SHEEKO: Hooyadii aqoonteeda isbitaalku ka faa’iday: Waa sheeko cajiib ah, kana dhacday dalka Sucuudiga. Hadda ka hor ayaa hooyo soomaaliyeed waxay gabadheeda oo fool ah geysay isbitaal ku yaalo magaalada Jeddah si ay ugu dhasho. Dhakhaatiirtii markay baareen gabadha foosha ah, waxay arkeen in cunuga daba keen yahay oo madaxiisa kor jiro. Hooyadii iyo gabadheedaba waxaa lala socodsiiyay in gabadha …
Read More »Marka Ay Shaqadaadu Cudur Kugu Noqon Karto Iyo Hababka Ugu Habboon Ee Aad Iskaga Ilaalin Karto
Waa run oo shaqadu waa sharaf. Marka laga tago in ay tahay il dhaqaale oo uu qofku kala soo baxo wahsiga, niyadxumada iyo xaalado badan oo nafsadeed. Laakiin taas macnaheedu ma’aha in ay shaqadu tahay dawo aan wax ceeb ah lahayn. Marar badan ayaa ay iyadu keentaa xaalado nafsadeed ama ay sababtaa dhaawac iyo xanuun jidhka soo gaadha. Cilmibaadhiso ay …
Read More »Talooyin Muhiim Ah U Ah Barbaarinta Ubadka
Inta badan waa ay kala duwan yihiin xidhiidhada uu waalidku la leeyahay carruurtiisa, waxa aanay marar badan ku xidhan tahay kala duwanaanshiyaha baahida carruurta. Laakiin waxaa jira habdhaqanno caan ah iyo xaalado laga siman yahay oo uu maro xidhiidhka ka dhexeeya waalidka iyo ubadkiisa. Gaar ahaan inta ay ubadku ku jiraan marxaladda koritaanka. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa dhowr nooc …
Read More »Muhiimadda Cunista Xabbad Moos Ah Hurdada Ka Hor!
Daraasad dhowan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in muusku faa’ido balaadhan u lee yahay dadka, gaar ahaana markay seexanayaan,iyada oo ay daraasadani awooda saartay xidhiidhka ka dhexeeya mooska iyo hurdada. Kooxdan samaysay daraasadan ayaa sheegtay in habeenkii oo marka la seexanaayo 10 minit ka hor la cuno xabad moos ay keento hurdo jidhka ka dhigta mid aad nasta, gaar ahaana …
Read More »Wargeys Mareykan Ah Oo Ku Taliyay In La Raaco Taladii Nebi Muxamed (csw) Si Loo Looga Hortago Karoona-Fayras (Corona-virus)
Nadaafadda, Karantiinka caafimaad iyo in guryaha lagu negaado ayaa ah tiirarka illaa hadda adduunka oo dhami ku celcelinayo in lagu waajaho xanuunka ‘Covid-19’. Majaladda NEWSWEEK ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa ka warrantay in saddexdan talo ee hadda laga hadlayaa ay yihiin tallaabooyin uu Kun iyo Afar boqol (1400) oo sano ka hor ku baaqay nebi Muxamed (SCW) in …
Read More »ARRIMO CAQABAD KU NOQON KARA LA TACAALISTA CORONAVIRUS?
Xawaaraha uu xanuunkani ku faafayo iyo khatarta uu u leeyahay nolosha aadamaha ayaa kallifaya in mar kasta la qaado tallaabooyin la filayo in ay sabab u noqon karaan ka badbaadistiisa, ama ka bogsashadiisa. Haddaba, tallaabooyinka ay tahay in lagaga hortago Covid-19 ama in qofka uu hayaa uu ku waajaho si uu uga bogsado, waxaa ka mid ah: Sigaar nugista.In qofku …
Read More »MA MUHIIM BAA AF-SAN XIDHKU, QAABKEE SE LOOLA MACAAMILAYAA?
Af/San xidhku waa hab loogu talagalay in qofku uu iskaga ilaaliyo fayraska Caronavirus ee laga yaabo in uu soo raaco neefta qofka xanuunkan qaba ama dhibcaha qoyan ee ka soo baxa sankiisa iyo afkiisa marka uu hindhiso ama qufaco. Si kastaba ha ahaato ee khubaradu waxa ay sheegayaan in aanay qasab ahayn in qofku uu afka iyo sanka xidho haddii …
Read More »Cuntooyin Jirka Ka Difaaci Karo Xanuunka Corona
Corona waa caabuq fayras oo ka faa’idaysto difaac yarida jirka bini’aadanka sida hargabka oo kale, fadlan ku dadaal waxyaabaha difaaca sare u qaado sida Liinta nuucyadeeda kala duwan, toonta, sanjabiilka, filfisha, basbaaska, huruuda, maraqa, malabka iyo xabad-sowdada. Bulshooyinka waxyaabahaasi aysan cunnadoodu ka maqnayn halista corona way ku yaraan doontaa sida la saadaalinaayo, jirkooduna wuu iska difaaci doonaa. Dalka hindiya aad …
Read More »Talooyinka Ka Hortaga Xanuunka Coronavirus Ee Ku Habboon Suuqa, Goobaha Shaqada & Waxbarashada
Adduunyada oo dhan waxaa hadheeyey cabsi weyn oo laga qabo faafitaanka xanuunka Coronovirus oo si xawli ah u faafaya, khatarna gelinaya nolosha aadamaha. Sidaa awgeed waxaa muhiim ah in feejignaan dheeraad ah loo yeesho hababka ugu fiican ee looga hortegi karo cudurkan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyin guud o oay dhakhaatiirtu sheegeen in ay wax ka tarayaan ka hortagga …
Read More »