Halitosis or bad breath is a common condition that causes an unpleasant odour in our mouths and breath. While maintaining good dental hygiene is the most effective strategy to avoid bad breath, many foods have unique qualities that can affect how your mouth smells. Cause of bad breath There are two leading causes of foul breath: Dental hygiene concernsGastrointestinal problems …
Read More »Health
Cuntooyinka Caloosha Jilciya Ee Calool Istaagga Dawada U Ah
Cuntooyinka caloosha jilciya: Calool istaag waxa loo yaqaannaa marka uu qofku saxaroodo saddex jeer ama ka yar asbuucii. Calool istaaga ayaa ah xaalad caafimaad oo aad caan u ah isla markaana dadka intooda badan ugu yaraan mar uun soo marta/martay noloshooda. Calool istaagga waxaa ka dhalan kara babaasiir, dilaac soo gaara dabada (anal fissure) iyo saxarada oo ku xanibanta midhicirka. …
Read More »KA DIGTOONOW: 10 Caado Oo Si Daran U Burburiya Maskaxda Bani-Aadamka
Quraac la’aanta: Dad badan ayaa caado ka dhigta in aanay subaxdii quraacan, laakiin waxa ay dhakhaatiirta caafimaadku xaqiijiyeen in qofka quraacda uu aad hoos ugu dhaco macaanka dhiiggooda, taas oo keenaysa in maskaxdu ay weydo cuntooyinka ay u baahan tahay, waxaanay dhintaa shaqada, haddiise caadadani sii dheeraato waxa ay halis u tahay in ay keento maskaxda oo aakhirka burburta. Ku …
Read More »Caabuqa ku dhaca Xubinta Taranka Ee Dumarka (Vaginitis)
Caabuqa ku dhaca xubinta taranka ee haweenka waa xaalad caafimaad oo ay lakulmi karaan da’ walba oo kamid ah dumarka. Xaaladaan caafimaad ayaa ah mid inta badan lagu arko dumarka dhalmada-daayay. Sida caadiga ah, waxaa jira nooc bagteeriya ah oo ku nool xubinta taranka dumarka sida Lactobacillus, bagteeriyadaan ayaa qayb ka ah nooca wanaagsan ee jirkeenu uu ubaahan yahay, waxaana …
Read More »Faa’iidada Toonta Iyo Caanaha La Isku Daro Iyo Xanuunnada Lagu Daaweeyo
Toontu waxa ay leedahay faa’iidooyin caafimaad oo aad u tiro badan, inta badanna iyada u gaar ah. Waxa aana loo adeegsadaa daawo dhaqameed iyo xitaa daawo casri ah labadaba. Qoraalkaan waxaan ku soo qaadanaynaa faa’iidooyinka toonta iyo caanaha la isku daro iyo qaabka loo diyaariyo. Toonta oo caanaha lagu darsado waxay ka mid tahay qaababka ugu dhadhanka wanaagsan ee aad …
Read More »Maxaa Imaan Karaa Haddii Dhuusada La isku Celiyo?
Dhuusada waa wax si dabiici ah u imaada mana tilmaamto cudur. Dhuusada dadka badankoodu waxay u arkaan wax ceeb ah, haddii qofka ay dhuuso ka fakato bulshada dhexdeeda, waxaa laga yaabaa in lagu qoslo isaguna uu dareemo yaxyax iyo inuu ceeboobay. Dadka inta badan dhuusada way isku celiyaan haddii dad kale ka ag dhowyihiin si ay uga fogaadaan inay ceeboobaan. …
Read More »Macdanta Iron Iyo Muuhimada Ay U Leedahay Jirka & Cuntooyinka Laga Helo
Macdanta xadiidku ama iron aad ayay muhiim u tahay maxaa yeelay waxay jirka ka caawisaa in uu sameeyo borootiinta loo yaqaanno “haemoglobin”. Haemoglobin, ama ‘Hb’, waa borootiinta laga helo unugyada dhiigga cas ee jirkaaga u kala qaadda curiyaha hawada ah ee “oxygen” waxayna midabkeeda cas u gudbisaa dhiigga. Maxaa dhici kara haddii macdanta xadiidku kugu yar tahay? Haddii ay yaraato …
Read More »Cudurka Cagaarshoowga C: Asbaabaha Keena, Dadka Halista Ugu Jira & Dhibaatooyinkiisa
Image source: https://commons.m.wikimedia.org/wiki/File:Cholangitis_Jaundice.jpg Hepatitis C (Cagaarshoowga C): Cudurkaan waa infekshan uu sababo fayrus, fayruskaan ayaa weerar kusoo qaada beerka wuxuuna sababaa in beerku caabuq ku dhaco. Dadka intooda badan wax calaamado ah kama soo muuqdaan, ama waxaaba la oran karaa dadka qaarkood ma oga in cudurkaan hayo iyo inkale ilaa inta beerka uu kasoo gaarayo dhaawac weyn.Cudurka cagaarshoow wuxuu leeyahay …
Read More »Maxaa sababa Koritaan Xumada Iyo Itaal Darrrada Caruurta ( Failure To Thrive)
Koritaanka ilmaha ayaa ah mid ku xiran waqtiyo kala duwan. Lagasoo bilaabo xiliga uu dhasho ilaa uu ka qaangaarayo waxuu ilmo walba maraa heerar kala duwan. Waqtiyada koriimada ilmaha ayaa ah mid aad ugu muhiim ah caafimaadkiisa. Ilmaha aan u koreyn si caadi ah waqtiga loo baahnaa ayaa ah ilmo lagu macnayn karo inay haysato koritaan xumo. Ilma walba oo …
Read More »Sababta Loo Sameeyo Qalliinka Lagu Saaro Beer Yaraha (Cholecystectomy)
Beer yaraha waa xubin yar oo kutaala dhinaca bidix ee ubucda, feeraha hoostooda. Xubintaan waxay door wayn ka ciyaarta hab dhiska difaaca ee jirka, waxayna la dagaalantaa infekshanka. Waxay kaloo ka saartaa dhiiga unugyada duqoobay ee dhiiga cas. Hadaba marka laga fursan waayo in la saaro beeryarada waxaa la sameeyaa qalliin loo yaqaano splenectomy. Badanaa waxyaalaha sababa in lasaaro xubintaan …
Read More »Sida Ugu Fiican Ee La Iskaga Daweeyo Xabeebta
Majaladda ka faallooda arrimaha dawada ee Pharmacies oo ka soo baxda dalka Jarnalka ayaa sheegtay in xabeebta codka ee dadka qaar isku arkaan. Gaar ahaan xilliyada hargabka, sida ugu fiican ee loo daweyn karaa ay tahay in aan sida dadka qaar yeelaan codka xanshaashaq laga dhigin. Ama aan hadalka la joojin iyo in cabbitaan badan la cabbo. Warbixin ay majaladdu …
Read More »Dhiigkarka Ku Dhaca Caruurta Iyo Sababaha Uu Ku Yimaado
Dhiigkar isir ku yimaadda: Caddaymo lagu ogaaday daraasado cilmi ah oo lagu baadhay dadka dalalka Yurub iyo woqooyiga Ameerika, ayaa caddaynaya in dadka awoowyadooda hore ee labada waalid ama midkood ka soo jeedo Afrika ama Koonfurta Eeshiya ama labadan oo isku jira ay khatar aad ah u yihiin in uu dhiigkar ku dhaco, marka la barbar dhigo dadka isirkoodu ka …
Read More »Marnaba Ha Samayn 7-daan Arrin Cuntada Kadib, Sababtane Ogoow
Waxaa jira ficillo badan oo ay dadka qaar sameeyaan xilliyada cuntada kadib, laakiin dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in ay khatar ku tahay caafimaadka. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Sky News waxa aynu ku eegaynaa habdhaqannada iyo caadooyinka taban ee carqaladeeya dheefshiidka cuntada, kadibna caafimaad xumo keena, waxa aana ka mid ah: Maydhashada cuntada kadib: maydhashadu waxa ay kordhisaa burqashada dhiigga …
Read More »Maxaa Keena Dhaawaca Kediska Ah Ee Ku Yimaada Kilyaha?
Kilyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jirka intiisa kale. Waxaa kamid ah shaqooyinkaas inay kala miiraan dhiigga, oo ay ka saaraan waxii dheeraad ku ah, sida biyaha, cusbada iyo macaadiinta kale. Waxay isku dheelitiraan dhiiga iyo dheecaan ku jira jirka, waxay joogteeyaan isku dheelitarka guud ee macaadiinta jirka. Kilyahu waxay sameeyaan kaadida, taasoo ay muhiim tahay in …
Read More »Bakteeriyada Gaastriigga Keenta Ee Helicopter Pylori
Infekshanka H.pylori ayaa ah mid ka mid ah waxa sababa gaastriigga, boogaha caloosha iyo mindhicirada Infekshanka H.pylori wuxuu dhacaa marka noocyo geermis ah ama bakteeriyo ah oo loo yaqaan Helicopter pylori ay ku dhalato caloosha. Waxayna arintaan badanaa dhacdaa xilliga caruurnimada. Caabuqa ay sababto h.pylori wuxuu sababaa xanuunka loo yaqaan boog calooleedka, ama boogta xiidmaha iyo boogta caloosha oo soomaalidu …
Read More »