Health

Cabitaannada Sonkorta Badan Leh Ee Ay Dhaqaatiirtu Ka Digeen

Sonkortu kuma jirto cuntooyinka uu jidhku nafaqada ka helo, sidaas awgeed caadi ahaanba qofku uma baahna isticmaalkeeda. Dhinaca kalana baadhitaannada cilmi ee la sameeyey waxa ay muujiyeen in sonkortu ay dhaawac weyn u geysataa caafimaadka qofka. Waxaa ka mid ah in ay culays ku keento Beerka. Daraasad ay jaamacadda Maraykanka ee Harvard samaysay ayaa lagu ogaaday in beerku uu sonkorta …

Read More »

Qallaylka Farjiga Dumarka: Sababaha Keena Iyo Saamaynta Uu Ku Yeesho Galmada

Farjiga dumarku wuxuu leeyahay qoyaan dabiici ah oo Alle ugu talo galay inuu nadiifiyo kana hortago jeermisyada noocyadooda kala duwan. Qoyaanku farjiga wuxuu astaan u yahay in hormoonnadu ay si wacan u shaqaynayaan. Si kastaba ha ahaatee, qallaylka farjiga dumarku wuxuu tilmaan u noqon karaa cillado caafimaad oo iskugu jira kuwa fudud iyo kuwa waa wayn. Isbedello yaryar oo jirka …

Read More »

Cuntooyinka Ugu Fiican Ee Lagu Kobciyo Rabitaanka Kulanka Gogosha

cuntooyinka galmada, kulanka gogosha

Cuntada waxay door weyn ka ciyaartaa nolosha aadanaha, waa shidaalka uu jirku ku shaqeeyo sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in qofka uu qaato cuntooyin nafaqo leh. Dhakhaatiirta waxay dadka kula taliyaan inay qaataan cuntooyin isku dheelitiran oo nafaqo leh si sare loogu qaado caafimaadka. Qormadaan waxaan ku soo qaadanayna cuntooyinka kor u qaadaa rabitaanka galmada. Rummaanka: Rummaanka waa geed …

Read More »

Caanaha Iyo Cunnooyinka Laga Soo Dheegto Waxay Qofka Ka Ilaaliyaan Xanuunno Halis Ah

Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in caanaha iyo cuntooyinka kale ee laga soo dheegtaa ay waxtar caafimaad u leeyihiin marxaladaha kala duwan ee nolosha aadamaha, kuwaas oo ay ka mid tahay in ay jidhka ka ilaaliyaan xanuunnada khatarta ah qaarkood. Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal ka tirsan jaamacadda Granada ee dalka Spain oo natiijadeeda lagu faafiyey joornaalka Advances in Nutrition …

Read More »

Faa’idada In Saliid Macsaro Cunnada Lagu Darsado

saliid macsaro, saliid, macsarta,

Saliid macsaro: Saliid macsaradu waxaa laga dhaliyaa miraha sisinta, waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan waxay leedahay faa’idooyin tiro badan oo caafimaad, waana sababta loogu bixiyay “boqoradda saliidaha”. Saliid macsarada waxaa ilaa waqti hore loo adeegsan jiray cuntada, waxayna leedahay caraf udgoon oo gaara, waxaa loo adeegsan karaa karinta cuntada noocyadeeda kala duwan midda bisil waa lagu darsadaa. Sisinta waxay …

Read More »

Calaamadaha Sonkorowga Nooca Koobaad Iyo Dadka Halista Ugu Jira

xanuunka sonkoroowga nooca,

Sonkorowga nooca koobaad waa cudur  haleela ganaca sababana in aan insulin la sameyn , taas oo aan la garanayn sababta keenta, waxaa la fahansan yahay in ay ka dhalatay jawaab celis ka socota difaaaca jirka uu kala garanwaayo unugyadiisa  iyo fayrus soo weeraray jirka. Insulin waa hormoon jirka ka caawinaya in cunadda aad ka hesho tamar sida glucose, sokorta dheeraadka ah waxaa …

Read More »

10 Cudur Oo Lagu Daweeyo Saliid Macsarada

macsaro, saliid macsarada,

Saliid macsarada waxaa laga shiidaa miraha sisinta waxaana loo yaqaannaa boqoradii saliidaha “queen of oils” waxayna magacaas ku mutaysatay qiimaheeda caafimaad iyo cunno ahaaneed. Saliidani waxay ka mid tahay saliidaha la cuno kuwa ugu caafimaadka badan Inkastoo miraha sisintu ay yihiin kuwo aad u yaryar haddana waxaa ka buuxo barootiinno, antioxidants, fitamiin E, Fitamiinnada B, iyo macdano sida phosphorus, magnesium, …

Read More »

10 Qodob Oo Kobciya Caafimaadka Dumarka Iyo Quruxdooda

quruxda, cafimaadka dumarka,

Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa arrimo ay tahay haweeney walba inay ku dedaasho si ay u horumariso caafimaadkeeda iyo quruxdeeda: U dhug yeelo caafimaadkaaga guud: waxaa hubaal ah qof walba oo dunidaan jooga inuu jecel yahay inuu ku noolaado caafimaad qab taam ah. Waxaan kaloo ognahay in dadku mashquul ku noqdaan hawlahooda shaqo ama hawlaha guriga, balse waxaa muhiim ah …

Read More »

Habeenkii Marka Aad Seexanayso Ha Is Ag Dhigin Taleefanka Gacanta, Sababtana Ogoow

taleefanka gacanta, moobilka, hurdada

Tiro-koobyadii ugu dambeeyey ee laga sameeyey khataraha caafimaad ee ka dhalan kara talefanka gacanta ayaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 44.8 dadka talefanka gacanta isticmaalaa, habeenkii marka ay seexanayaan ay talefanka dhigaan meel aan ka fogeyn barkimadooda iyaga oo aan dareensanayn khatarta caafimaad ee ay ku arrintaasi ku keenayso. Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda wararka ee Al-Caalam …

Read More »

Astaamaha Ilmaha Qaba Cillada Awtisimka (Autism) Iyo Sida Loo Dabiibo

cillada autism, caruurta

Awtisim waa cillad naafonimo maskaxeed ah taasoo curyaamisa awooda maskaxda caruurta. Caruurta ay hayso cilladaan waxay ka naafoobaan maskaxda ayagoo ay ku adag tahay inay hadlaan ama bulshada ay ku dhex noolyihiin la xidhiidhaan. Sidoo kale waxay cilladaan caruurta kadhigtaa kuwa aan xiiso u hayn shaqooyinka caadigaa ee caruurta qabato ama waxyaalaha caruuruta kale ku ciyaaraan, sidaa daraadeed cilladani waa …

Read More »

Xanuunka Eernada Xudunta (Umbilical Hernia)

xanuunka eernada

Xudunta waxaa mara xarigga isku xira hooyada iyo uurjiifka, xarigaan wuxuu dhexmaraa godyar oo ku yaala murqaha caloosha, inta badan godkaan wuxuu xirmaa wax yar kadib dhalmada, eernada xudunta waxay timaadaa marka aysan si buuxda uxirmin murqaha caloosha, halkaas oo ay soo riixi karaan mindhiciraha iyo cadadka ku jira caloosha. Eernada xudunta guud ahaan waa xanuun la’aan mana sababto waxa …

Read More »

Sababaha Keena Qanjirka Ragga Oo Weynaada (Benign Prostatic Hyperplasia)

qanjirka ragga

Qanjirka ragga waxaa loo yaqaanaa prostate gland, waxaa kamid ah xaaladaha caanka ah ee ragga u gaarka ah inuu weynaado qanjirkaan (benign prostatic hyperplasia), xaaladaan ay ah mid sababta in qanjirka ragga  uu ka weynaado cabirkiisi caadiga ahaa, xaaladaan ma ahan mid kansar ah, hasayeeshee waa mid u baahan daweyn Qanjirka ragga waxaa laga helo ragga oo kaliya cabir ahaanna …

Read More »

Asbaabaha Keena Laab Jeexa Iyo Cuntada Lagu Dejiyo

laab jeexa, laabjeex, laab dilaaac,

Hunguriga iyo caloosha waxaa udhaxeeya muruq yar kaasoo sida caadiga ah xirma ama guntima marka ay cuntadu u gudubto caloosha waxaana loo yaqaana ”Lower Esophageal Sphincter LES”. Hadii uu dabco ama uu si fiican uxirmi waayo muruqaasi, waxaa dhacda in aashitada ku jirta caloosha ay si fudud ugu soo gudubto hunguriga taasoo sababta laab jeexa. Caloosha waxa ay lee dahay unugyo …

Read More »

Faa’idada Sisinta Iyo Saliid Macsaradu Ay U Leeyihiin Ragga

Ninka marka uu gaaro lixdameeyo sano waxaa hoos u dhacayo xaddiga hormuunka raganimada ee loo yaqaan testosterone ilaa bar inti uu sameyn jiray dhalinyaranimadiisi, sidaa awgeed qaar ka tirsan dhaqaatiirta sida Dr. Lily Kindeblan waxa ay leeyihiin ninka waxa uu weynayaa inta u dhexeysa 1-2% hormuunka testosterone wixi ka dambeeya sanadka 35 jirka, hoos udhacaasne waa wax caadi ah, laakin qeyb ka …

Read More »

Maxaa Sababa Uurka Ilma Qoolan (Ectopic Pregnancy)?

Uurka ilma qoolan, Ectopic Pregnancy

Ilmaha ku abuurma minka banaankiisa waxaa loo yaqanaa ilma qoolan (Ectopic Pregnancy) Uurka noocaan ah wuxuu dhacaa marka ukun bacrimisan ay ku dhegto boos aan aheyn booski loogu talogalay oo ah dhinacyada minka. Uurka caadiga ah waxaa ukunta bacrimisan laga rabaa iney ku dhegto dahaarka gudaha ee ilmo galeenka. Uurka qoolan wuxuu inta badan ku sameysmaa mid kamid ah tuubooyinka …

Read More »