Health

Xadiga Biyaha Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh Maalintii

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka xilliga uurka. Biyuhu waxa ay aasaasi u yihiin howlaha kala duwan ee jirku uu qabto, baahidoodana way siyaadaa xilliga uurka. Haddaba biyo intee le’eg ayay tahay inay cabto hooyada uurka leh? Sida la ogyahay cabidda biyo ku filan jirka waxa ay yaraysaa cilladaha uurka sida …

Read More »

Cunnooyinka Sare U Qaada Bacrinimada Ama Awoodda Uuraysiga Haweenka

uur qaadista, bacriminta, uurka,

Nolosha casriga ah ee stress-ka badan, qaabab nololeedka caafimaadka u daran iyo dawooyinka uurka looga hortago oo muddo dheer la qaato waxay ka mid yihiin sababaha keena dhalmo la’aanta dumarka  Dhalmo la’aanta haweenku waxay noqotay xaalad caafimaad oo halis ah. 6-dii lammaanaba hal ayay ku adag tahay inay uur qaadaan.  Cunnadu waxay door weyn ka ciyaartaa bacrinimada haweenka ama awoodda …

Read More »

10 Cunno Oo Lagu Xifdiyo Caafimaadka Kelyaha

caafimaadka kelyaha

Kelyaha waxay shaqooyin badan oo muhiim ah u hayaan jidhka intiisa kale. Waxaa ka mid ah shaqooyinkaas inay kala miiraan dhiigga, oo ay ka saaraan wixii dheeraad ku ah, sida biyaha, milixda iyo macdanaha kale. Waxay isku dheelitiraan dhiiga iyo dheecaannada ku jira jidhka, waxay joogteeyaan isku dheelitarka guud ee macdanaha jidhka.  Kelyahu waxay sameeyaan kaadida, taas oo ay muhiim …

Read More »

8 Arrimood Oo Sababa Cayilka Caloosha Guurka Kadib

cayilka caloosha, guurka kadib, calool,

Waxaa caado bulshooyinka dunida oo dhami dareemeen noqotay in miisaan uu ninka ku kordho guurka kadib. Arrintan oo aan inta badan tafsiir cilmiya loo raadin ayaa marka bulshada Soomaalida la eegana ka mid noqotay caadooyinka lagu garto ninka guursada. Cilmibaadhis dalka Maraykanka lagu sameeyey oo sahamisay is beddelka guurka kadib ku dhaca ragga iyo xataa dumarka ayaa dhalinyaro ka badan …

Read More »

Faa’idada Barida Idaha Iyo Xanuunnada Lagu Daweeyo

subaga idaha, barida idaha,

Soomaalidu waxay siyaabo kala duwan ugu daaweysaa subagga idaha xanuuno kala duwan, waxaana ka mid ah: Gooryaanka iyo bakteeriyada caloosha. Hargabka iyo ifilada. Xanuunada lafa xanuunka sida Riixa iyo roomaatiisamka. Baxnaaninta iyo ka soo kabsashda dhaawacyada iyo lafo jajabka. Xanuunka shoqosha ama idiinyada. Xanuunka neerfaha ee sinta ku dhaco ee loo yaqaanno “Sciatica” Xasaasiyadda iyo xauunka neefta / xiiqda. Gaas …

Read More »

Maxaa Laga Sameeyaa Cabitaanka Fiimtada, Caafimaadka Se Ma Uroon Yahay, Mise Wuu U Daran Yahay?

cabitaanka fiimtada, vimto

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa cabitaanka loo yaqaano “Vimto” oo aad looga cabo gayiga soomaalida iyadoo dad badan ay ka aaminsan yihiin inay caafimaadka u roon tahay ama lagu daaweeyo xanuuno kala duwan, taasoo keentay in dadka xanuunsan iyo haweenka umusha ah lagula dardaarmo!. Marka ugu horayso aan qoraalka ku bilaabo taariikh kooban ee ku saabsan cabitaankaan, waxaa cabitaankaan …

Read More »

Sababaha Keeno Madax Xanuunka Qubeyska Iyo Qaabka Loo Yarayn Karo

madax xanuunka qubayska

Bismillah, Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, taas oo waagii hore la aaminsanaa inuu khaas u yahay dadka qaba goonjabka ama “Migraine”, waxaana lagula talin jiray dadkaas inay daawada goonjabka qaataan qubeyska ka hor ama kadib, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay dalka Hindiya (India) waxaa la ogaaday in madax xanuunkaan uu yahay mid …

Read More »

Si Aad U Hesho Hurdo Xasiloon Habeenkii, Ka Dheerow Caadooyinkan!

hurdo macaan, hurdo la'aan,

Helida hurdo tayo leh waxa ay lagama maarmaan u tahay caafimaadka. Balse dad badan uma sahlana inay helaan hurdo wanaagsan. Waxaa jira waxyaabo badan oo aad samayn karto maalintii si aad u hesho hurdo wanaagsan habeenkii. Sida oo kale waxaa jira waxyaabaha ay tahay inaad ka dheeraato si aysan hurdada kaaga xumaan. Waxaan qormadaan ku soo qaadanaynaa caadooyin ay xeeldheereyaashu sheegeen …

Read More »

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada ka hor waa hab qadiimi ah oo loo adeegsado in nafta lagu dejiyo iyo wanaajinta tayada hurdada. Wareegga hurdada ee aadamaha waxa uu xiriir wayn la leeyahay heerkulka jirka. Tani waa sababta qubayska hurdada ka hor uu u saamayn karo dhaqsiyaha aad ku gam’i karto …

Read More »

Sababaha Keeni Kara Lalabada La Dareemo Aroortii

lalabada aroortii, quraacda subaxdii

Bismillah, Casharkeena maanta wuxuu ku saasbsan yahay arrin ku badan bulshada taasoo ku saabsan lalabada la dareemo subaxdii hore illaa barqadii laga gaaro taasoo qofku quraacan karin, sidaasne shaqada ama waxbarasahada ku aado. Maxaa keeno cilladaan? Cilladaan waxaa keena dhowr arrimood oo kala duwan, waxaana u kala hormarin doonnaa sida ay ugu kala badan yihiin bulshada iyo mid walba sida …

Read More »

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Si Weyn U Xoojiya Caafimaadka Wadnaha

khudrado, wadnaha

Wadne xanuunku waa sababta koowaad ee dunida maanta loogu dhinto waxaana la aaminsan yahay in wadne xanuunka iyo xaaladaha caafimaad ee ka dhashaa ay si isa soo taraysa ugu badanayaan guud ahaanba daafaha dunida. Qormadan waxa aynu akhristayaasheena kula wadaagaynaa khudrad ay culimada caafimaadku xaqiijiyeen in ay la saaxiib tahay wadnaha oo ay xoojiso caafimaadkiisa, khudraddaas oo tiro badan waxa aynu …

Read More »

Noocyada Cabsida Foobiyada Sababaha Keeno Iyo Dadka U Nugul

noocyada cabsida, cabsi,

Foobiyadu waa xanuun maskaxeed, leh dareen cabsiyeed ama baqdin joogta ah. dadka qaba xanuunka foobiyada waxay leeyihiin waxyaalo badan oo ka danbeeya in xanuunkan ku dhaco, dadka qaarkood waxay yeeshaan astaamo ay kamid yihiin cabsi daran, argagax joogta ah iyo feejignaan. cabsida haleesha bukaanada la ildaran xanuunkan waxay noqon kartaa mid ku xiran waqtiyo gaar ah, goobo gaar ah ama …

Read More »

Qaababka Loo Xifdiyo Caafimaadka Wadnaha

xoojinta caafimaadka wadnaha

Qormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda Yahoo Maktuub waxa ay soo bandhigaysaa nidaam nololeed uu qofku ku dhowri karo caafimaadka wadnihiisa. Iska yaree Milixda: Mar kasta oo ay korodho xaddiga milixda ee qofku cunayo waxa uu khatar u yahay dhiig kar, haddii uu marka hore dhiigkar lahaana khatartu waa ay ka sii badanaysaa. Taasina waxa ay sii badinaysaa in …

Read More »

Siyaabaha Ugu Fiican Ee Loo Joogteeyo Qaab Dhismeedka Jirka

Qaab dhismeedka jirka, jir dhiska,

Dhisnaanta jirku waa mid u leh xiiso gaar ah qof kasta oo kamid ah bulshada, waa riyo cajiib ah oo hirgalinteedu wadato farxad iyo furfurnaan. La dagaalanka cayilka ama dhimida culeyska jirka ayaa u baahan waqti iyo go’aan adag. in badan oo bulshada ka mid ah ayaa la daalaa dhacaya sidiiay u dhimi lahaayeen cayilka saaran halka qaar badana ay isugu dayayaan …

Read More »

Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa uu ku soo badanaya dhalinyarada. Arrimo kala duwan ayaa la xiriiriyaa sida cunno xumada, jimicsi la’aanta jireed, walwalka raaga iyo dhaxal. Fadhiga badan iyo caadaysiga cunnooyinka aan caafimaadka uroonayn ayaa ka mid ah waxyaabaha siyaadiya halista dhiig karka. Hadabba cilmi baaris lagu sameeyay dalka Ingiriiska …

Read More »