Cambaha waxa uu ka mid yahay furutada ama faakihada ugu macaan uguna nafaqada badan, waxaa loo loo yaqaannaa boqorka furutada, waxa uu leeyahay faa’iidooyin tiro badan oo caafimaad. Waxa uu cambuhu qani ku yahay barootiin, faybar, fitamiinnada C, A, B6, K iyo maadooyinka folic acid iyo potassium. Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah faaidooyinka cambaha. Xakamaynta …
Read More »Health
Cudurka Jabtada (Gonorrhea): Sababaha Keena Iyo Astaamihiisa
Cudurka jabtada: Waa infekshan ku faafa galmada . Ragga wuxuu ka saameeyaa tubooyinka kaadida, dumarkana wuxuu ka saameeyaa afaafka hore ee ilmo galeenka iyo tubooyinka kaadida, waxay kaloo saameyn kartaa malawadka, futada, cunaha, iyo xubnaha ku jira miskaha, waxay kaloo si dhif ah kusaameyn kartaa indhaha. Cudurka jabtada ( gonorrhea) malahan wax dhibaato ah hadii si dhaqsa ah loo daweeyo, …
Read More »Ku Maydhashada Biyaha Kulul Waxaa Laga Qaadaa Cilladahan
In kasta oo guud ahaanba caafimaadku uu yahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee qofka bani’aadamka ah noloshii warwar geliya, haddana caafimaadka maqaarka iyo meelaha sida gaarka u muuqda dadka ayaa ah meelaha aynu sida gaarka ah caafimaadkooda uga warwarno. Muhiimadda innagu beeran ee ah in aynu ilaalinno caafimaadka iyo quruxda muuqaalkeenna jidheed ayaana keenta in aynu si joogto ah jidhkeenna …
Read More »Khataraha Caafimaad Ee Ka Dhalan Kara Fadhiga Saacadaha Badan
Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay ka digeen khatar caafimaad oo ka dhalan karta fadhiga saacadaha badan ah, kaas oo khatartaha uu keeni karo ay ka mid tahay asaasaqa (Dementia) oo ah maskaxda oo weyda ama hoos u dhacdo awooddeeda xasuuseed, fikir iyo hawlgudasho ee maalinlaha ahi. Cilmibaadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro Maraykan ah ayaa muujisay, in qofka oo muddo dheer …
Read More »Sababaha Keeno Neefta Oo Qofka Ku Dhegta Xilliyada Hurdada Iyo Xalkeeda
Neefta oo qofka ku dhegta xilliyada hurdada siiba habeenkii ayaa ah khatar caafimaad oo taxadarkeeda leh. Marka uu qofku khuuriyo ama uu aad u daalanyahay ayuu badanaa la kulmaa xaaladan. Neefta ayaa noqota mid hakad ku jirta mudo udhaxaysa ilbiriqsiyo ilaa daqiiqad. Waxayna dhibaato ku keentaa waqtiga uu qofku ku seexan karo hurdo ku filan, waxaa dhacda inuu qofku soo …
Read More »Cunnooyinka U Fiican Dhisida Murqaha Jidhka Iyo Xilliyada La Cuno
Dhisida murqaha jidhka iyo qaabaynta murqaha maaha mid bilaabata kaliya marka aad aaddo goobaha lagu dhiso jidhka oo aad biro qaaddo, si murquhu ay u kobcaan waxaa loo baahan yahay qaadashada cunno iyo cabitaanno qani ku ah tamar badan iyo inaad awoodda murqaha ku dhistid miisaan culus. Qorshaha cunnada Khudradda iyo midhaha: Waxay aasaasi u yihiin cunno isku dheelitiran oo …
Read More »Hadii Aad Gaadhay Da’da 30 Jirka, Ka Dheeroow Cuntooyinkan!
Marka ay da’da qofku 30 jir gaadho waxaa hoos u dhacda awoodda uu jidhku u leeyahay dheefshiga cuntada, sidaas awgeed waxaa la gudboon in uu fiiro gaar ah u yeesho cuntada uu da’dan kaddib cunayo. Haddii kale waxa uu halis u yahay in uu miisaankiisu kordho, ama buurnimada iyo dhibaatooyinka caafimaad darro ee ka dhasha. Warbixin ay Aljazeera ka soo …
Read More »Calaamadaha Cudurka Aydhiska (HIV AIDS) Iyo Siyaabaha Lagu Qaado
Cudurka aydhiska waa cudur dilaa ah oo uu sababo fayruska a looyaqaan ”human immunodeficiency virus” (HIV). HIV Wuxuu daciifiyaa hab difaaceedka jirka asagoo burburinaya unugyada loo yaqaan CD4 positive. Hadafka ugu wayn ee unugyadaan waa inay hab difaaceedka jirka ka dhigaan mid u diyaarsan inuu ladagaalamo cudur walba oo soo wajaha jirka. Hadaba marka fayruska HIV uu burburiyo unugyada CD4 …
Read More »Cabbitaannada La Dagaallama Calool Istaagga
Qormadan waxa ay soo bandhigaysaa dhowr ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada dalkeenna laga yaqaanno oo ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin caafimaadka caloosha, dadka calool istaagga joogtada ah ka cawda iyo kuwa cillad caafimaad darro oo dhinaca dheefshiidka ahi haysana kula taliyeen in ay isticmaalaan. 1. Cabbista bunka: In badan ayaa ay khubarada caafimaadku ka digaan …
Read More »Faa’idada Ay Leedahay In Toonta La Cuno Subaxdii Quraacda Ka Hor
In kasta oo ay dad badani aaminsan yihiin in toonta oo la cuno marka ay calooshu madhantahay ay dhibaato keeni karto, waxaa fahamkaas si adag uga hor imanaysa natiijada daraasad daahfurtay in toontu ay waqtigaas oo kale dawo ka tahay dhibaatooyin caafimaad oo tiro badan, gaar ahaan in marka waqtigan oo kale la joogteeyo cunista toonta ay jidhka siiso awood …
Read More »Wadnaha Iyo Shaqadiisa & Cudurrada Halista Ku Ah
wadnuhu waa xubin ka sameesan muruq, shaqadiisuna waa inuu bamgareeyo dhiiga si ay xubnaha kala duwan ee jirka ay u helaan nafaqada iyo ogsijiinta ku jirta dhiiga, wadnuhu wuxuu dhiiga raacsiiyaa xididada dhiiga,wuxuu gaarsiyaa xubnaha jirka nutriishanka iyo ogsijiinta ay ubaahan yihiin, wuxuuna kasoo qaada wasaqda ay soo saaraan xubnaha marka ay isticmaalaan ogsijiin iyo nafaqada. wadnuhu wuxuu ku yaalaa kala barka xabadka, wadnaha …
Read More »Maadada Caffeine-ta Oo La Iska Badiyo Waxaa Ka Dhalan Kara….
Kafeega waxaa ku jira maada la yiraahdo caffeine oo kicisa ah lagana helo cunnooyin badan iyo cabitaano. Waxaa inta badan loo isticmaalaa sidi qofka uu usoo jeedi lahaa. Maadada caffeine waa dawo laga helo cabitaano badan. Inta loogu tala galay in aan maalinti la dhaafsiin waa 400 mg, waxaa dhici kara ka badinta caffeine hadii qofku uu ka cabo caffeine …
Read More »Faa’idooyinka Joogtaynta Caanaha Geela Iyo Xanuunada Ay La Dagaalamaan
Waxaan qoraalkan uga hadlaynaa faaidooyinka caanaha geela iyo cudurrada looga hortago, haddii aadan caanaha geela cabin ogoow in ay kaa maqan tahay faa’idooyin aan la soo koobi karin, waxayna kugu tahay ceeb sababtoo ah geela ugu badan dunida ee la dhaqdo waxaa laga helaa dhulkaaga. Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …
Read More »BIIJADA AFKA: Sababaha Keena & Dhibaatooyinka Ka Dhalan Kara
Biijada waa xanuun dad badan ku dhaca wuxuu dadka ka haleelaa afka, gaar ahaana bishimaha. Waa caabuq ku dhaca hareeraha bishimaha, wuxuuna kamid yahay noocyada ugu badan ee ku dhaca afka. Waxaa badanaa sabbaba bakteeriya iyo fangi, bakteeriyada loo yaqaano staphylococcus iyo fangiga Candida albicans ayaa ah tan ugu badan ee sababta infekshankaan. Cudurkaan wuxuu lee yahay xanuun mar marka qaarkood ah. Calaamadaha lagu …
Read More »Hababka Ay Hooyada Uurka Leh Ku Yarayn Karto Khatarta Kaga Imanaysa Talefanka Gacanta
Kaaha (Radiation) uu sii daayo talefanka gacanta ee casriga ahi waxa ay khatar ku yihiin caafimaadka ilmaha uurka ku jira, gaar ahaan bilaha ugu horreeya uurka. Sidaas awgeed waxa ay dhakhaatiirtu ku talinayaan in hooyada uurka lihi ay qaadato talooyinka ugu fiican ee khatartaas ka yaraynaya: Cilmibaadhiso lagu sameeyey khatarta ka dhalankarta talefanka gacanta ayaa lagu ogaaday in kaaha (Radiation) …
Read More »