Fayber (fiber): jirku waxuu maalintiiba u baahan yahay xaddi u dhaxeeya 20 ilaa 35 gram oo fayber ah, cunida la joogteeyo laga hello fiberka sida, qamadiga, galleyda, digirta, cagaarka, canabka. Cunooyin kaan ayaa u fiican dheefshiidka, waxayna ka hortagaa calool istaagga. Waxay kaloo u wanaag san yihiin fcaafiamaadka wadnaha iyo sonkorta dhiigga. Cunnooyika uu ku badanyahay faybarku waxaa ay kaloo …
Read More »Health
Maxaa Jidhkaaga Ku Dhacaya Haddii Boorashka Aad Cunto Maalin Kasta?
Dadka raba inay is caateeyaan, inta badan waxay quraacdooda ku darsadaan boorash. laakiin guud ahaan, xeeldheereyaasha nafaqada iyo dhakhaatiirtu ma aysan joojin inay dadka ku booriyaan in subaxdii lagu quraacdo boorash. Boorashku waa badar nafaqo iyo caafimaad badan xambaarsan. Koob barkiis boorash ah waxaa laga helaa 13 garaam oo barootiin ah. Sidoo kale cunista boorashku waxay ku siinaysa ku dhowaad …
Read More »5 Calaamadood Oo Qofku U Ku Ogaan Karo Haduu Faytamiin D Jidhkiisa Ka Maqan Yahay
Xilliga jiilaalka ee aynu ku jirno oo sida caadiga ah qabowgiisu badan yahay, inta badan waxaa jidhka ku yaraata in uu jidhkiisu fallaadhaha qorraxda ka helo in ku filan, taas oo macnaheedu yahay in ay ku yaraanayaan fursadaha uu ku heli karo Faytamiin D. In kasta oo cunista kalluunka gaar ahaan noociisa Salmon ka loo yaqaanno, beedka (ukunta) iyo caanaha …
Read More »Nafaqooyinka Kobciya Bacrinimada Ama Awoodda Uureynta Ee Ragga Iyo Cunnooyinka Laga Helo
Tayada shahwada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa wayn ee saameeyaa bacrinimada ama awoodda uuraynta. Si la mid ah xumbnaha kale ee jirka bini-aadamka, habdhiska taranku waxa uu ku tiirsanahay nafaqooyinka iyo fiitamiinnada uu helo. Cunnooyinku waxa ay si togan saamayn ugu yeelan karaan caafimaadka taranka ee qofka. Waxa ay kordhiyaan tirada, tayada iyo socodka shahwada Waxaa jira noocyo …
Read More »Qanjirka Thyroid-ka Oo Shaqo Yareeya Ama Howlgab Noqda (Hypothyroidism)
Qajirka loo yaqaano thyroid waxaa uu ku yaalaa dusha sare ee curta, waxaana uu soo daayaa hormoono wax ku ool u ah shaqada jirka, sida kuwa kontoroola habka loo yaqaano metabolism (habka burburinta ama dhisida nafaqada taas oo jirku u isticmaalo tamar ahaan). Waxaa kale oo ay maamulaanama kontoroolaan shaqooyin kale oo aad u tira badan sida, neefsashada, garaaca wadnaha, …
Read More »FITAMIIN A: Faa’idadiisa Iyo Cunnooyinka Uu Ka Buuxo
Fitamiin A waxa uu muhiim u yahay caafimaadka indhaha, wuxuu xoojiyaa aragga, wuxuu awood siyaa difaaca jirka, wuxuu kaloo ka qeyb qaataa daryeelka ilkaha, lafaha iyo maqaarka. Fitamiinkan waa sunsaare awood badan sidaas awgeed waxa u muhiim u yahay ka hortagga cudurrada. Qofka markuu ku yaraado waxa ugu horreeyo ee lagu dareemo waxaa ka mid aragga oo daciif noqdo khaas …
Read More »Faa’idooyinka Lawska Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu La Dagaallamo
Lawsku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka ugu caafimaadka badan, waa cunno nafaqo ahaan hodan ah, waxaa ku jira barootiinno, faybar iyo inta badan faytamiinnada iyo macdanaha uu jidhku u baahan yahay. Lawsku waa mid ka mid ah ilaha ugu muhiimsan ee laga helo dufanka omega3 oo faaido u leh jidhka iyo maskaxda. Hadaba Daryeel Magazine wuxuu halkaan ku xusayaa 9 …
Read More »Saliid Saytuunta Oo Joogto Loo Isticmaalaa Waxa Ay Ka Hortag Fiican Ka Noqon Kartaa Xanuunka….
Cilmibaadhayaal ka tirsan kuliyadda Lewis Katz oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Temple University oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa ogaaday in saliid saytuunta oo lagu darsado cuntada maalinlaha ahi ay ka hortagto hoos u dhaca awoodda garasho iyo shaqada maskaxda ee qofku marka uu gaboobo lagu arko. Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Aging Cell’ ayaa daahfurtay in saliid …
Read More »Ogaal U Yeelo 3 Caado Oo Burburiya Lafaha
Cudurka lafaha burburiya ee lagu magacaabo “osteoporosis” waxaa cudur aad dunida ugu badan, waxa uu kenaa xanuun aad u daran oo qofka ka haleela isgoysyada xubnaha iyo barar ku dhaca xaglaha waxa uu si gaar ah u abbaaraa jilbaha, gacmaha iyo lafdhabarta. Cududurkani ragga iyo dumarkaba wuu ku dhacaa balse dumarka ayuu ku sii badan yahay. Waxaa jira sababo la xiriira …
Read More »Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan
Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah. Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga …
Read More »Cabitaan Jidhka Ka Sifeeya Sunta, Difaaca Jidhka Xoojiya, Caafimaadka Guudna Kobciya
Casharkeenna maanta waxaan kuu soo qaadanaynaa cabitaan dabiici ah oo jidhka ka nadiifiya sunta islamarkaana xambaarsan nafaqooyin tiro badan iyo maadooyin kale oo caafimaadka faaido ugu jirto. Cabitaankan ayaa ka kooban tufaax, baytaraaf iyo karooto, waana saddex shay oo dhulka Soomaalida laga heli karo. Nafaqada Cabitaankan: Tufaaxa: Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinnada A, B, C, E, K, Folate, niacin, Zinc, …
Read More »Da’da Aabuhu Saamayn Ayaa Ay Ku Leedahay Caafimaadka Ilmaha Uu Dhalayo?
Cilmibaadhiso caafimaad oo ay samaysay xarunta caafmaadka ee jaamacadda Standford ayaa muujiyey in ragga da’doodu weyntahay ay khatar ugu jiraan in ay dhalaan ubad caafimaadkoodu aanu buuxin. Waxaa hore loo aaminsanaa in caafimaadka ilmuhu uu si weyn ugu tiirsan yahay caafimaadka hooyada, laakiin cilmibaadhistan cusubi waxa ay caddaysay in caafimaadka labada waalidba uu saamayn ku leeyahay caafimaadka ilmaha ay dhalayaan. …
Read More »Cuntooyin Ay Qalad Tahay In La Maydho Kahor Karinta & Sababta Caafimaad Ee Diidaysa
In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku …
Read More »Waxyaabaha Ugu Fiican Ee Beerka Looga Nadiifiyo Sunta Iyo Wasakhda
Beerku waa xubinta ugu wayn uguna muhiimsan ee habka dheefsiga cunnada ee jirka.Waxa uu qabtaa howlo kala duwan sida burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista. Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka …
Read More »Siyaabaha Dabiiciga Ah ee loo daweeyo Cirba Xanuunka
Ciribtu waa lafta ugu wayn jirka bini-aadamka. Xanuunka cirbaha wuxuu noqon karaa mid fudud ama mid curyaamiya qofka. Sababo kala duwan ayaa keeni kara cirba xanuunka sida cayilka xad dhaafka ah, dhaawac, xirashada kaabaha ciribta dheer iwm. Xaaladaha qaarkood, waxay noqon kartaa cillad caafimaad sida xanuunka roomatiisamka. Kiisaska daran, waxaa lagama maarmaan ah in lala tashado dhakhtar takhusus ah. Xanuunka …
Read More »