Nabarrada caloosha (Peptic Ulcer Disease): Waa mar kale iyo taxanaheenii caafimaad oo maanta aynu ku soo qaadanayno maqaal daba socda qormadeenii todobaadkii hore. Nabarrada caloosha waa mid ka mid ah xaaladaha caafimaad ee mudooyinkan dambe ku soo badanaya dadkeena. Xaaladan caafimaad ayaa ah mid ka dhalata kolka uu khalkhal ku yimaado lakabka ugu xiga gudaha caloosheena iyo qaybta sare ee midhicirada. …
Read More »Health
Astaamaha Khalkhalka Hormoonada Dumarka (Hormonal Imbalance) Iyo Asbaabaha Keena
Ma waxaad dareemeysaa dibiryo, xanaaq badan? Waxaa eeda la saari karaa hormoonada jirka oo aan isku dheeli tirneyn. Hormoonada waxaa kiimikooyin fariin sidayaal ah oo fara gelin ku sameyn kara sida ay u shaqeeyaan unugyadaada iyo jirka xubnahiisa. Waxaa arin caadaiah, inuu isku dhexyaac ka dhaco dheelitirnaanta hormoonada jirka waqtiyada qaar, sida ka hor caadada ama uurka, xiliga dhalma joojinta. …
Read More »Ahmiyadda Caafimaad Ee Soonka Iyo Xanuunnada Uu Dawada U Yahay
faa’iidooyinka caafimaad ee ay khubaradu sheegtay in uu soonku jidhka u leeyahay, waxaa ka mid ah: Waxaa daafaha dunida maanta ka furan xarumo badan oo caafimaad, oo lagu dabiibo bukaanka qaba macaanka, kuwaas oo nidaamka soonku uu u yahay seeska koowaad ee dabiibkooda. Waxa ay isticmaalaan hab ah in bukaanka macaanka maalintii la soonsiiyo 10 illaa 20 saac. Afurkooda iyo …
Read More »Caruurta Ay Luuqadda Ka Cilladaysan Tahay & Sida Guriga Loogu Daryeelo
Dadka qaba luuqadda cilladaysan waxaa dhib ku ah iney ismuujiyaan iyo iney fahmaan waxa dadka kale ay dhahayaan, cilladdaan waa mid ka duwan dhibaatooyinka la xiriira hadalka iyo maqalka. Xaaladdaan waxey ku badan tahay caruurta, waxeyna ku sii badan tahay 10 ilaa 15 boqolkiiba caruurta ay da’doodu ka yar tahay 3 sano. Hasa yeeshee luqadda ayaa u soo hagaagta marka …
Read More »Sababaha Keena Cillada Labada Dabeecad (Bipolar Disorder) Iyo Dhibaatooyinka La Socda
Cillada labada dabeecad waxa loogu yeeraa afka caafimaadka “bipolar disorder“, horay waxaa loogu yeeri jiray “manic depression“, waxaa lagu yaqaannaa dabeecad isbedbedel xad dhaaf ah, waxeyna isugu jiraan shucuur kacsan iyo niyad jab. Marka aad niyad jabsan tahay waxaad dareemeysaa rajo xumo, waxaa kaa yaraanaya rabitaanka aad ku sameyn jirtay hawlaha nolosha. Marka dareenkaagu uu kor u koco waxaad dareemeysaa …
Read More »Nafaqooyinka Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka Leh Iyo Cunnooyinka Laga Helo
Cunno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo la cuno xilliga uurka waxay sare u qaadaa koriimada iyo dhismaha jirka uurjiifka, waa muhiim inaad ogaatid nafaqo noocee ah ayaad u baahan tahay iyo meesha laga helo nafaqooyinka. Ma jirto cuno mid ah oo la dhihi karo waxaa loogu talagalay uurka. Xaqiiqada ayaa waxay tahay uur iyo uur la’aanba waa muhiim …
Read More »Faaidooyinka Guurka Iyo Xanuunada Uu Ka Hortago
Faaidooyinka guurka: Nebigeenna suuban NNKH wuxuu dhalinta kula taliyay inay guursadaan haddii ay awoodaan, tani waxay na tusaysaa ahmiyadda guurka iyo inaan laga maarmi karin iyo inuu leeyahay faa’idooyin badan, cudurro badanna ka hortag u yahay. Wixii diinteennu inaggu dhiirrageliso xikmad badan ayaa ku jirta. Siduu Alle SWT ku sheegay quraankiisa, rasuulkane noo cadeeyay Guurku waa shay muhiim u ah …
Read More »Faaidooyinka Joogtaynta Karootada Ama Dabacasaha Iyo Xanuunnada Lagula Dagaallamo
Karootada waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu caansan uguna waxtarka badan dhanka caafimaadka ee laga isticmaalo guud ahaan caalamka. karootadu waxay leedahay faa’idooyin badan oo aan ahayn keliya in aragga ay wax u tarto. Karootadu waxa ay ka mid tahay cuntooyinka ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay u fiican yihiin ilaalinta caafimaadka, gaar ahaan indhaha, caloosha, maqaarka iyo wadnaha. Karootada waxaa ku …
Read More »Calaamadaha Jooniska Iyo Sababaha Keena
Caadi ahaan jooniska ma ahan cudur, waa astaan ka timaada cuduro kale ama xaalad la soo daristay jirka oo ah iney xubin shaqa gabto. Joonis waa marxalad ka bilaabata beerka waxay imaadaa marka ay jirka ku badato maadada loo yaqaano bilirubin. bilirubin-tu waa maado jaale ah ama midabkeedu yahay yellow waxayna ka samaysmataa burburka ka yimaada marka ay dhintaan unugyada gaduudan ee dhiiga ”Red blood cells” …
Read More »Sababa Keena Sanboorka, Waxyaabaha Kiciya Iyo Sida Guriga Loogu Dabiibo
Sanboor (allergic rhinitis) waa nooc kamid ah xasaasiyadaha, waxaa sababa xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jirka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahayn oo uu jirka la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jirka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka. Maxaa sababa sanboorka? Marka jirkaaga uu la sameeya xiriir xasaasiyad kiciye, jirku wuxuu soo daayaa maado …
Read More »Sababaha Keena Cimri Degdega Iyo In Calaamadaha Gabowgu Ay Qofka Goor Hore Ka Soo Muuqdaan
Waxaa muddooyinkii u dambeeyey dunida ku soo badanaya cabashooyinka la xidhiidha gabowgii oo xilligiisa caadiga ah ka soo degdegaya, baadhitaannada kala duwan ee ay xeeldheerayaashu ku sameeyeenna waxa ay muujinayaan in ay jiraan sababo badan oo dadku ay ku kacaan iyaga oo aan dareensanayn dhibta ay caafimaadka gaadhsiin karto in ay ka mid yihiin kuwo keena gabowga oo waqtigiisii ka …
Read More »Nafaqada Babaayga Iyo Ahmiyadda Uu U Leeyahay Caafimaadka
Babaayga waxaa lagu tiriyaa cunnooyinka ugu caafimaadka sababtuna waa nafaqooyinka tirada badan ee uu xambaarsan yahay. Waxa uu hodan ku yahay fitamiinno iyo macdano ay ka mid yihiin phosphorus, copper, potassium, iron, kalsiyaam, manganese iyo magnesium. Sidoo oo kale, babaaygu waxa uu qani ku yahay fitamiin A, fitamiin C, fitamiin E, fitamiinnada B-complex iyo maadooyinka sunsaarista. Sonkorta ku jirta babaayga bisil …
Read More »Cuntooyinka Aan U Fiicnayn Hooyada Ilmaha Nuujisa Ee Ay Tahay Inay Ka Dheeraato
Sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan dhakhaatiirta iyo cilmibaadhisaha kala duwan ee caafimaadku, waxaa jira cuntooyin iyo dawooyin aan qaadashadooda loo ogolayn hooyada ilmuhu jaqo, sababtuna ay tahay mid la xidhiidha xaalado caafimaad darro oo ilmaha ay jaqsiinayso gaadha, sida xasaasiyadda iwm, ama saamayn ku yeesha caanaha naaska oo ay dhici karto in ay yaraadaan ama uu gudho. Haddaba qormadan …
Read More »Bunka Iyo Soonka: Faa’idooyinkiisa, Khasaarihiisa Iyo Waqtiyada Ugu Haboon Ee La Cabo
169.63 Milyan oo kiish oo bun ah, midkii kastaana 60 KG yahay ayaa sannad kasta lagu cabbaa dunida, waxa uu u dhigamayaa 10.1 milyan oo ton. Maadaama oo xilliga soonka uu is beddelo nidaamka cunto ee qofku, waxa aynu qormadan ku eegaynaa aragtida dhakhaatiirta ee caafimaadka iyo bunka xilliga soonka. Waqtiga Ku Habboon cabbista bunka? Waqtiga ugu fiican ee xilliga …
Read More »Sababaha Keeno Dilaaca Xuubka Dhegta Iyo Sida Loola Tacaali Karo
Dilaaca xuubka dhegta waa marka duleel ama jeex yar uu ku sameysmo durbaanka dhegta ama xuubka maqalka waxaana loo yaqaannaa “ruptured eardrum”. Xuubku maqalka waa cad khafiif ah kaas oo kala bara qeybta dhexe iyo qeybta banaanka ee kannaalka dhegta. Xubkaan wuu ruxmaa marka dhagta uu soo galo hirarka dhawaaqa codka, waxaad wax ku maqashaa ruxmashada xuubka dhegta uu ruxmo, …
Read More »