Qaab jiifka saxda ahi wuxuu muhiim u yahay helidda hurdo tayo leh. Xilliga uurka waxaa aad muhiim u ah in hooyada uurka leh ay hesho ugu yaraan 8 saacadood oo hurdo ah. Marka aad uurka leedahay waxaad sidaa culeys dheeraad ah sidaas darteed jirkaagu wuxuu u baahan nasiino ku filan. Si kastaba ha ahaatee qaab jiifka xilliga uurka aad ayuu …
Read More »Health
Qaababka Beerka Looga Sifeeyo Sunta Iyo Wasakhda
Beerka waxa uu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan nolosha noolaha oo dhan, waxa uu qabtaa shaqooyin dhammaantood lagama maarmaan ah. Shaqooyinkaas waxaa ka mid ah burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista. Tan ugu muhiimsan waa inuu …
Read More »Waa Maxay Kansar? Sidee Buu Se Ku Faafaa?
Magaca kansar waxa loo isticmaalaa in kabadan 100 cudur oo ka dhasha tarmidda unugyada jirka oo utarma si aan caadi ahayn. Unugyada caadiga ah sidee bey ushaqeeyaan? Jirka waxa uu ka kooban yahay unugyo ka badan tirilyan, unugyaduna waa kuwa kora, oo qeyb sama, waxay na ku dhintaan si habsami ah, xiliga bani aadamka uu yar yahay unugyada waxay u tarmaan …
Read More »Talooyin Caafimaad Oo Muhiim U Ah Hooyada Uurka Leh
In hooyadu xilliga uurka ay si fiican u daryeesho caafimaadkeedu waxa ay ku abuurtaa shucuur raaxo oo nafsiya waxa aanay horseeddaa in ilme caafimaadkiisu fiican yahay ay dhasho. Qormadan oo aynu soo turjunay waxa aynu ku eegaynaa talooyin muhiim ah oo ay dhakhaatiirta ku xeeldheer xaaladahani sheegeen in ay caawinayaan hooyada uurka leh. Jimicsiga: Jimcsiga ay hooyada uurka lihi samaysaa …
Read More »Shahwada Oo Dhiig Yeelata: Sababaha Keena Iyo Hababka Loo Dabiibo
Shahwada oo yeelata dhiig (hematospermia) waxay ragga galisaa cabsi iyo walwal. Balse nasiib wanaag maahan shay keeni kara khatar caafimaad oo aad u wayn. Ragga kayar 40 sano oo aan lahayn wax calaamado ah ama aan isku arag waxyaalo kale oo cabsi galiya hadii ay shahwadoodu dhiig yeelato maahan inay cabsadaan ama wal walaan, waayo xaaladani kuma ahan khatar caafimaadkooda …
Read More »Dadka Aan Loo Ogolayn Qorfaha & Sababaha Loogu Diidayo
Qorofalku (Qorfuhu) waxa uu ka mid yahay xawaashyada ugu caansan dunida oo dhan, urtiisa oo aad u udgoon laguna tilmaamo in ay nafta xasiliso ayaa ka mid ah sababaha lagu jeclaaday geedkan. Laakiin urta iyo dhadhanka fiican ee uu sameeyo oo keliya ma’aha sirta ku jirtaa, balse waa dawo hodan ku ah maaddooyin badan oo caafimaadka aad u caawiya. Si …
Read More »Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Dhasha Dharagta Xad Dhaafka Ah
Dharagta xad dhaafka ah waa arin khatarteeda leh, halisna gelin karta noloshaada. Dadka la nool cilladaan waxey had iyo jeer ay si qarsoon ugu dhuuntaan cunnada ayagoo si xad dhaaf ah isu dherjiya. Marka ay is dherjiyaan waxey isku dayaan iney is matajiyaan mararka qaar. Dadka qaar waxaaa suurta gal ah iney joogta ka dhigtaan iney is hunqaaciyaan ama ay …
Read More »Calaamadaha Cillada Argagax Qabadka (Panic Attack) Iyo Dadka Khatarta Ugu Jira
Argagax Qabadka: Xaalada argagaxa waa dhacdooyin daran oo qofka uu aamino iney ku soo wajahan tahay arin khatar ah ayadoo aysan jirin wax khatar ah, xaalada argagaxa waxay sababi karta inuu qofku aamino inuu dareemayo qabad. Hadii aan la daweeyn xaaladaan waxay ku kalifeysaa qofka qaba inuu ka fogaado hawlaha dibadda, ayadoo ay sababtuna tahay inuu ka cabsanaayo inuu dareemo …
Read More »Biyaha Oo La Badsado Waxaa Laga Helaa Faaidooyinkan
Ilaahay wuxuu biyaha ka dhigay nolosha noolaha oo idil, waxaa intaa sii dheer in jirka biniaadanka boqolkiiba 60% uu biyo ka samaysan yahay, muhiimna u yahay shaqo kasta oo jirka ka dhaco. Haddii biyaha jirka ku yaraadaan waxaa ka dhasho xanuuno badan oo la soo tira koobi karin, hadduu fuuqbax dhacane waa halis qofka u dhiman karo. Inkastoo aan faa’idada …
Read More »Faaidooyinka Waaweyn Ee Liin Dhanaanta Iyo Xanuunada Ay Ka Hortagto
Sida ay aaminsan yihiin taariikhyahannada Carabtu magaca liin dhanaanta loogu yaqaanno Afka carbeed ee Laymuun waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa luuqadda Persians ka waxa aanu macnihiisu yahay jidhka oo laga nadiifiyo suntan iyo ka hortagga cudurrada. Dr. Majdi Badraan oo ah dhakhtar ku xeel dheer caafimaadka carruurta xubinna ka ah jimciyadda dhakhaatiirta xasaasiyadda iyo hab-dhiska difaaca ee dalka …
Read More »Kansar, Khatar Ma Dhalaysnimo, Xanuunnada Wadnaha Iyo Beerka Iyo Cillado Kale…. Fadlan Iskajir Biyaha Caagadaha
Iska jir cabbitaanka Biyaha warshadaysan ee Caagadaha, gaar ahaan xilli kulaylaha. Waxaa ka digtay cilmibaadhis cusub oo lagu ogaaday in cimilada kulul, gaar ahaan qorraxdu ay raad taban ku yeelato maaddooyinka kiimikaad ee biyo sixaha (Looma jeedo magac shirkadeed), taasina ay abuurto khataro caafimaad. Cilmibaadhiso hore ayaa lagu ogaaday, in biyaha caagadda ee warshadaysan ay la socdaan maaddooyin kiimikaad oo …
Read More »Faaidooyinka Cabbista Biyaha Kulul Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Lagu Daweeyo
Daraasado tiro badan ooo marar kala duwan soo baxay ayaa daahfuray in cabista biyaha kulul ay jidhka u leeyihiin faa’idooyin caafimaad oo aad u badan. Qormo lagu soo ururiyey faa’idooyinkaas kuwooda ugu mac ayaa lagu sheegay in ay ka mid yihiin: 1. Cabista biyaha kululi ay si weyn u kordhiyaan dhalaalka wejiga iyo quruxdiisa. 2. Waxa ay kor u qaadaan …
Read More »Siyaabaha Dabiiciga Ah Ee Loo Daweeyo Cune Xanuunka
Cune xanuunka waxa uu ka mid yahay xanuunno xilliyeedka ka dhasha xasaasiyadda, hargabka, wasakhowga hawada, sigaar nuugista, hawo engagan oo uu qofku neefsado iyo fayraska oo ah kan ugu badan ee sababa. Waxa aanu gaadhi karaa heer uu keeno caabuq, ama in qanjuhu ay bararaan. Xanuunkan waxaa inta badan loo isticmaalaa dawooyinka kaar-jebinta ee kaarka lagu yareeyo iyo dawooyinka jeermi dilaha ee …
Read More »Goormee Caruurta Laga Jari Karaa Qanjaha Ama Qumanka?
Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay da’doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna ama caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu. Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka …
Read More »Kaluunka Qasacadaysan Ee Tuunaha: Khasaarihiisa Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee….
Kalluunka ugu badan ee qasacadda lagu keeno waa nooca “tuunaha”, waa kalluun lagu sameeyay cilmi baadhisyo badan. Tuunaha qasacadaysani waa cunno fudud oo diyaarsan, islamarkaana laga heli karo xadi badan oo barootiin ah. Inkasta oo kalluunka qasacadaysan uu yahay il hodan ku ah barootiin, qiimo ahaanna uu raqiis yahay haddana waxaa uu leeyahay dhibaatooyin caafimaad oo ka dhalan kara hadii …
Read More »