Cilmibaadhiso caafimaad oo ay samaysay xarunta caafmaadka ee jaamacadda Standford ayaa muujiyey in ragga da’doodu weyntahay ay khatar ugu jiraan in ay dhalaan ubad caafimaadkoodu aanu buuxin. Waxaa hore loo aaminsanaa in caafimaadka ilmuhu uu si weyn ugu tiirsan yahay caafimaadka hooyada, laakiin cilmibaadhistan cusubi waxa ay caddaysay in caafimaadka labada waalidba uu saamayn ku leeyahay caafimaadka ilmaha ay dhalayaan. …
Read More »Health
Fadhiga Badan Iyo Xarakaad Yaraantu Waxay Caruurta Ku Keenaan Cilladahan
Xarunta wacyigelinta caafimaadka ee faderaalka Jarmalka ayaa soo saartay digniin caafimaad oo ay ku sheegayso in fadhiga badan iyo xarakaadka oo carruurta ku yaraadaa ay sababto buurni, xanuunka macaanka iyo dhibaato dhinaca fahamka maskaxda ah. Digniinta xaruntan waxaa lagu sheegay isticmaalka ciyaaraha elektarooniga ah (Games) ee waqtiyadan dambe carruurtu aad u isticmaasho sida kuwa lagu ciyaaro taleefanka gacanta ee casriga …
Read More »Hababka Sare Loogu Qaado Caafimaadka Kelyaha, Loogana Hortago Kelyo Xanuunka
Kelyuhu waxa ay door wayn ka ciyaaraan ilaalinta caafimaadka guud, iyagoo dhiigga ka sifeeya qashinka iyo dheecaannada dheeraadka ah, waxa ay nidaamiyaan cadaadiska dhiigga, waxayna sameeyaan unugyada dhiigga cas. Si kasta ha ahaatee, arrimo kala duwan ayaa saamayn ku yeesha caafimaadka kelyaha islamarkaana keeni kelyo xanuun, waxaana arrimahaas ka mid ah; hab nololeedka xun iyo cudurrada raaga. Haddaba Daryeel Magazine, …
Read More »Sababahan Awgood, Haka Tegin Quraacda
Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku howlgeli lahaa. Nasiib darro, nolosha maanta ee mashquulka badan ee xawaaraha ku socota ee la wada ordayo dad badani way ka boodaan quraacda sababo la xiriira howlaha u yaalla subaxdii iyo shaqooyinka ay u degdegayaan awgood laakiin taasi waxay keentaa in barqadii ay cunaan …
Read More »Hababka Loo Xoojiyo Difaaca Jirka, Cudurradana La Iskaga Caabbiyo
Habdhiska difaaca jirku waa nidaam uu jirku iskaga ilaaliyo infekshannada iyo cudurrada oo ay ka mid yihiin xanuunnada raaga. Difaaca jirkaagu wuxuu la dagaallamaa wax kasta, laga bilaabo fayrasyada keena hargabka iyo ifilada illaa cudurrada halista sida kansarka. Hab-nololeed caafimaad leh oo la joogteeyo wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan, oo ay ku jirto xoojinta difaaca jirkaga. Waxaynu qoraalkan ku soo qaadanayna …
Read More »Cuntooyinka La Dagaallama Daalka Iyo Tamar Yarida Ee Qofka Siiya Firfircoonida
Daalka badan waa cillad caan ah oo saamaysa malaayiin dad ah, waxaana inta badan keena cunno xumada, hurdo la’aanta iyo xanuunada qaarkood. Inkasta oo helida hurdo kugu filan iyo maaraynta stress-ku ay muhiim u yihiin la dagaallanka daalka iyo tabar darrada, haddana cunnadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa ilaalinta heerka tamartaada. Qaadashada cunnooyinka nafaqada leh ee tamarta kordhiya, waa …
Read More »Imisa Koob Oo Biyo Ah Ayuu Jidhku U Baahan Yahay Xilligan Kulaylaha?
Xaddiga biyaha uu jidhku maalin kasta u baahanyahay, waxa ay ku kala duwan tahay xaaladaha qofka, tusaale ahaan dareeraha iyo cabitaannada kale ee uu cabbo, noocyada cunto ee uu cuno, iyo mararka qaarkood xaaladihiisa caafimaad iyo dawooyinka uu qaato, ama xarakaadka jidheed ee uu sameeyo. Warbixin ay waaxda caafimaadka dadweynaha ee jaamacadda Harvard University Ku daabacday boggeeda internet ku, waxa …
Read More »Sababaha Keena Xaaladda Daalka Joogtada Ah
Xaaladda daalka joogtada ah (Chronic Fatigue Syndrome) waa mid cuuryaamineysa nolol maalmeedka qofka waxaana lagu tilmaamaa mid wadata daal aad u daran. Daal aan tageynin xita marka la nasto kedib. Xaaladaan waa mid aan loo aaneyn karin iney ka dambeyso xaalad caafimaad. Xaaladaan waxaa sidoo kale loo yaqaanaa “Myalgic encephalomyelitis” ama “Systemic exertion intolerance disease”. Maxaa sababa daalka joogtada ah? …
Read More »Cuntooyinka Xoojiya Difaaca Jidhka Aadamaha, Dalkeenana Laga Heli Karo
Marba marka ka dambaysa waxaa adduunyada ku soo kordhaya xaaladaha caafimaad darro ee aadamaha dhibaatada ku haya, waxa aanay taasi kor u qaadday waxsoosaarka dawooyinka. Inkasta oo ay dawadu tahay shayga keliya ee aynu kula tacaali karno xanuunnada, haddana waxa ay culimada caafimaadka ku xeeldheere isla qirsanyihiin in dawooyinku ay leeyihiin raadad taban oo ku lammaan waxtarkooda, sidaas awgeed waxaa …
Read More »Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Cabitaanka Sisinta
Bismillah, Sisintu waxay ka mid tahay dalagyada dalkeena ka baxa, waxay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, waxaana laga helaa nafaqo kala duwan, saliida macsarada oo loo yaqaano boqoraddii saliidaha “queen of oils” ayaan laga shiidaa, cunno ahaan ayaan cunnaa, cabitaan ahaanne waan u qasannaa. Qoraalkaan waxaan ku soo koobi doonaa cabitaanka sisinta oo aad loo isticmaalo bisha barakaysan ee Ramadaanka. …
Read More »7 Cunto Oo Aad Ugu Wanaagsan Ragga
In kasta oo si guud cuntooyinka waxtarka caafimaad leh ay u siman yihiin ragga iyo dumarku, haddana sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan culimada caafimaadku, waxaa jira kuwo waxtarkaas caafimaad ee ay aadamaha siiyaan sii kala tayo iyo awood badan yahay marka loo eego kala duwanaanshiyaha jinsiga. Qormadan oo aynu ka soo qaadannay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa qaybo …
Read More »Xaaladaha Caafimaad Ee Ka Dhasha Haddii Biyo La Cabbo Xilliga La Cuntaynayo
Jooji cabidda biyaha xilliga cuntada!! Jirkeena wuxuu sameeyaa shaqooyin badan xiliga aan wax cuneyno, waana shaqooyin aan ubaahanay inaan mid mid u fahano si aan u ogaano in biyo lacabo xiliga aan wax cuneyno iney fiican tahay iyo ineysan fiicanayn. -Calyada afkeena uu soo saaro xiliga aan wax cuneyno waxay ka kooban tahay insaymo burburiya cuntada waana mid naga caawineysa …
Read More »Maxay Hurdo Kuu Qabataa Afurka Kadib?
Maadaama la soomanaa saacado badan oo la dareemayo harraad, iyo diihaal, waxay dheguhu dhawrayaan maqalka Aadaanka si afka loola helo cabitaan iyo cunto wixii naftu jamato si looga kabto oonkii, daalkii iyo dihaalkii, waxa sida loo yeelayaa si jirka uu tamar u helo loona helo firfircooni. Hase yeshee waxaa suurta-gal ah in aynaan helin tamarti aynu u baahnayn kolka aynu …
Read More »Faa’idooyinka Misirta (Cadaska) Iyo Ahmiyadeeda Xilliga Ramadaanta
Cadasku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka aadamuhu isticmaalo kuwooda ugu taariikhda fog, taas oo sida ay muujinayaan hadhaa Cadas ah oo laga helay xabaalaha qaddiimka ah ee Masar la isticmaali jiray 2400 oo sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (CS). Cadaska (misirta) oo ah cunto loo diyaarin karo siyaabo kala duwan oo ka bilowda in uu noqdo sida fuud …
Read More »Caalamadaha Kansarka Dhuunta Ama Hunguriga, Sababaha Keena Iyo Daweyntiisa
Kansarka dhuunta/hunguriga: Hungurigu waa xubin qaali ah kaas oo ka qayb qaata gaarsiinta quudka qaybaha kala duwan ee dheefshiidka. Tuuubadaan oo soo qaada cunnada aynu liqno ayaa u gudbisa caloosha halkaaso cunadda lagu qaso dheecaanada kala duwan ee laga soo daayo gidaarada caloosha si looga nadiifiyo ilmaqabatada iyo jeermiska looguna diyaariyo si in lagu dheefshiido mindhicarada. Kansarka ku dhaca hunguriga …
Read More »