Shaahu wuxuu ka mid yahay cabitaannada loogu jecel yahay dunida, dad badanna waxa ay maalintooda ku bilaaban koob shaah ah, balse ma ogtahay sababta ay xeeldheereyaasha caafimaadku uga digaan in shaaha la cabbo caloosha oo maran? Inkastoo shaahu uu leeyahay faa’idooyin caafimaad sida awoodda sun-saarista tan oo jirka ku caawisa siduu isaga saari lahaa wixii aan nacfi ugu jirin iyo …
Read More »Cuntada & Nafaqada
Faaidooyinka Faytamiin D Iyo Ilaha Ugu Fiican Ee Laga Helo
Warbixin caafimaad oo Shabakadda Aljazeera ka soo xigatay majaladda Elle ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa soo bandhigtay faa’idooyin dhowr ah oo laga helo faytamiin D-ga. Warbixintaas waxa ay hoosta ka xariiqaysaa shan faa’ido oo waaweyn oo uu Faytamiinkani u leeyahay caafimaadka waxa aanay kala yihiin: Wadne Xanuunka: Faytamiin D waxa uu ilaaliyaa jileeca xididdada iyo halbawlayaasha dhiigga qaada, …
Read More »Dadka Aan Loo Ogolayn Qorfaha & Sababaha Loogu Diidayo
Qorofalku (Qorfuhu) waxa uu ka mid yahay xawaashyada ugu caansan dunida oo dhan, urtiisa oo aad u udgoon laguna tilmaamo in ay nafta xasiliso ayaa ka mid ah sababaha lagu jeclaaday geedkan. Laakiin urta iyo dhadhanka fiican ee uu sameeyo oo keliya ma’aha sirta ku jirtaa, balse waa dawo hodan ku ah maaddooyin badan oo caafimaadka aad u caawiya. Si …
Read More »Faaidooyinka Waaweyn Ee Liin Dhanaanta Iyo Xanuunada Ay Ka Hortagto
Sida ay aaminsan yihiin taariikhyahannada Carabtu magaca liin dhanaanta loogu yaqaanno Afka carbeed ee Laymuun waxa uu asal ahaan ka soo jeedaa luuqadda Persians ka waxa aanu macnihiisu yahay jidhka oo laga nadiifiyo suntan iyo ka hortagga cudurrada. Dr. Majdi Badraan oo ah dhakhtar ku xeel dheer caafimaadka carruurta xubinna ka ah jimciyadda dhakhaatiirta xasaasiyadda iyo hab-dhiska difaaca ee dalka …
Read More »Shaaha Sanjabiisha Leh: Xaaladaha Caafimaad Ee Lagu Daweeyo Iyo Sida Saxda Ah Ee Loo Diyaariyo
Ka sokow in cunnada lagu macaaneeyo, sanjibiishu waxa ay xambaarsan tahay faaidooyin caafimaad oo tiro badan, waana tan ka dhigtay dhir caan ah oo caalamka oo dhan laga isticmaalo. Sanjabiisha waxaa ku jirta maado muhiim ah loo yaqaanno “gingerol” taas oo uroon dheefshiidka. Maadadani waxa ay dedejisaa cunno shiidista taas oo ka hortagayso in cunnadu ku raagto caloosha muddo dheer. …
Read More »Cabitaan Dabiici Ah Oo Jirka Ka Sifeeya Sunta Iyo Qashinka
Ma ogtahay in jirkaaga ay ku jiri karto sun? Suntu waxa ay jirka ka soo geli kartaa meelo kala duwan sida cunnooyinka warshadaysan, cunnada qashinka (junk foods), cabitaannada soodhaha leh, sigaar cabbida, hawada wasakhaysan iyo stress-ka. Si tartiib ah ayay suntu ugu aruuri kartaa jirka. Suntu waxa ay keeni kartaa hur, miisaanka oo kordha, jirka oo kululaada, madax xanuun, dibiro, …
Read More »Faa’iidooyinka Joogteynta Geedka Baytaraafka Iyo Muhiimadda Uu U Leeyahay…
Baytaraafku waa khudrad caafimaad ahaan faaido badan dalkeennana laga heli karo. Baytaraafka waxaa ka buuxa nafaqooyin aas-aasi ah sida fitamiin C, Fitamiin A, folate, potassium, magesium, phosphorus iyo xadiid. Sidoo kale, waxaa ka buuxa maadooyinka jirka ka saara sunta. Maadada “betalain” ee ku jirta baytaraafka waa sunsaare awood badan taas oo la dagaallanta hurka kana hortagta kansarka iyo cudurro kale. Maadadani …
Read More »Faaidooyinka Joogteynta Miraha Filfisha Iyo Xanuunnada Ay La Dagaallamaan
Filfisha waxaa loo yaqaannaa “black gold” oo macnaheedu tahay dahabka madow. Waa mid ka mid ah xawaashyada ugu taariikhda fog, waxaana uu aadamuhu muddo dheer u isticmaali jiray cunno ahaan iyo dawo ahaan. Filfishu keliya ma wanaajiso dhadhanka cunnada balse waxay kaloo xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin. Filfishu asal ahaan waxa ay ka soo jeeda wadanka …
Read More »Sirta Caafimaad Ee Saliida Qumbaha
Saliida qumbaha waa mid ka mid ah saliidaha ugu caansan ee dunida oo dhan laga isticmaalo. Saliid qumbaha 90% waxa ay ka samaysan tahay dufannada loo yaqaanno”Fatty acids”, saliidda ka samaysan dufannadan faa’ido ayaa ugu jirta bini’aadamka, sababtoo ah unugayda jirka waxaa laga sameeyaa badankood ashiidhada dufanka ah. Gubista baruurta caloosha: Saliid qumbuhu waxa ay hoos u dhigtaa cirweynida, waxayna …
Read More »Khudradaha Midhaha Ah Ee Lagu Gubo Xaydha Caloosha
Jimciyadda nafaqaynta ee dalka Jarmalka ayaa shaacisay noocyo ka mid ah khudradda midhaha ah oo ay ku jiraan curiyeyaal nafaqo oo muhiim u ah burburinta dufanka ku urura caloosha iyo dhinacyada. Khudradahaas oo dhowaan lagu xusay warbixin ay shabakadda Aljazeera arrintan ka diyaarisay ayaa ah: Afakaadho: Xeeldheereyaasha faa’iidooyinka caafimaad ee cuntadu waxa ay sheegeen in afakaadhadu ay ka mid tahay …
Read More »Cabitaan Dhiiga Kordhiya Oo U Fiican Dadka Dhiig La’aanta Qaba, Hooyooyinka Uurka Leh & Caruurta
Qormadeenaan, waxaan ku soo qaadanaynaa caabitaan nafaqo badan oo dhiiga kordhiya, faaidana u leh caafimaadka guud. Cabitaankan ayaa ka kooban timir, koosto, iyo muus, waana saddex shay oo wadankeena si fudud looga heli karo. Cabbitaankani waxa uu qani ku yahay macdanta xadiidka ama iron, sidaas darteed wuxuu uroon yahay dadka qabo dhiig yarida, dumarka umusha ah iyo dadka dhiigga bixiyay. …
Read More »Ahmiyadda Caafimaad Ee Ganka Ama Faybarka Iyo Cunnooyinka Hodanka Ku Ah
Faybarka waa nooc kamid ah nafaqada cunnada, kaasoo laga helo cunooyin kala duwan. Waa nafaqo u wanaagsan caafimaadka qabka dheefshiidka. Cuntooyinku ay ku yaryihiin faybarka ayaan u wanaagsanayn dadka caadiga ah walow ay jiraan bukaano lagula taliyo inaysan badsan faybarka sida hadii buro kaaga taalo mindhicirada taasoo keentay inay dhuubmato ama yaraysay dhumacda daloolka ay cunadu marto ee mindhiciraha. Faybarka …
Read More »Faaidooyinka Joogtaynta Liinta Oranjada Iyo Ahmiyadda Ay U Leedahay….
Liinta oranjadu waxay ka mid tahay cuntooyinka ugu caansan dunida, waxayna xambaarsan tahay nafaqo tiro badan iyo maadooyinka faa’ido u leh caafimaadka. Liinta oranjada waxaa ka buuxo fitamiin C oo xoojiyaa awoodda is-difaac ee jirka waxaana uu ka ilaaliyaa caabuqa ay ka mid yihiin qabowga, hargabka iyo qufaca Maadooyinka oranjiga ku jira waxaa ka mid ah, fiber, fitamiin C, thiamine, …
Read More »Dhir Iyo Cunnooyin Sare U Qaada Rabitaanka Jinsiga Ee Haweenka
Hamiga galmada oo hooseeya waxa ay ka mid tahay cilladaha caafimaad ee caanka ah ee sheegtaan haweenka. Sababo badan ayaa masuul ka ah hoos u dhaca rabitaanka jinsiga ee haweenka, waxaana ka mid ah isticmaalka dawooyinka uurka looga hortago, qalleylka farjiga, dawooyinka qaar iyo isbeddellada hormoonnada ee jirka. Inkastoo ay jiraan dawooyin loo adeegsado in si deg deg ah loo soo …
Read More »Ahmiyadda Nafaqada Caruurta Iyo Cunnooyinka U Fiican
Caruurtu waxay u baahan yihiin nafaqo lamid ah mida dadka waawayn ay helaan. Qof walba wuxuu u baahan yahay nafaqo si jirkiisu uu u joogteeyo caafimaad qabka. Balse caruurtu waxay dadka waawayn kaga duwanyihiin jirkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah, sababtoo ah jirkooda wuxuu sameynayaa koritaan joogto ah. Ilmaha aan helin nafaqo kufilan waxaa ku dhici kara xanuuno …
Read More »