Cuntada & Nafaqada

Miraha Ama Furuutka Uroon Hooyada Uurka Leh

miraha, hooyada uurka leh, cuntooyinka uurka

Xiliga uurka waxaa lagama maarmaan ah in hooyadu ay cunto cunnooyin nafaqo leh, kuwaasoo aan ku koobnayn hooyada oo kaliya balse uu sidoo kale ka faa’idayo uurjiifka, cunnada fudud ama ay ku badan tahay baruurtu ayaa haboon in aan labadsan xiliga uurka taas badal keedana ay hooyadu joogteyso cunida miraha iyo cunooyinka leh maadada faybarka. Cunista miraha ama khudradda ayaa …

Read More »

Calaamadaha Waaweyn Ee Kaalsiyam Yarida Iyo Xanuunada Ka Dhalan Kara

macdanta calcium,

Kaalsiyam waa macdan aasaasi ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Waxaa la ogaaday in macdanta kaalsiyam 99% lagu keydiyo ilkaha iyo lafaha, halka inta soo hartay lagu keydiyo murqaha, dhiigga iyo nudeyaasha. Jirka bani-aadamku waxa uu u baahan macdantan si uu guto howlaha kala duwan ee muhiimka ah. Kaalshiyam yarida waxay ku badan tahay caruurta, dadka ku jira marxaladda …

Read More »

Faaidooyinka Ukunta Ay U Leedahay Caruurta Iyo Xaddiga La Siin Karo Maalintii

faaidooyinka ukunta caruurta,

Ukunta oo si joogto ah oo nidaamsan loo siiyo caruurta waxay ka helaan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxayna ukuntu hodan ku tahay barootiin, xadiid, fitamiinno iyo dufanno caafimaadka uroon.  Joogteynta ukunta waxay caruurta ka caawisaa inay helaan nafaqadii ay baahnaayeen maalin kasta. Balse waxaa muhiim ah inaan caruurta la siinin ukun saaid ah maadaama ay ku badan tahay …

Read More »

Sababaha Ragga Loogula Darmaarmo Cunista Toonta

faaidada toonta ee ragga, tuunta

In kasta oo ay toontu neefta qofka kaga tagto raad la dhibsado, sidaa awgeedna uu Nebigeennii Muxammed (SCW) innaga waaniyey in aynu masaajidda tagno innaga oo toon ama basal soo cunnay, si aanay inoogu dhib mudan Malaa’igta khayrka qoraysa iyo walaalaha innagu hareero tukanaya, haddana taas macnaheedu ma’aha in aanay wax faa’ido ah lahayn, balse waaba lidkeeda. Toontu waxa ay …

Read More »

Faa’idooyinka Waaweyn Ee Midhaha Haylka Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee….

midhaha haylka

Haylku waxa uu ka mid yahay xawaashyada ay Soomaalidu aadka u taqaanno, shaaha iyo cuntada kalana marar badan loogu sameeyo dhadhanka iyo urta fiican. Laakiin inta badan dadku ma oga in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo aad u tiro badan. Faa’idooyinkaas waxaa ka mid ah: 1. Haylku waxa uu kordhiyaa awoodda wareegga dhiigga, sida oo kale waxa ku jira xaddi …

Read More »

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

timirta iyo caafimaadka, faaidada timirta, timir,

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan midhadh timir ah. Haddaba marka laga tago in ay sunne tahay, maxaa kale oo faa’ido caafimaad ah oo ay jidhka u leedahay? Faa’idooyinka degdegga ah ee ku afurista timirta Jidhku waxa uu ka helaa tamar xooggan oo mar keliya jidhka wada gaadha Waxa ay dawo …

Read More »

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

cuntooyinka koritaanka caruurta,

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, kobacooda iyo guud haaan fayow qabkooda.  Markasta oo caruurta ay koraan  baahidooda nafaqo way siyaadaa taas oo muhiim ka dhigaysa in diirradda la saaro cunnooyinka uroon koriimadooda jireed iyo maskaxeed.  Hadaba waxaan qormadaan ku soo qaadanaynaa 10 cunno oo si gaar faaido ugu leh ilmaha …

Read More »

10 Cunno Oo Daweeya Naqaska Caloosha Iyo Dibirada, Caafimaadka Dheefshiidkana Wanaajiya

dheefshiidka, dibirada,

Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka. Sinjibiisha: Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, …

Read More »

Ahmiyadda Ay Leedahay In La Isku Cuno Caanaha Iyo Tmirta

faaidada timirta iyo caanaha,

Faaidada isku cunista timirta iyo caanaha: Cilmibaadhiso kala duwan ayaa daahfuray in midhaha timirta ay ku jiraan xaddi aad u badan oo ah Faytamiinno, macdanno iyo sonkoro uu jidhku si joogto ah ugu baahan yahay maalin kasta. Marka uu qofku sooman yahay ama uu ku jiro cunto yarayntana waxa ay jidhka si degdeg ah ugu keenaan faa’iidooyinka aynu soo tirinnay …

Read More »

Faaiidooyinka Caanaha Marka La Cabbo Hurdada Ka Hor

faaidooyinka caanaha hurdada ka hor,

Caanuhu waxa ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka waxtarka badan ee ay hodanka ku yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Potassium, Kalshiyaam, Faytamiin B-12, Barootiin, Kaarbohaydareet iyo dufanno faa’ido u leh jidhka, sidoo kale caanuhu waa il aad u muhiim ah oo laga helo Faytamiin A ga. Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan cabbista caanaha, …

Read More »

10 Cunno Oo La dagaallama Kansarka, Difaaca Jirkana Awood Siiyo

cuntooyinka, cudurka kansarka

Joogtaynta cunno caafimaad leh oo isku dherlitiran waxa ay lama huraan u tahay fayow-qabka guud waxa ay ka qaadataa difaaca dabiiciga ee jirku uu iska caabbinayo cudurrada oo kansarku uu ka mid yahay. Inkasta oo aysan jirin cunno keligeed dammaanad qaadaysa ka hortagga cudurka kansarka, haddana isku darka cunno nafaqo iyo maadooyinka sunsaarista hodanka ku ah waxay kaalin mug leh …

Read More »

Nafaqada Iyo Caafimaadka Beerka Adhiga & Khasaarihiisa

faaidooyinka beerka adhiga,

Waa shaki la’aan in cunista noocyada kala duwan ee hilibku ay faa’idooyin aan la soo koobi Karin u leedahay quudinta iyo nafaqaynta muruqyada, lafaha iyo neerfayaasha qofka, isla markaana ay xoojiso dhismaha jidhka. Hilibku waxa uu jidhka siiyaa tamar iyo firfircooni uu hawlihiisa ku qabsan karo. Xeeldheerayaasha nafaqaynta iyo caafimaadka cuntada ayaa sheegay in beerka digaagga iyo iduhu ay ka mid yihiin …

Read More »

Khudrado Dalkeenna Laga Helo Oo Guba Dufanka Jidhka Ku Ururo

cuntooyinka dufanka jidhka,

Dufanka cuntooyinka inta badan ku jira, gaar ahaan hilibka xoolaha ayaa marka uu jidhka ku ururo waxa uu keenaa khataro badan oo caafimaad, kuwaas oo ay ka mid yihiin Kalastaroolka iyo in xididdada dhiiggu ay xidhmaan. Qormadan ayaa shabakadda caanka ah ee MBC ay ku sheegaysaa noocyo ka mid ah khudradaha dalkeenna laga helo oo si yaab leh u gubi …

Read More »

Faa’idada Cabitaanka Lawska & Mooska La Isku Shiiday Iyo Xilliyada Ugu Fiican Ee La Cabo

Casharkeennna maanta waxaan soo qaaadanaynaa cabitaan nafaqo badan kaas oo ka kooban moos, laws iyo caano. Waa cabitaan diyaarintiisu ay fududahay, dhadhan ahaan macaan, caafimaad badanna laga helo. Mooska oo ka mid ah cunnooyinka cunistooda sida aadka ah loogula taliyo xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan, waxa uu hodan ku yahay maaddooyin nafaqo, oo ay ka mid tahay potassium, wuxuuna jirka ka …

Read More »

Dhirta Dabiiciga Ah Ee Lagu Jari Karo Baruurta Caloosha

baruurta caloosha,

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay dhibaato haysata dad badan oo dunida ku nool Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo cunno qaadashada . Baruurta caloosha ma ahan oo keliya inay saamayso quruxda qofka balse waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan. Waxaa la arkay inay siyaadiso halista cudurrada dhiig karka, macaanka …

Read More »