Cuntada & Nafaqada

Waxtarka Fitamiin E Iyo Cunnooyinka Hodanka Ku Ah

Fitamiin E waa mid ka mid ah nafaqooyinka aasaasiga ah ee jirku uusan ka maarmi karin. Waa fitamiin ku milma dufanka waana sunsaare awood badan oo unugyada jirka ka ilaaliya sunta jirka ku dhex samaynta, taas oo hadii aan laga hortagin keeni karta cudurro badan sida cudurrada wadnaha ku dhaca iyo kansarka.  Fitamiinkani waxa uu xoojiyaa habdhiska difaaca jirka, waxa uu …

Read More »

Midhaha Qoondarka Ama Saliibka: Faaidooyinkooda Iyo Khasaaraha

qoondarka, saliib, qoondar, flaxseed

Waxaan maanta inshaAllah halkan ku sharaxayaa midho yaryar oo buniga ama huruud ah oo la idhaah ( Flax seed) . Soomaalina waxaa lagu idhaah Qoondar ama Saliib. Midhahani waa midho cafimaadka siyaabo badan uugu fiican. Loona isticmaali karo siyaabo kale duwan. Haddaba halkan ka baro midhahan khayr kooda iyo sharkoodaba iyo waliba habka loo isticmaalayo. Midhahani waa midho laga heli …

Read More »

Faa’idooyinka Xabad Sowdada & Xanuunada Ay Dawada Ka Tahay

Xabad sowdada, saliida xabad sowdada, xabad sowdo

Faa’iidooyinka xabad sowdada: “Xabaasuuddu geeri mooyee, cudur kasta oo kale waa ka dawo” waxaa hadal macnahaas ku dhow yihin, Nebigeennii Muxammed (SCW). Aadamuhu bilowgii noloshiisaba waxa uu xabad sowdada u aqoonsanaa dawo uu kula tacaalo xanuunno aad u tiro badan. Tan iyo markii ay bilowdeen cilmibaadhisaha kala duwan iyo tijaabooyinka dadku ku baadhayo waxyaabaha waxtarka u leh nolosha iyo caafimaadkana, …

Read More »

Faaidada Dhagayaraha Uu Ragga U Leeyahay Iyo Sida Saxda Ah Ee Loo Isticmaalo

faaidada dhagayaraha,

Dhagayaraha waa dhir daweed qiimo badan, waa geed caraf iyo dhadhan fiican u yeela cunnada, waxaana ka buuxa nafaqooyin muhiim ah iyo maadooyin kale oo caafimaadka waxtar u leh. Inkastoo dhagarayahu uu faaido u leeyahay dadka oo dhan haddana waxaa si gaar ah ugu sii roon yahay ragga, maadaama uu wanaajiyo awoodda bacriminta, sida oo kalena uu ka ilaaliyo cudurrada …

Read More »

Ahmiyada Fitamiin B6, Cunnooyinka Uu Ka Buuxo & Xanuunada Ka Dhasha Haduu Jirka Ku Yaraado

fitamiin b,

Fitamiin B6 waxaa kaloo loo yaqaannaa “Pyridoxine”, Fitamiinkani waxa uu muhiim u yahay samayska asiidhada “amino”, waxa uu door wayn ka ciyaaraa samayska unugyada cascas ee ku jira dhiigga iyo dhambaal-sidayaasha maskaxda (Neurotransmitters), wuxuu kobciyaa shaqada maskaxda, sida oo kalena waxa uu nidaamiyaa heerka sonkorta dhiigga. Fitamiin B6 wuxuu kaalin mug leh ka qaataa ilaalinta caafimaadka hab-dhiska neerfaha, wuxuu u …

Read More »

Sababaha Cunista Yoghurt-ku Ay Ugu Fiican Tahay Haweenka Uurka Leh

haweenka uurka leh, caanaha,

Haweenka uurka leh waxaa lagula dardaarmaa inay helaan kaalsiyam ku filan taas oo muhiim u ah koriimada murqaha, ilkaha iyo lafaha ilmaha. Caanaha la fadhiisiyay ee loo yaqaanno yoghurt-ka waa mid ka mid ah ilaha ugu wanaagsan ee qaniga ku ah macdanta kaalsiyamta. Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa faa’idooyinka tirada badan ee laga helo cunista yoghurt-ka ee xilliga uurka. Yoghurt-ku …

Read More »

Cuntooyinka U Fiican Hurdada Ee Qofka Ka Caawiyo Inuu Si Wacan U Seexdo

cuntooyinka hurdada,

Cuntooyinka Qofka Ka Caawiya Inuu Hurdo Fiican Seexdo Waxaa jira cunnooyin badan oo Alle ku abuuray walxo u wanaagsanhurdada. Halkaan waxaa ku soo aruurinay kuwa ugu fiican ee kaa caawin kara inaad seexato hurdo tayo leh. Lawska walnuts: Lawska nooca walnuts-ka waxaa ku jira barootiin loo yaqaanno “tryptophan” kaas oo ka qayb qaata soo saarista hormoonnada “melatonin” iyo “serotonin” oo …

Read More »

FITAMIIN B: Astaamaha Lagu Fahmo Haduu Jirka Ka Maqan Yahay Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Fitamiinnadu waxay muhiim u yihiin in jirku uu si wacan u shaqeeyo iyo caafimaadka guudka. Fitamiinnadu waxay u kala baxaan dhowr nooc, mid walbana jirka wuxuu u qabtaa shaqo gooni ah. Si aad u hesho fitamiinnada waa inaad ku tiirsanaantaa ilaha dibadda sababtoo ah jirku awoodo uma lahan inuu sameeyo fitamiinnada. Qormadaan waxaan ku dul istaagaynaa faa’idooyinka fitamiin B uu …

Read More »

8 Cunno Oo U Fiican Dhimista Miisaanka, Dalkeenana Laga Heli Karo

dhimista miisaanka,

Buurnimada iyo miisaanka inta dabiiciga ah ka badani waxa ay ka mid yihiin dhibaatooyinka caafimaad ee dadka dunida badankoodu ka cawdaan muddooyinkan dambe. Waxa ay dhaawacdaa quruxda guud iyo muuqaalka duleed ee qofka, laakiin waxaa ka sii daran in ay qofka ku keento xaalado caafimaad darro oo ay ka mid yihiin xanuunnada ku dhaca wadnaha, lugo xanuunka, xanuunka kalagoysyada iyo …

Read More »

Maxey Dhaqaatiirtu Ku Sheegeen Saliid Cadeeyda (Vegetable Oil)?

saliid cadeey

Saliid cadeeyda waa saliidda ugu badan ee ay soomaalidu ku cunnada ku karsato.  Haddaba saliiddani miyay u daran tahay caafimaadka mise waa ay u wanaagsan tahay? Jawaabta su’aashaas ayaynu qormadan ku faahfaahin doonaa.  Maxaa laga sameeyaa saliid cadeeyda?  Saliid cadeeyda waxaa qaab kiimikeysan looga dhaliyaa dhirta sida geed timireedka, gabaldayaha, geedka canola, digirta sooyada iyo galleyda. Qaar ka mid ah …

Read More »

Muhiimadda Afurka Iyo Suxuurtu U Leeyihiin Caafimaadka Qofka Sooman Iyo Faa’iidada Timirta

Bare-sare Nikolaev Belloy ayaa buuggiisa ‘U gaajoodka caafimaadka’ ku sheegaya in qof kasta oo bani’adam ah ay dantiisa caafimaad tahay in uu sannadkii hal mar oo illaa Afar toddobaad ah cuntada ka soomo. Taas oo uu sheegay in ay sabab u noqon karto in uu noloshiisa caafimaad ku dhammaysto. MUHIIMADDA AFURKA IYO SUXUURTA Cilmibaadhisaha caafimaadku waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay …

Read More »

Flaxseeds: Nutritional Health Benefits

flaxseeds,

Flaxseeds, also known as linseeds, are small seeds that have been consumed for their health benefits for centuries. They are rich in nutrients and provide a wide range of health benefits. Some of the key health benefits of flaxseeds include: High in Omega-3 Fatty Acids: Flaxseeds are one of the best plant-based sources of alpha-linolenic acid (ALA), which is a …

Read More »