Cuntada & Nafaqada

Sababahan Awgood, Haka Tegin Quraacda

faaidada quraacda

Waxaa la isku waafaqsan yahay in quraacdu ay tahay cunnada ugu muhiimsan ee maalintii, waa shidaalkii uu qofku howlgeli lahaa. Nasiib darro, nolosha maanta ee mashquulka badan ee xawaaraha ku socota ee la wada ordayo dad badani way ka boodaan quraacda sababo la xiriira howlaha u yaalla subaxdii iyo shaqooyinka ay u degdegayaan awgood laakiin taasi waxay keentaa in barqadii ay cunaan …

Read More »

Cuntooyinka La Dagaallama Daalka Iyo Tamar Yarida Ee Qofka Siiya Firfircoonida

daalka iyo tabar yarida, caajiska

Daalka badan waa cillad caan ah oo saamaysa malaayiin dad ah, waxaana inta badan keena cunno xumada, hurdo la’aanta iyo xanuunada qaarkood.  Inkasta oo helida hurdo kugu filan iyo maaraynta stress-ku ay muhiim u yihiin la dagaallanka daalka iyo tabar darrada, haddana cunnadu waxa ay kaalin mug leh ka qaadataa ilaalinta heerka tamartaada.  Qaadashada cunnooyinka nafaqada leh ee tamarta kordhiya, waa …

Read More »

Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Cabitaanka Sisinta

faaidooyinka cabitaanka sisinta,

Bismillah, Sisintu waxay ka mid tahay dalagyada dalkeena ka baxa, waxay aad muhiim ugu tahay caafimaadka, waxaana laga helaa nafaqo kala duwan, saliida macsarada oo loo yaqaano boqoraddii saliidaha “queen of oils” ayaan laga shiidaa, cunno ahaan ayaan cunnaa, cabitaan ahaanne waan u qasannaa. Qoraalkaan waxaan ku soo koobi doonaa cabitaanka sisinta oo aad loo isticmaalo bisha barakaysan ee Ramadaanka. …

Read More »

7 Cunto Oo Aad Ugu Wanaagsan Ragga

Cuntooyinka ragga u fiican

In kasta oo si guud cuntooyinka waxtarka caafimaad leh ay u siman yihiin ragga iyo dumarku, haddana sida ay marar kala duwan xaqiijiyaan culimada caafimaadku, waxaa jira kuwo waxtarkaas caafimaad ee ay aadamaha siiyaan sii kala tayo iyo awood badan yahay marka loo eego kala duwanaanshiyaha jinsiga. Qormadan  oo aynu ka soo qaadannay shabakadda Al-Carabiya waxa aynu ku eegaynaa qaybo …

Read More »

Habka Cunto Qaadasho Ee Ku Haboon Soonka Xilliga Jiilaalka

soonka kulaylaha, ramadaanka, cuntooyinka

Bisha soon waxa ay sannadkan ku hagaagtay xilli jilaal oo kulaylku badan yahay, sidaa awgeed waxaa muhiim ah in aynu u talo urursanno hababka ugu fiican ee aynu isugu diyaarin karno u adkaysiga bisha soonka, gaar ahaan dhinaca cuntada oo ay tahay in laga xusho noocyada jidhka biyaha u ilaalinaysa isla markaana firfircooni iyo tamar siinaysa, saacadaha maalintii. Qormadan waxa …

Read More »

Cuntooyinka Suxuurta Ku Fiican Ee Qofka Ka Ilaaliyo Gaajada Iyo Harraadka

cuntooyinka suxuurta,

Waxaan halkaan ku soo aruurinay liiska cuntooyinka suxuurta ku haboon: Dufannada caafimaadka uroon: Isticmaalka dufannada caafimaad u wanaagsan waxay ku siinayaan dareen dheregsanaan ah maalintii oo dhan. Dufannadan waxaa ka ka mid ah miraha afakaadhada, subagga lawska iyo miraha qoondarka (flaxseeds) ee shiidan. Barootiinta: Barootiinta oo suxuurta lagu darsado waxay kaa ilaalinaysaa gaajada inta aad sooman tahay. Barootiintu waa nafaqo …

Read More »

Faa’idada Cabitaanka Lawska & Mooska La Isku Shiiday Iyo Xilliyada Ugu Fiican Ee La Cabo

Casharkeennna maanta waxaan soo qaaadanaynaa cabitaan nafaqo badan kaas oo ka kooban moos, laws timir iyo caano. Waa cabitaan diyaarintiisu ay fududahay, dhadhan ahaan macaan, caafimaad badanna laga helo. Mooska oo ka mid ah cunnooyinka cunistooda sida aadka ah loogula taliyo xirfadlayaasha ciyaaraha kala duwan, waxa uu hodan ku yahay maaddooyin nafaqo, oo ay ka mid tahay potassium, wuxuuna jirka …

Read More »

Cunnooyin Burburintooda Ay U Fududahay Dheefshiidka Oo Ku Haboon In Lagu Afuro

dheefshiidka, cuntooyinka afurka

Sannad kasta bilowga bisha soon iyo horraanteedaba waxa ay dhakhaatiirtu soo saaraan talooyin caafimaad oo qofka muslimka ah ka caawinaya in uu cibaadadan qaaliga ah guto, isaga oo dhinaca kalana ka helaya caafimaadkii jidheed ee ku jiray, kana fogaanaya khatartaha iman kara haddii qaladaad qofka ka dhacaan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa talooyinkaas qaar ka mid ah oo ku aaddan …

Read More »

Cuntooyin Ay Qalad Tahay In La Maydho Kahor Karinta & Sababta Caafimaad Ee Diidaysa

In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku …

Read More »

Faaidooyinka Sinjibiisha Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Ay La Dagaallanto

sinjibiisha, faaidada sanjabiisha,

Sinjibiishu waxa ya ka mid tahay dhirta dhaqan ahaan iyo cilmi ahaanba la isla qirsan yahay in dawo ahaan loo isticmaali karo, taariikh ahaanna muddo dheer ayaa uu aadamuhu geedka Sinjibiisha u isticmaalayey dawo ay kula tacaalaan xanuunno badan. Dhinaca kalana cilmiga casriga ahi waxa uu qirsan yahay in dawo dhireedka la hubaa ay ka tayo badan tahay dawada sancayska …

Read More »

Xeeldheereyaasha Caafimaadku Maxay Ku Sheegeen Cabista Shaaha Cadayska Ah

cabbista shaaha cadayska ah, shaah, cadays

Caafimaad miyaa ku jira shaaha cadayska ah? Hadii aad jeceshahay cabidda shaaha, badanaa waxaad u cabtaa si aad ugu kifaaxdid waana mid dadkoo dhan ka simanyihiin marka laga reebo dadka qaarkood oo shaaha caafimaad ahaan u caba. Dadka caba badankoodu waxay ka dhigteen caado, halka qaarkoodna uuna u yahay balwad aysan waqti badan ka maqnaan karin. Inbadan oo dadka shaaha caba …

Read More »

Maxay Khubarada Caafimaadku Ku Sheegeen Tamaandhada Ama Yaanyada Qasacadaysan?

yaanyo shiishiid, yaanyada qasacadaysan

Ma ogtahay in tamandhada ama yaanyada diyaarsan ee suuqa taalla ay raad taban ku yeelan karto caafimaadkaaga?Tamaandhada ama yaanyada fresh ka ah waxa ay leedahay faaidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin balse midda diyaarsan ee qasacadaha ku jirta uma wanaagsana caafimaadka Hadaba Daryeel Maagaziin waxa uu qormadan ku iftiimayaa khataraha caafimaad ee tammaandhada ama yaanyada diyaarsan ee qasacadaha, …

Read More »

Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Digirta Iyo Xanuunnada Ay La Dagaallanto

faaidooyinka digirta, digir

Digirta waa cunno nafaqo ahaan hodan ah haddana la woodi karo. Asal ahaan waxa ay ka soo jeedaa Dalka Peru. Digirtu waxay ka mid ahaan jirtay cunnooyinka ay aad soomaalida ugu dadaalaan gaar ahaan xilliga cashada, caafimaad badanna way ka heli jireen, laakiin waxaad mooddaa inuu isticmaalkeedu ku sii yaraanayo magaalooyinka, inkastoo waalidka uu badanaa ogyahay faa’idadeeda laakiin digir nacaybka …

Read More »

Dawooyinkii Nabigeenna Suuban NNKH Uu Nagala Dardaarmay Isku Daawayno

Ilaahay ayaa mahad oo idil u sugnaatay soo dejiyay dawada cudur kasta. Qormadan waxaan ku soo gudbinaynaa dawooyinkii rasuulkeenna suuban “NNKH” uu isku daweyn jiray ee uu nagala dardaarmay isticmaalkooda, dawooyinkaas oo caalamku waqti dambe ku baraarugay, daraasado badanna lagu sameeyay si loo hubiyo faa’iidooda, kadibna loo bixiyay magaca “Prophetic Medicine” oo macnaheedu tahay “Cilmigii Caafimaad ee Nabiga”.Haddaba dawooyinkaas waxaa …

Read More »