Daryeelka Carruurta

Si Aad U Dhisto Maskaxda Ilmahaaga, Ku Dedaal Qodobadan

maskaxda ilmaha, caqliga caruurta,

Xilliga ugu badan ee maskaxda ilmuhu kortaa waa Afarta sano ee ugu horreeya cimrigiisa. Marka la is barbar dhigo koritaanka maskaxda ee 4 sano ee u horreeya iyo inta ay maskaxdu korto inta hadhay ee nolosha qofka waxa ay khubarada caafimaadku caddeeyeen in Afartaa sano ay korto boqolkiiba 50, boqolkiiba 50 ka hadhayna ay korto inta hadhay ee cimriga qofka. …

Read More »

Cuntooyin Laga Helo Dhulkeenna Oo Sare U Qaada Joogga Iyo Dhererka Caruurta

cuntooyinka lagu dheeraado, caruurta,

Ma’ Ogtahay in nidaamka nafaqo ee qofku helayaa sida uu miisaanka xidhiidh ula leeyahay, si la mid ahna uu joogga qofka ugu leeyahay?! Jacaylka aadamuhu u qabo dhererku waa arrin laga siman yahay rag iyo dumarba. Waxa aana cilmi ahaan la og yahay in hidde-sidayaashu ay masuul ka yihiin jaangooyada joogga qofka, laakiin iyada oo ay taasi jirto, haddana lama …

Read More »

Faaidooyinka Ukunta Ay U Leedahay Caruurta Iyo Xaddiga La Siin Karo Maalintii

faaidooyinka ukunta caruurta,

Ukunta oo si joogto ah oo nidaamsan loo siiyo caruurta waxay ka helaan faaidooyin aan la soo koobi karin, waxayna ukuntu hodan ku tahay barootiin, xadiid, fitamiinno iyo dufanno caafimaadka uroon.  Joogteynta ukunta waxay caruurta ka caawisaa inay helaan nafaqadii ay baahnaayeen maalin kasta. Balse waxaa muhiim ah inaan caruurta la siinin ukun saaid ah maadaama ay ku badan tahay …

Read More »

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

cuntooyinka koritaanka caruurta,

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, kobacooda iyo guud haaan fayow qabkooda.  Markasta oo caruurta ay koraan  baahidooda nafaqo way siyaadaa taas oo muhiim ka dhigaysa in diirradda la saaro cunnooyinka uroon koriimadooda jireed iyo maskaxeed.  Hadaba waxaan qormadaan ku soo qaadanaynaa 10 cunno oo si gaar faaido ugu leh ilmaha …

Read More »

Khatarta Ay Dawada Jeermisdiluhu (Antibiotics) Ay Ku Keento Carruurta

caruurta dawada, jeemisdile

Cilmibaadhis cusub oo ay samaysay jaamacadda ‘Monash’ ee dalka Ustaraaliya ayaa muujinaysa in carruurta da’ yaraanta lagu siiyo dawooyinka anti-baayootiga (Anti biotics) ay kordhiso khatarta ah in uu ku dhaco xanuunka xiiqdu. Sababtuna ay tahay dawadan oo disha bakteeriyada jidhku u baahan yahay ee ku nool caloosha ilmaha, gaar ahaan sannadka ugu horreeya cimrigiisa. Daraasaddan oo natiijadeeda ay majaladda ‘Immunity’ …

Read More »

Goormee Caruurta Laga Jari Karaa Qanjaha Ama Qumanka?

qumanka caruurta

Carruurta waxaa qanjaha laga jari karaa keliya marka ay da’doodu tahay 4 jir iyo ka weyn, qanja xanuunkuna ama caabuqu uu ku soo noqnoqdo ugu yaraan 5 illaa 6 jeer sannadkii. Waayo qanjuhu waxa ay kaalin muhiim ah ku leeyihiin koritaanka ilmaha ee inta uu ka yaryahay 4 jirka iyo koboca uu samaynayo habdhiska difaaciisu. Sidaas waxaa caddeeyey, guddida xidhiidhka …

Read More »

Astaamaha Jooniska Ka Dhasha Caanaha Naaska Hooyada & Daaweyntiisa

jooniska, caanaha naaska, caruurta,

Joonis ama maqaarka iyo indhaha oo huruud u ekaada waa xaalad ku badan ilmaha yar yar ee dhashay ee naaska nuugaya. Dhab ahaantii, ilaa 60 boqolkiiba dhalaanka yar yar  ayuu ku dhacaa jooniskaan dhalashadooda maalmo yar un kadib. Xaaladan waxay dhici kartaa marka ilmaha dhiigooda uu ku jiro xaddi ama tiro badan oo ah dheecaanka loo yaqaan bilirubin. Dheecaanka bilirubin waa shay …

Read More »

Ahmiyadda Nafaqada Caruurta Iyo Cunnooyinka U Fiican

nafaqada caruurta, cuntooyinka caruurta

Caruurtu waxay u baahan yihiin nafaqo lamid ah mida dadka waawayn ay helaan. Qof walba wuxuu u baahan yahay nafaqo si jirkiisu uu u joogteeyo caafimaad qabka. Balse caruurtu waxay dadka waawayn kaga duwanyihiin jirkoodu wuxuu u baahan yahay nafaqo joogto ah, sababtoo ah jirkooda wuxuu sameynayaa koritaan joogto ah. Ilmaha aan helin nafaqo kufilan waxaa ku dhici kara xanuuno …

Read More »

Goormee Cuntada Lagu Bilaabaa Caruurta Yar Yar, Cuntadee Se U Fiican?

cunto ku bilaabista, caruurta yar yar, nafaqada caruurta,

Caanaha naaska aad ayay muhiim ugu yihiin ilmaha yar, waana in labo sano la nuujiyo. Si kastaba ha ahaatee in cunno adag ku bilaabo waa muhiim marka uu dhaafo 6 bilood jir. Marka ilmaha uu dhaafo 6 bilood, baahidiisa nafaqo waa ay siyaadaa, caanaha naaskuna ma dabooli karaan nafaqada uu baahan yahay. Haddii aan la siinin cunno adag oo caafimaad …

Read More »

Cuntooyinka Halista Ku Ah Caafimaadka Caruurta Ee Ay Tahay Inaan La Siinin

caafimaadka caruurta, cuntada caruurta,

Warbixin caafimaad oo dhowaan lagu faafiyey Shabakadda ‘Bright Side’ ee dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa shaaca ka qaadday in jiraan cuntooyin badan oo aynu si joogto ah u isticmaalno, innaga oo u aragna in ay wax ka tarayso caafimaadka, laakiin aan ka warqabin in ay jiraan daraasado cilmiya oo muujinaya in ay khatar ku yihiin caafimaadka caruurta yaryar. Waxaa ka …

Read More »

Digtooni La’aanta Iyo fudeydka Badan Ee Caruurta

caruurta fudeydka badan,

Digtooni la’aan iyo firfircoonida badan ADHD waa xaalad joogta ah oo saameysa malaayiin caruur ah. ADHD waxey isugu jirtaa dhiibaatooyin si joogta ah isku raaca sida feejignaan la’aan soo noqnoqota, firfircooni xad dhaaf ah iyo waxqabasho degdeg ah. Caruurta qaba ADHD waxaa la dersa kalsooni la’aan, xiriirka oo ka xumaada iyo wax barshada oo ay ku dhacaan. Astaamaha qaar waxey …

Read More »

Koritaanka Caruurta: Heerarka Dhererka Iyo Miisaanka Saxda Ku Ah

Koritaanka caruurta, miisaanka caruurta, ilmaha,

Hooyo kastaa waxa ay u heellan tahay in ilmaheedu uu gaadho heerka dabiiciga ah, caafimaad ahaanna ku habboon koritaanka caruurta, sida miisaanka saxda iyo in dhererkiisu noqdo mid si sax ah u socda, sidoo kale waxa ay waxa a jeceshay in ilmaheedu uu carruurta kale ka maskax iyo firfircooni badnaado, kagana fiicnaado waxbarashada, laakiin haddana inta badan waxa ay mooggan …

Read More »

Caruurta Ay Luuqadda Ka Cilladaysan Tahay & Sida Guriga Loogu Daryeelo

Luuqadda cilladaysan, caruurta, shigshiga,

Dadka qaba luuqadda cilladaysan waxaa dhib ku ah iney ismuujiyaan iyo iney fahmaan waxa dadka kale ay dhahayaan, cilladdaan waa mid ka duwan dhibaatooyinka la xiriira hadalka iyo maqalka. Xaaladdaan waxey ku badan tahay caruurta, waxeyna ku sii badan tahay 10 ilaa 15 boqolkiiba caruurta ay da’doodu ka yar tahay 3 sano. Hasa yeeshee luqadda ayaa u soo hagaagta marka …

Read More »