Quruxda

Daryeelka Bishimaha Iyo Cadeynta Ilkaha

Bishimo qalleelku waa dhibaato guud oo noqon karta mid xanuun badan oo aan qurux badanayn. Waxyaabaha sababa waxaa ka mid ah vitamins-ka oo yaraada, fuuqbaxa, bishamaha oo aad loo leefo, qoraxda saaid ka ah iyo qabowga badan. Muuqaalkaan hoose waa qeyb ka mid ah barnaamijka Cooking With Hafza waxaana uu ku saabsan yahay daryeelka bishimaha. Hafza ayaa  kula la wadaagaysa …

Read More »

Sidee Jirkaaga Uga Ilaalin Kartaa Qalaylka Xiliga Winter-ka?

Dad badan ayaa xiliyada qabowga waxay dareemaan qalayl dhanka wajiga, gacmaha iyo lugaha ah. Qalaylka badan waxa uu maqaarka u keeni karaa dildilaac iyo cambaar. Hadaba barnaamijka Cooking With Haza ayaa maanta ku saabsan sida jirka loo xanaaneeyo xiliga qaboobaha iyadoo la isticmaalayo waxyaabo dabiici ah oo jirka qooya isla markaana dhalaal iyo qurux u siyaadiya. Daawasho wacan:

Read More »

Waxyaabo Dabiici Ah Oo Gabadha Arooska Ah Ay Korkeeda Ku Dhaqi Karto

Kusoo dhawaada barnaamijkii Cooking With Hafza iyo qeyb cusub oo ku saabsan sida gabadha caruusada ah ay korkeeda u nadiifin karto iyadoo isticmaalaysa waxyaabo dabiici ah. Waxyaabaha maanta ay Hafza diyaarinayso ee ay tusinayso dumarka Soomaaliyeed ayaa ka kooban sonkorta madow, xulbad, malab, mid ka mid ah saliidaha dabiiciga ah, iyo caano. Ka faaidaysi wacan:

Read More »

Qurxinta Jirka Iyo Sirta Hafza

Kulanti wanaagsan, waa markale iyo cooking With Hafza iyo qeyb kaloo xiiso badan oo ku saabsan qurxinta jirka. Hafza ayaa maanta nala wadaagaysa sida wejiga loogu qurxiyo digirta yaryar ee midabkeedu cagaarka yahay ee loo yaqaan SALBUUKO iyo caanaha garoorka ah. Faaidooyinka dhanka quruxda ee digirta salbuukada waxaa ka mid ah: Waxay kaa baabi’isaa finanka. Waxay la dagaalantaa  duuduubka iyo …

Read More »

Sida La Iskaga Ilaaliyo Duuduubka Ku Yimaada Oogada Sare Ee Jidhka

Sida caadiga ah jidhku waxa u sameeyaa laalaab waana arin dhibaato ku ah dadka oo ayan jeclayn hadana aad arkaysid in ay dadka qaar  la dhibaatoodaan  oo ay u taag laa`yihiin gaar ahaan haweenka oo iyagu aan jeclayn in jidhkoodu kogo ama duuduub yeesho iyaga oo doonayana sidii ay iskaga ilaalin lahaayeen. Si aad uga hortagto Waxad soo qaadanaysaa xoogaa  …

Read More »

Mooska Iyo Faaidooyinka Uu U Leeyahay Jidhka Dumarka

Dumarada inta badan marsada kireemka la farsameeyo ee ay soo saaraan warshadaha si maqaarka wajigooda ayaa kala kulma inta badan dhibaato ayku keenaan kiriimkaa Hadaba hadii aad ka mid tahay dadka mushkiladaasi heysto daryeelmagazine.com ayaa kuu haya qurux dabiici ah oo dib u soo celineysa quruxda wejigaaga, islamarkaana kaa xalineysa dhamaanba cabashooyinkaaga. Isticmaalka mooska wuxuu kaa caawinaayaa finanka iyo nabarada …

Read More »

Baro Sida Loo Sameeyo Carfiye Dabiici Ah Oo Kilkilaha La Mariyo

Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijkii aad wada jeclaydeen ee Cooking With Hafza, Qeybtaan ayaa ku saabsan sida loo sameeyo carfiye dabiici oo la mariyo kilkilaha. Carfiyahaan  ayaa laga samaynayaa kicisada burka (baking soda), saliida qumbaha, saliida loo yaqaan Lavender Essential Oil ee laga soo miiro ubaxa geedka lavender, iyo saliida lawska (almond oil) Ka faaidaysi wacan:

Read More »

Baro Sida Waxyaabo Dabiici Ah La Iskugu Qurxiyo Xiliga Ciida

Ciid wanaagsan dhamaan akhristayaasha qiimaha badan ee ku xiran daryeelmagazine.com. Maanta waxaan halkaan idin kula qeybsanaynaa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijka aad looga wada riyaaqay  ee Cooking With Hafza. Qeybtaan oo ay Hafza Hassan ugu talo gashay ciida ayaa ku saabsan  sida la iskugu qurxiyo shaaha cagaaran ee loo yaqaan “Green Tea” oo lagu darayo malab iyo saliid …

Read More »

Sababaha Ku Kalifa Dumarka Is Cadeynta

‘Doqon iyo habeen ba madow’ had iyo goor halheyskaas ayaan ka maqli jiray markan arko gabar Somali ah oo difaceysa ama ka doodeysa sababtay isku cadeysay. Gabdhaha qoyskeyga waxa u badan midibka maariinka (Brown) ah anagoo ka marneyn midibka madow, si kastoo ahaataba labada midaba kuwo is cadeeyay ayaa ku jiraan. Maxa ku sababa gabdhaha is cadeynta? Runtii hadaan ka …

Read More »

Hababka Dabiiciga Ah Ee Looga Takhaluso Agoolka

Waxaa ishayda ku dhacay maqaal lagu qoray joornaalka caanka ah ee la yiraahdo Readers digest oo soo bandhigay in si dabiici laysaga daawayn karo agoolka (dandruff) oo dad badan dhib ku haya. Inta maqaalkan aanaan u gudbin waxaan idiin soo bandhigayaa waxa keena agoolka marka horaba. Agoolka tinta waxaa keena jeermiga la yiraahdo Funguska oo ku tarma oogada dhalada madaxa. …

Read More »

Dhaqidda Iyo Qurxinta Lugaha Si Dabiici Ah (VIDEO)

Kulanti wanaagsan, waa markale iyo qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijkii aad wada jeclaydeen ee Cooking With Hafza. Barnaamijka maanta waxa uu ka koobanyahay labo qeybood oo kala ah nafaqaynta timaha iyo qurxinta lugaha. Qeybta koobaad ayay Hafsa Hassan  nagu tusinaysaa sida timaha loogu nafaqeeyo mask ka samaysan caanaha qumbaha, avocado iyo saliid saytuun (olive oil). Mask-haan waxyaabaha aad ka …

Read More »

7 Qaab Oo Loo Baabi’in Karo Madowga Kilkilaha

Madowga fuula maqaarka kilkilaha inta badan ma ahan cudur ama xaalad caafimaad darro. Sababaha keena waxaa ka mid ah, xiirida timaha kilkilaha kasoo baxa,  kareemada timaha baabi’iya oo si joogto ah loo isticmaalo, kilkilaha oo aan helin hawo ku filan, unugyada haraga dhintay iyo isticmaalka catarada/baraafuunada ay ku badantahay maadada loo yaqaan alcohol. Si fudud ayaad uga takhalusi kartaa madowga …

Read More »

Sida Loo Baabi’iyo Qalaylka Iyo Dildilaaca Cirbaha

Sababaha keena dildilaaca iyo qalaylka ciribta waxaa ka mid ah qoyaan la’aan, , cunto xumi, gabowga, saacado dhaadheer oo la taagnaado cayilka badan,  xirashada kabo aan ku haboonayn cagaha iyo  inaan si wanaagsan loo xanaanayn cagaha. Dildilaaca cirbaha waxay hoos u dhigaan quruxda cagaha mararka ka qaarna waxay keenaan infekshano balse waxaa lagu daawooyin tallaabooyinkaan daryeelmagazine.com hoos ku xusayo. 1. …

Read More »

Sida Jirka Loogu Qurxiyo Digir Iyo Aloe Vera

Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijkii  aad wada jeclaydeen ee Cooking With Hafsa. Qeybtaan ayaa ku saabsan sida la iskugu qurxiyo digir iyo dacar (aloe vera), alaabtaan ayaa ka mid ah waxyaabaha sirta ah ee ay inta badan isku qurxiyaan dumarka Japanese-ka waxayna isticmaalayeen mudo 1200 sano ku dhawaad ah. Faaidooyinka digirtu ay leedahay …

Read More »

Xulbada iyo Koritaanka Timaha

maxaa timaha bixiya koritaan tinta xulbada timaha

Faaiidooyinka xulbadu ay timaha u leedahay waxaa ka mid ah: -Borotiinka, nicotinic acids-ka iyo maadada lecithinare ee xulbaddu ay hodanka ku tahay waxay timaha ka xoojiyaan salka taasoo ka hortagta inay si fudud ku go’aan. Sidoo kale miraha xulbada waxaa ku jira maadooyin kale oo timaha koriyo isla markaana daadashada ka ilaaliya. -Xulbudu timaha ayay dhalaalisaa. -Waxay u roon tahay tinta …

Read More »