Quruxda

Sirta Quruxda Maqaarka!! Ma maqashay Wali Collagen?

Collagen kollajeen waa maadda “Protein” brootiin ah oo jirkeenna kujira maaddadaa oo qaabilsan arrimo badan sida: Xoojinta maqaarka iyo tinta Xoojinta ilkaha ,cidiyaha iyo lafaha Kobcinta diffaaca jirka Caafimaadka Wadnaha Hadaba sirta quruxda maqaarka inbadan waxa ay kuxirantahay qofka inuu kobcisto maaddadaan, markasta qofka da’diisu korodho waxaa is dhima kollajenka jirkiissa sidaa darteed qofkii calaamadaha gabowga ayaa kusoo dagdaga haddii uusan diffaac galin …

Read More »

Nafaqo Uroon Tinta Jajabaysa

Waa nafaqo dabiici ah oo loogu talo galay iney kaa caawiso tinta jajabaysa taasoo laga samaynayo ukun, saliid macsar, caano qumbe iyo avocado. Ka faa’iidaysi wacan:

Read More »

Dawada Dabiiciga ah ee Agoolka ama Toxobta

Agoolka  waa qolofta ka dhex abuuranta timaha meeshey ka heystaan lafta madaxa. Calaamadaha agoolka waxaa ka mid ah toxob cad oo basada saarsaaran ama tinta ku dhegan iyo basada oo leh cuncun. Agoolka maxaa sabab u ah? Asbaabo badan ayuu leehahay waxaa ka mid ah: Maqaarka oo qallalan (qofka aan saliida isticmaalin) Timaha oo aan si joogto ah loo shanleyn Nafaqo …

Read More »

Jilciso Dabiici Ah Oo Tinta Uroon

Qormadaan waxaan kusoo gudbinaynaa jilciso dabiici ah oo looga maarmi karo daawooyinka kiimikada ah ee loo adeegsado in timaha lagu jilciso kuwaas oo caafimaadka u daran. Alaabta maanta aan idin la wadaadayno waa nafaqo timaha la marinayo. Caruurta iyo dadka waa weyba way anfacaysaa waxaana laga samaynayaa miraha flax seed oo ah nooc ka mid ah dalagyada la cuno taasoo …

Read More »

Ma Rabtaa Wax Dabiici Ah Oo Wajiga Kuu Nuuriya?

Kaarootadu Waxay Ka mid tahay khudaarta qaniga ku ah fitamiinna badan ha ugu horreeyee Vitamin A sidaa darteed waxay in badan ka qayb qaadataa quruxda maqaarka, qofkii marsada wajiga oo kale wuxuu ka helayaa faa’iidooyin badan waxaa kamid ah faa’idooyinkaa : Dhalaal dahabi ah. Nadaafad dheerri ah. Nafaqqo aan la koobi karin. Maqaarka oo noqda smooth . Calaamadaha Gabowga oo …

Read More »

Daryeelka Gacmaha Qalalan

Gacmahaagu waxay ka mid yihiin xubnaha ugu mashquulka badan jirkaaga, waxaad u udeegsataa howlo badan maalin kasta. Dad badani gacmahooda sii fiican uma daryeelan waxayna taasi u horseedaa gacmo engegan oo u eeg inay duqoobeen. Waxyaabo badan ayaa keeni gacmo qalaylka, waxaa ka mid ah hawada qalalan, qoraxda oo jirka gubta, gacmaha oo dhaqidda laga badiyo, iyo hawada qabow. Waxaa …

Read More »

Daldaloolada Wajiga (Open Pores)

Daldaloolada wajiga waxay qofka ku beeraan walaac dhanka quruxda ah, Haddi daldaloodu ay xirmaan waxuu qofku isku arkaa burooyin iyo  finan waa weyn oo dheecaan leh gaar ahaan qofka jirkiisu yahay nooca saliida leh. Saliid, bakteeriyo iyo wasakh ayaa gala oo xiri kara daldaloolada, burooyinku (blackheads) waxay ka dhigaan daldaloolada kuwo si fiican loo arki karo oo waa weyn. Waxyaabaha …

Read More »

Sida Ilkaha Loogu Caddeeyo Dhuxusha

Waxaa jira dad badan oo raadiya siday ilkahooda u caddeyn lahaayeen, hadaba Hafza ayaa inoo tilmaamaysaa hab sahlan oo ilkaha loo caddeyn karo isla markaana kharash badan uusan kaaga baxayn Habkaan waa mid dhaqan inoo ah oo mudo dheer dadkeenna Soomaaliyeed adeegsan jireen balse reer galbeedku dhawaan ay bilaabeen, Waa sida ilkaha loogu caddeeyo dhuxusha. Dhakhaatiirta ayaa sheega inay dhuxushu …

Read More »

Sida Loo Cadeeyo Madowga Nabraha Wajiga (BLACK SPOTS)

Waxaa jira siyaabo badan oo loo baabi’in karo dhibcaha madow ee ka dhashay nabraha. Sababaha keeni kara madowgaan waxaa ka mid ah qorraxda oo jirka gubta, Hormoonada jirka oo aan isku dheelitirneyn, uurka, daawooyinka qaar, fiitaminnada oo qofka ku yaraada, hurdo la’aanta iyo stress-ka. Dawo guri dabiici ah oo lagu cadeeyo madowga nabraha wajiga (Black spots): Biyaha liin dhanaanta: Waa …

Read More »

Daryeelka Wajiga Ee Subaxdii (KOBCI QURUXDAADA)

Subixi marka so kacdo ka bilaaw inaad cadeyso ilkahaaga waa tan ugu muhiimsan inaad sameyso. 2. Wajigaga inaad nadiif ka dhigto adigoo isticmaalaya face wash ama cleanser tani wsa muhiim hadii ad rabto waji qurxoon waa inad ku dadaasha inuu wajigaga nadiif ahaado. Haku seexan turukada ama make up ka. 3. Subixi ku biloow biyo inaad cabto adigoo waxyar oo liin …

Read More »

Sidee La Iskaga Ilaalin Karaa Bararka Iyo Madowga Indhaha Hoostooda

Bararka iyo madowga indhaha hoostooda ayaa kuu ekaysiinaya qof wayn oo da’daada mid ka wayn ka muuqato.  Sidoo kale waxay muujinaya inaad rafaadsantahay ama xanuunsan tahay ama inaad u baahan tahay nasiino badan. Sababaha ugu waayn ee keena madowga indhaha hoostooda waxaa ka mid ah hurdo la’aanta, welwelka, biyo ku filan oo qof uusan cabin iyo oohinta badan. Sida ugu …

Read More »

Tallaabooyin Muhiim Ah Si Aad U Daryeesho Jidhkaaga Ka Hor Hurdada

Waxa ay sheegay majaladda BRIGITTE ee Jarmalka ah ee haweenka in talooyin dhowr ah ay tahay in ay raacaan haweenku ka hor inta aynan u seexan,tasoo gacan ka gaysanaysa inay ilaaliso dhallinyarnimadeeda. Iska Maydh Make-up Ka ama waxyaabihi aad ku quruxisay wajigaaga aadoo isticmaalaya biyo qandac ah. 2. Isticmaal habeenkii cream/labeenta jidhka ayaa ah mid leh faa’iidooyin aad u ballaadhan …

Read More »

Noocyo Cuntooyinka Ka Mid Ah Oo Ilkaha U Keeni Kara Midabka Jaallaha

Ilkaha bani adamka quruxdooda waxay kujirta inay midabka cad ay lahaadaan markasta, waana meelaha ugu muhiimsan ee qofka muuqaalkiisa laga qiyaas qaato , qofka kula hadlaaya si toos ah waxa uu ufiirinaya ilkahaaga iyo afkaaga hadaba si aad u ilaashato dhoolacadeyntada qurxoon iska yaree qaadashada cabitanadaan iyo cuntooyinkan soo socda : 1-Shaaha:  Inkasta  cabbida shaaha waa mid aad u wanaagsan …

Read More »

Scrub Korka U Fiican

scrub korka u fiican cooking hafza

Kulanti wanaagsan, Cooking with Hafza maanta waxay idiin haysaa scrub korka u fiican oo gacmaha iyo wajiga lagu nadiifin karo. Scrub-kaan waa mid dabiici ah waxaana uu maqaarka ka ilaaliyaa qalaylka. Scrub-kaan diyaarintiisu way sahlan tahay waana mid aad u udgoon oo aad bogi doontid caraftiisa waxaa laga samaynayaa alaab ka kooban: Oranji Nutmeg Sonkor Biyo Dheg0 yare Casiirka liin …

Read More »