Siyaabaha loo daweyn karo:
Mar kasta oo goor hore la ogaado dhibaatada hadalka ka haysata ilmaha, waxaa fududaada daweynta, waayo in waqti hore xaaladda wax laga qabto ayaa ka fudud in goor dambe lala tacaalo. Sidaas awgeed waalidku waa in uu si dhow ula socdo xaaladda ilmihiisa.
Hababka caawin kara in ilmaha laga daweeyo xaaladdan waxaa ka mid ah:
1. Waa in waalidku uu waqti badan siiyo ilmaha, xidhiidh fiican iyo sheeko joogto ahna la wadaago, si xaaladda goor hore loo ogaado.
2. In goor hore dhakhtar la tuso si uu u hubiyo sababta keenaysa dhibaatadani in ay tahay nafsi ama mid jidheed. Kaddibna uu dawada ku habboon iyo talada saxda ah u bixiyo.
3. In ilmaha loo geeyo dhakhtar ama xeeldheere kale oo ku tababara hadalka, iyo wanaajinta xirfadda hadal iyo dhismaha luuqadeed ee ilmaha. Sida oo kalana waalidka uu siiyo talooyin ku aaddan habka ay ilmaha u caawin karaan.
4. In waalidku uu ilmaha u sheekeeyo, laga bilaabo marka uu naaska nuugayo, illaa inta uu hadalka si buuxda u keenayo. Waa in uu noqdo la sheekaysi dhiirrigelin ah oo ilmaha ku abuura kalsooni uu odhan karo ereyga, xitaa marka uu ka shakisan yahay in uu sax yahay.
5. Waxaa fiican in waalidku uu ilmuhu inta uu aad u yaryahay u bilaabo u akhriska buuggaagta sheeko carruureedda ah. Waxa kale oo muhiim ah in ilmaha lagu dhiirrigeliyo daawashada Sawirrada maskaxdiisu qaadi karto, gaar ahaan kuwa ku jira buugta akhriska ee da’diisa loogu talagalay.
Waalidku ilmaha marka uu sawirka tuso waxaa fiican in uu u raaciyo xaraf calaamad u noqon kara sawirka, tusaale ahaan in uu u sheego xarafka ugu horreeya magaca sawirka. Sida buugga in uu ku yidhaahdo, ‘Bbb’
Waxaa iyaduna fiican in ilmaha la dhegeysiiyo heeso carruureedka da’diisa ku habboon, laguna dhiirrigeliyo in uu xafido.
6. Waa in ilmaha joogto loogu sheego ereyo nolol maalmeedka ka mid ah, tusaale ahaan marka uu suuqa kuu raaco u sheeg magacyada waxyaabaha ku cusub ee uu arko. Kala bar alaabta guriga taalla iyo cuntooyinka, haddii uu gaadhay da’ fahmi kartana u sheeg waxa uu shay kastaa qabto, waa hab fiican oo ilmaha lagu bari karo ereyo cusub.
Mar kasta oo ay bataan ereyada uu qofku afkaas ka yaqaanno, waxaa u fududaada ku hadalka afkaas.
7. Waalidka iyo qofka weyni waa in aanu ilmaha kula hadal af ciyaal, tusaale ahaan ereyo jajaban ama xarfaha qaar laga tegey. Iska jir in aad ilmaha ula hadasho sida uu isagu u hadlo, waa in lagula hadlaa hadal sax ah oo dhammaystiran, laakiin loogu dhawaaqayo qaab tartiib ah oo uu fahmi karo.
8. Waa muhiim in ilmaha la dhegeysto marka uu doonayo in uu kula hadlo, lagana dheeraado in hadalka laga jaro, sida dhacda marka uu waalidka, macallinka ama qofka weyni mashquulsan yahay.
9. Iska jir in dadka waaweyn ama xitaa carruurta kale ay ilmaha ku qoslaan marka uu ereyada si qaldan ugu dhawaaqo ama kari waayo. Sida oo kale waa in aanu ilmuhu dareemin in la xaqiray ama in aan la canaanan marka uu ku hadlo ereyo kala dhiman ama uu si qaldan ugu dhawaaqo, marka uu kari waayo, iwm.
10. Ilmaha hadalku ku adagyahay waa in lala ciyaarsiyo carruurta da’diisa ah, sida oo kalana la siiyo waqti uu kula ciyaaro, kulana sheekaysto.
Sida oo kale waxaa muhiim ah in Ilmaha hadalku ku adagyahay lala ciyaarsiiyo ama lagu daro carruurta da’ ahaan ka yara weyn ee hadalku u dhammaystiran yahay, si uu ugaga daydo hadalka, isuguna kallifo in waxa uu doonayo uu iyaga fahamsiiyo.
WAXAA JIRTA MAR DIB U DHACA HADALKU UU CALAAMAD U YAHAY ARRIN AAD U FIICAN LA SOCO QAYBTA XIGTA.
W/Q: Kamaal Marjaan