Sida caadiga ah sannadka koowaad ayaa uu ilmuhu bilaabaa isku dayga hadalka ah ereyo iyo xarfo dhawaqoodu fududyahay, tusaale ahaan ‘Baaba’ ama ‘Maama’, iwm. Marka uu 3 jir gaadhana waxa uu bilaabaa in uu hawraar iyo ereyo macne buuxa leh yidhaahdo.
Da’ kasta iyo hadalka ilmaha laga filayo:
– 9 Bilood:
Codad hadal u eeg, laakiin aan macno samaynayn, waxakale oo uu yidhaahdaa, ‘Baaba’ iyo ‘Maama’.
– 12 Bilood:
Waxa uu si buuxda ugu baraarugsanaadaa hadallada iyo dhawaaqyada hareerihiisa ka baxaya, waxa aanu kala bartaa magacyada walxaha, caanka ah, sida albaab, koob, iwm, oo dabcan aanu sida saxda ah ugu dhawaaqi karin. Waxa kale oo dhacda in ilmuhu uu dhugmo u yeesho hadallada iyo codadka laakiin aanu la falgelin. Tan dambe sababteedu waxa ay noqon kartaa ilmaha oo dhego culus ama maqalkiisu aan sax ahayn, sidaas awgeed waa in dhakhtar la tuso.
– 12 – 15 bilood:
Waxa uu isku dayaa in uu keeno dhawaqa xarfaha sida, ‘Bbbb’ , ‘Mmm’, ‘Ddd’, ‘Nnnn’ iwm. sida oo kale waxa uu bilaabaa ku dayashada codadka iyo ereyada uu maqlo.
Da’dan waxaa iyaduna muhiim ah in ilmuhu uu awood u yeesho fahamka iyo fulinta tilmaamaha iyo amarrada fudud ee fal keliya uu kaga jawaabi karo sida, ‘Keen kubadda?’ Muhiimna ma’aha in uu hadal ku jawaabo, balse waxaa muhiim ah in uu keeno, waxa loo diray.
– 18 – 24 bilood:
Carruurta badankooda, (Laakiin kuligood ma’aha), da’dan waxa ay awoodaan in ay yidhaahdaan hadal qiyaas ahaan illaa 20 erey ah.
– 2 jir:
Da’dan waxa uu ilmuhu awoodaa in uu ku hadlo hadal 50 erey iyo ka badanba ah. Waxa kale oo uu awood u yeeshaa in uu kelmadaha isugu dardaro si sax ah, si uu hadallo kookooban u dhiso.
Sida oo kale marka uu ilmuhu laba jir yahay waa in uu garto waxyaabaha caanka ah, tusaale ahaan in uu garto, marka la weydiiyo, ‘Sankaagii mee?’ iwm.
Si kastaba ha ahaato ee waxaa mararka qaarkood dhacda in hadalku uu ka dib dhaco ilmaha. Carruurta qaarkood waxa ay ku gaadhaan laba jir, kuwo kalana waa ay ka sii bataan.
Dib u dhaca hadalku waxa uu noqon karaa in ilmuhu uu ereyada ku dhawaaqistooda kari waayo, in luuqadda uu si sax ah ugu hadli kari waayo, in uu awoodi kari waayo in waxa uu sheegayo uu luuqad sax ah ku cabbiro, ama in hadalka oo dhammi ka dib dhaco.
Haddaba maxaa lagu garan karaa in ilmaha ay haysato dhibaato caawimo caafimaad u baahan oo dhinaca hadalka ah.
Calaamadaha muujinaya in ilmaha ay dhibaato ka haysato hadalka
Haddii aad ilmaha ku aragto calaamadahan hoose, waa in aad u aqoonsato in dhibaato dhinaca hadalka iyo dhawaqa ahi ay haysato:
1. Haddii ilmaha oo 18 bilood jiray aanu weli awoodayn in uu ereyada qofka weyn ka daba yidhaahdo, ama uu fahmi waayo ereyada fudud.
2. In ilmaha oo 2 sanno gaadhay, aanu haddana baahidiisa si toos ah ereyo ugu cabbiri karin.
3. Haddii ilmaha oo laba sanno gaadhay aanu ereyo samayn karin, ereyo kooban oo keliya uu ka daba odhan karo qofka.
4. In ilmuhu ereyo macno leh oo caan ah ku dhawaaqi kari waayo illaa uu 3 ama 4 sanno gaadho, waa calaamad muujinaysa in xaalad caafimaad darro ay jirto.
5. Haddii ilmaha oo 5 sanno gaadhay u weli dhawaqu ku adagyahay, taas oo keenta in dadka ay ku adkaato in ay fahmaan.
6. Ilmuhu haddii isaga oo 4 jir ah si buuxda loo fahmi waayo ereyada uu ku hadlayo, xitaa dadka aan garanayn ama hore ula dhaqmin, waa calaamad caafimaad darro.
Sababaha keeni kara in ilmaha uu hadalku ka dib dhaco:
Sababo jidheed:
1. Cillad abuur oo afka gudihiisa ama carrabka ah, taas oo caqabad ku ah dhaqdhaqaaqa carrabka oo hadalka soo saari lahaa. Tusaale ahaain in uu faruur leeyahay, ama ‘Carrabku uu dabranyahay (lingual frenulum / tongue-tie).
2. Dhibaato ku jirta maskaxda qaybaheeda hadalka ka masuulka ah, taas oo afka gudihiisa, daanka ama carrabka ku abuurtay mushkilad u diidaysa in uu ereyada ku dhawaaqo, ama diidaysa in qofku awood u yeesho isku xidhxidhka ereyada.
3. Sida oo kale xidhiidh weyn ayaa ka dhexeeya dhibaatada dhinaca maqalka iyo dib u dhaca hadalka. Sidaas awgeed ilmaha uu hadalku dib uga dhaco waa in la tusaa dhakhtar hubiyaa maqalkiisa.
Sababo nafsadeed:
1. Hab dhaqanka uu ilmuhu kala kulmo dadka ku xeerani waxa ay saamayn togan ama taban ku leedahay koritaankiisa maskaxeed, caafimaadkiisa dhimirka iyo xaaladihiisa nafsadeed. Tusaale ahaan haddii uu quudhsi, canaan badan, iyo fogeyn iyo ereyo hiif ah joogto ugala kulmo, waxa ay ku keeni kartaa in uu hadalka iska diido ama joojiyo cabsi awgeed.
2. Haddii ilmuhu uu cabsi nafsiya qabo, tusaale ahaan cidda korinaysa ama waalidka uu ciqaab badan ku qabo, waxa ay ku yeelataa xaalad nafsadeed oo sabab u noqota in uu hag-hago yeesho, ama kelmadaha qaar uu jaro isaga oo aan dhammaystirin xarfihii kelmaddu ka koobnayd.
3. Haddii aabaha iyo hooyadu laba af ku kala hadlaan, waxaa ilmaha ku dhaca af lun sababa in hadalku ka dib dhaco ama afka uu ku hadlayaa uu iin yeesho, tusaale ahaan dhawaqa ereyada oo uu qaldo, isticmaalkooda iyo dhismaha hawraarta oo uu qaldo iwm.
Akhriso: Astaamaha Ilmaha Qaba Cillada Awtisimka (Autism) Iyo Asbaabaha Keeno
LA SOCO QAYB KALE IYO SIYAABAHA XAL LOOGU HELI KARO XAALADDAN…
Qore: Kamaal Marjaan