Gaaska caloosha (Gaastiriig) ayaa kamid ah xanuunada ugu badan ee ku dhaca dheefshiidka. Caloosha ayaa ka kooban qaab dhismeedyo kala duwan, waxaana uu caabuqa saameeyaa xuubka ugu koreeya ee gudaha caloosha. Xuubkaan ayaa ah midka ugu khafiifsan marka loo eego qaab dhismeedyada kale ee caloosha. Caabuqa ku dhaca caloosha ayaa loo qaybiyaa laba qaybood kuwaaso kala ah, Caabuq ku dhaca si degdeg ah iyo mid soo jiitama ama soo socday xiliyo kala duwan sida sanad oo kale. Guud ahaan labada nooc ee caabuqa caloosha ayaa wadaaga calaamado isku mid ah walow ay ku kala duwan yihiin saaamaynta caafimaad ee ay reebi karaan.
Sababaha gaastriig
Caabuqa ku dhaca caloosha ama gaasiriig ayaa leh sababo kala duwan oo loo aanayn karo, waxaa kamid inay khafiif saa’id ah noqoto xuubka caloosha kaasoo ay sahal noqonayso inuu dhaawac kasoo gaaro dheecanada qaabilsan dheefshiidka sida aashatada loo yaqaano Hydrochloric Acid. Dhaawac soo gaara xuubka kore ee caloosha ayaa keenaya inuu ka dhaco caabuq kaasoo u jeedadiisu tahay la dagaalanka dhaawaca iyo waxa keenayba. Sida caadiga ah xuubka kore waxaa ku dahaaran qaab dhismeed u samaysan sida xabagta kuwaasoo ka difaaca in dheecanada dheefshiidku ay gaarsiiyaan wax dhaawac ah. Hadii ay yaraadaan qaab dhismeedyada u qaabilsan difaaca xuubka, waxaa xuubka soo wajahaya inuu dhaawac kasoo gaaro dheecanada dheefshiidka kaasoo ugu danbayn keenaya caabuq.
Caabuqa caloosha ayaa waxaa kaloo saba nooca bagteeriyada ee loo yaqaano helicobacter Pylori. Bagteeriyada noocaan ah ayaa kamid ah bagteeriyada ku dhex nool dheefshiidka taasoo aan wax dhib ah u geysan qofka ilaa ay ka baxdo booska ay sida saxda ah ugu nooshahay. H.pylori waxay kaloo masuul katahay inay sababto xanuuno kala duwan oo ku dhaca caloosha sida boogaha ama alsarka ku dhaca dhinacyada caloosha. Qodobada kale ee loo aanayn karo caabuqa caloosha ayaa waxaa kamid ah isticmaalida joogtada ah ee daawooyinka qaarkood sida Aspirin iyo ibuprofen, isticmaalidda tubaakada iyo da’da weyn.
Astaamaha gaaska caloosha (gastritis)
Astaamaha caabuqa caloosha ayaa noqon kara mid aan wax weyn ka duwanayn lab jeexa iyadoo ay u kala duwanaan karaan sida qof walba u dareemo. Waxaa kamid ah astaamaha caanka ah ee xanuunkaa,n:
- Lalabo
- Matag
- Dibiryo
- Shuban
- Xanuun laga dareemo ubucda kore ee caloosha
- Abiteet xumo
- Dharag laga dareemo qaybta kore ee caloosha
- Cunada oo la naco iyo awood yari ay keeneen matagga iyo shubanku.
Baaritaanka xanuunkaan ayaa ah mid aad usahlan, waxaana lagu ogaan karaa iyadoo uu dhakhtarku adeegsanyo warbixinta bukaanka, calaamadaha laga arki karo bukaanka, iyo baaritaano isagu jira dhiig, saxaro iyo camerada lagu eego caloosha.
Daaweynta gaaska caloosha
Daaweynta gaastiriig ama caabuqa caloosha ayaa ku xiran hadba waxa sababa, tusaale hadii caabuqa uu keeno infekshin waxaa loosii kala qaadayaa nooca uu yahay ilmaqabada sababay xanuunkaan sida bagteeriya ama feyrus kuwaaso loo daweeyo qaabab kala duwan. Sida caadiga ah ee bukaan walba loo daweeyo ayaa waxaa kamid ah in la saxo dheecaanada faraha badan ee jirkiisa kabaxay, in la yareeyo ama la barxo ashaatada lagusoo daynayo caloosha iyo hunguriga iyo in bukaanka loo qoro nasniino. Waxaa jira daawooyin kala duwan oo loo adeegsan karo daweynta xanuunkaan. Caabuqa caloosha maahan xaalad halis ah balse hadii aan la daweyn waxuu keeni karaa xaalado kale ee khatartooda leh sida boogta caloosha ama kansarka ku dhaca caloosha.
Akhriso: Boogaha ama Nabarrada Caloosha (Peptic Ulcer)
Cunnooyinka lagula tacaalo gaaska caloosha:
Boorashka:
Boorashku wuxuu nuugaa aashitada caloosha, sidaas darteed wuxuu yareeyaa gaaska. Boorashka waxaa la aaminsan yahay inuu yahay cunnada ugu wanaagsan ee ay tahay inay ku quraacdaan dadka gaaska qaba.
Sabiibka:
Walxaha sunsaarista ee ku jira miraha sabiibka waxay nuugaan aashitada badan ee caloosha, iyagoo si dabiici ah hoos u dhiga gaaska iyo laab jeexa.
Sanjabiisha qoyan:
Waxay hoos u dhigtaa laabjeexa iyo dareeraha kulul oo qofka ku soo rogmada weliba marka qofku uu cuno cunnada gaaska kicisa. Shaaha sanjabiisha leh ayaad cabbi kartaa, ama kaarooto ayaad ku shiidan kartaa, iyadoo sideeda ahna waad calaalin kartaa.
Dacarta:
Dacarta waxaa lagu daweeyaa gaaska boogta ee raysan waayay. Dacarta sideeda ha u ticmaalin ee raadso midda la sifeeyay ee farmashiyeyaasha lagu iibiyo.
Mooska:
Moosku waxa uu ka mid yahay cunnooyinka yareeya gaaska, wuxuu dejiyaa calooshaa, waana lur bi’iye.
Qajaarka:
Wuxuu ka mid yahay khuddrada la isku qaboojiyo, wuxuuna yareeyaa gaaska.
Lawska:
Lawska waxa ku badan dufanka omega 3 oo dheellitira heerka aashitada caloosha, islamarkaana yareeya gaaska iyo laab ololka.
Biyaha qumbaha:
Biyaha qumbuhu waxay daawo u noqon karaan gaaska. Waxaa ku jira fiitamiinno iyo macdano caloosha ka caawiya gaaska.
Babaayga:
Waxaa ku jira maadada “beta carotene”, wuxuu daweeyaa cilladaha dheefshiidka, wuxuuna yareeyaa acid-ka caloosha.