Calaamadaha Xanuunka Xasuusta Dila Ee Alzheimer’s

xanuunka xasuusta, alzheimer's, cudurka maskaxda

Xanuunka xasuusta dila ee loo yaqaanno “Alzheimer’s Disease” wuxuu ku dhacaa maskaxda. Kedib dhimashada unugyada maskaxda waxey sababtaa xasuus la’aan iyo maahsanaan. Xanuunkan si tartiib ah ayu ku bilowdaa kadibna si daran ayuu ugu faafaa dhamaan maskaxda qofka.

Maxaa sababa xanuunka xasuusta dila ee alzheimer’s?

Sida lagu yaqaan noocyada ama qeybaha kale ee ilowshaha dadka ku dhaca, cudurkaan wuxuu ka bilowdaa in unugyada yar yar ee maskaxda aadanahu ay ka sameysan tahay ay dhintaan, dhimashadaas oo ah mid si joogta u socota kuna faafta dhamaan maskaxda qofka oo dhan.

Maadaama faafida cudurkaan ay tahay mid si deg deg ah ku dhacda waxaa si joogta ah u yaraanaya cabirka iyo culayska maskaxda qofku ay ka koobnayd, waxaa meesha kabaxaya unugyo badan oo maskaxdu ka koobnayd kuwaas oo ka qayb qaadan jiray shaqada xad dhaafka ah ee maskaxdu u qabato aadanaha.

Calaamadaha lagu garto cudurka Alzheimer

Calaamadaha ugu horeeya ee lagu garto cudurkaan waxaa kamid ah ilowshaha, waxaan ognahay in ilowshuhu uu yahay wax dad badan dhib ku haya una diida inay shaqooyin kooda caadiga si fiican u qabsadaan sababtoo ah xusuusta oo yaraata waxay qofka ka dhigtaa mid aan garan karin meesha wax ay u marayeen. balse ilowshaha uu keeno cudurkaan way ka duwan tahay ilowshaha caadiga oo mar mar dadka ku dhaca.

Dadka qaba cudurka xusuusta baabi’iya ee Alzheimer’s waxaa lagu gartaa xusuusta oo si joogta ah uga maqan, ilowshaha waxyaalaha fud fudud oo qofku maalin walba xusuusnaan karo sida, taariikhda, maalmaha, meesha uu qofku joogo iyo dadka magacyadoda.

Calaamadaha kale ee lagu garto waxaa kamid ah: Qofka oo aan awood u lahayn inuu ka jawaabo

  • Su’aalo badan
  • La sheekaysiga dadka
  • Qofka oo alaabihiisa khaaskaa meesha uu dhigo aan soo xusuusan karin
  • Ilowshaha balamaha
  • Qofka oo aan kala garan karin meesha uu joogo ama marayo taasoo sababi karta in qofku ku dhex dhumo magaalada.

Mar marka qaarkood marka cudurkaan kusii faafo qofka waxaa lagu arkaa bukaanka calaamado khatar ku ah nabad galyada bukaanka sida:

  • qofka oo aan kala garan karin meesha iyo waxa khatarta ku noqon kara noloshiisa
  • Go’aan qaadasho la’aan
  • Qofka oo aan maamuli karin lacagtiisa iyo guud ahaan hantidiisa
  • Qorshayn la’aan
  • Wax akhriska iyo qorida oo ku adkaata qofka
  • Dabeecadaha iyo dhaqankii horay loogu yaqaanay qofkaas oo isbadala.

Dhamaan calaamadahaas waa kuwa lagu garto qofka qaba xanuunka xasuusta dila ee Alzheimer’s. balse waxaa khuburada caafimaadku ay isku raaceen in calaamada ugu muhiimsan ee lagu garto qofka qaba cudurkaan ay tahay ilowshaha siiba marka qofku uusan awoodin inuu wax cusub barto ama uusan soo xasuusan karin wax horay loogu sheegay waqti aan fogayn.

Noocyada xanuunka xasuusta dila

Cudurkaan waxaa loo qaybiyaa saddex marxaladood.

  • Precelical: waa marxalada koowaad ee cudurku ku bilowdo, badanaa wax calaamad ah laguma arko qofka, qofkuna wuxuu u dhaqmayaa sida caadiga ee awal uu u dhaqmi jiray.
  • Mild cognitive impairment: Marxaladaan waxaa jira isbadal yar waxaana jiri kara calaamado bilow ah.
  • Dementia: Waa marxalada ugu danbaysa oo cudurku gaaro, Demenshiya waa ilowsho siyaadaa oo qofka ku khasbaya inuu dhakhtar u tago si xaaladiisa sii xumanaysa wax looga qabto.

Maxaa ka qayb qaadan kara in khatarta cudurkaan sii kororto?

Waxaa jiri kara cuduro ama xaalado caafimaad oo si fudud u la xiriiri kara cudurkaan kuwaas oo hadii lala dagaalamo ama laga hortago yarayn kara khatarta cudurkaan. tusaale ahaan yaraynta khatarta cudurada sonkorta iyo dhiigkarka ama cudurada wadnaha ku dhaca waxay qeyb libaax leh ka qaadan karaan in lala tacaalo bukaanka qaba cudurka xasuusta baabi’iya.

Hadaba marka kuwaas laga soo tago waxaa jira qodobo kale oo saamayn toos ah ku leh curashada ama bilowga cudurkaan kuwaas oo aan marnaba ka hortag lahayn waxaa kamid ah;

  • Da’da: Cudurkaan wuxuu badanaa ku dhacaa dadka gaboobay taasoo ah wax aan laga hortagi karin maadaama gabawgu yahay wax aan daawo lahayn.
  • Qoyska ama reerka qofku ka dhashay oo dhaxal ahaan isugu gudbin kara.
  • Dadka qaarkood waxay leeyihiin hidda sidde (apolipoprotein E gene)  sii kordhin kara in qofka uu ku dhaco xanuunkaan.

Mala dawayn karaa cududurka Alzhemer’s?

Waqtigaan hada ah majiraan wax dawo ah oo lagu daweeyo cudurka alzheimer’s, balse waxaa jira dawooyin yarayn kara calaamadaha qofku ka sheegto kuwaas oo bukaanka sahal uga dhigaya inuu cudurka la noolaado, iskuna dayo inuu qabsado waxyaalaha fudfudud .

Dawooyinka hada loo isticmaalo cudurkaan maahan kuwa joojin kara koritaanka cudurka balse waxay yarayn karaan faafida deg dega ah ee cudurku ku faafayo maskaxda.

Check Also

hurdo yaraanta, hurdo la'aanta

Xanuunnada Iyo Cilladaha Laga Qaado Hurdo Yarida

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *