Calaamadaha Waaweyn Ee Lagu Fahmo Haddii Jirkaaga Ay Sun Ka Buuxdo

Ma isku aragtay daal iyo burbur joogto ah oo bilaa sabab ah? Hagaag, haddii howlo fudud ay kugu sababayaan daal badan, tani waxay tilmaan u noqon kartaa in jirkaaga ay sun ku jirto.

Astaamaha kale waxaa ka mid ah; heerka tamarta oo hoos u dhaca, cillado dheefshiidka ah, isbedellada niyadda oo la xakamayn karin iyo xittaa madax xanuun.

Sidee jirka sunta looga sifeeyaa?waxaa waajib ah in qofku ka fogaado maadooyinka sunta ah sida sigaarka, cunista cunnooyinka qashinka (junk foods), inuu sameeyo jimicsi joogto ah, qaadashada khudradaha jirka sunta ka saara, soonka iyo biyo cabbista oo la badsado ayaa ka mid ah hababka ugu haboon ee jirka sunta looga nadiifin karo.

Balse marka hore sidee ku ogaan kartaa in jirkaaga ay sun ku jirto? Waxaa jira calaamado badan oo tilmaamaya hadii jirka ay sun ku jirto. Hadaba qoraalkan waxaan kaga hadlaynaa calaamadahaas.

Burbur iyo daal:

Haddii aad isku aragto daal markasta ah, tani waxay calaamad u noqon kartaa in sun ay ku jirto jirkaaga. Sunta waxay daalisaa jirka, taas oo qofka ku keenta burbur joogto ah.

Hurdo la’aan:

Suntu waxay yaraysaa heerka hormoonka melatonin ee jirka, kaas oo hurdada qaabilsan. Hormoonkan oo jirka ku yaraada waxay keentaa hurdo la’aan. Haddii jirkaaga aad sunta ka nadiifisid waxay soo celinaysaa hurdaadii fiicnayd iyo xasiloonidii habeenkii.

Isku-dhexyaac maskaxda ah:

Sunta qaar waxay saamayn ku yeelan kartaa xaaladaha maskaxeed ee qofka, tani waa sababta aad u dareemaysid isku dhexyaac iyo wareer.

Xayrta fuusha caloosha:

Sababaha keena dufanka ku uruura caloosha iyo dhinacyadeeda waxaa ka mid ah walwalka iyo stress-ka. Suntu waxay jirka ka hor istaagtaa inuu nidaamiyo heerka sonkorta iyo dufanka dhiigga, taas oo keenta in dufan uu ku ururo caloosha.

Kulayl xad dhaaf ah

Marka jirka ay sun ka buuxdo, wadnuhu wuxuu ku qasban yahay inuu shaqada kordhiyo taas oo horseeda kulayl xad dhaaf ah. Tani waxay kordhinaysaa dufanka jirka. Dhididku waa hab dabiiciya oo jirku sunta iskaga saaro. Kulaylka xad dhaafka ah waa mid ka mid ah calaamadaha waa wayn ee ee lagu garto in jirku u baahan yahay sunsaaris.

Cillado xameetida ah:

Shaqada ugu weyn ee xameeetida waa keydinta iyo soo daynta dheecaanka bayl (bile) waqti munaasab ah si dheefshiidka loo fududeeyo. Soo deynta bayl xad dhaaf ah waa tilmaan muujinaysa in ay sun ka buuxdo jirka. Tani waxay kordhisaa halista dhagaxaanta xameetida.

Midabka carrabka oo isbeddela:

Qofka ay wanaagsan tahay xaaladiisa caafimaad waa in midabka carrabkiisu uu noqdo basali furan (midabka ubaxa oo kale) isla markaana laga dareemayo dahaar khafiif ah oo midabkiisu caddaan yahay, Haddii jirka ay sun ku ururto midabka carrabku wuxuu isu beddelaa cadaan kaliya ama huruud (jaalle) urta neeftuna way xumaataa.

Madax xanuunka joogto ah

Madax xanuunka joogtada ahi waa astaan kale oo muujinaysa in sun ay ka buuxdo jirka waana diginin ku tusinaynaysa in uu jirku u baahan yahay sunsaaris.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *