Waxaa jira dhowr calaamadood oo lagu garto inay haweeneydu uur qaadday, ha yeeshee calaamadahaasi middoodna keligeed kuma filna inay tusaale cad u noqoto jiritaanka uurka, balse waa in la helaa iyaga oo isku duuban si loo hubiyo in uur jiro.
1- Caadada oo istaagta:- Calaamooyinka lagu garto uurka bilawga ah tan ugu caansan, uguna saxsani waxa weeye caadada oo joogsata. Ha yeeshee, haddii ay dhacday faxlistu waxyar kahor imaatinka dhiigga caadada, waxa suuragal ah inuu dhiiggaasi caadadu soo laabto bisha dambe, sababta oo ah xawadii u gudubtay ilma-galeenka ayaa dul meereysanaysa ugxan-sidaha iyada oo sugaysa ugxan soo baxda, taasi oon soo baxaynin ilaa ilma-galeenku dubka rogto xilliga caadada.
Haddaba waxaa laga yaabaa inay galmadu dhacday kahor dhiigga caadada, ha yeeshee faxlistu ay dhacday dhiiggaasi kadib. Arrintaasi dumarku ma garanayaan mana rumaysanayaan, iyada oo middood kolka dhakhtar ku yiraahdo uur ayaad leedahay, ku qaylisa (suuragal ma aha , caadaaba iga timid galmadii kadib eh sideen uur ku yeelan karaa?). Waxaa marmar dhif ah dhacda in dumarka qaar ay dhowr jeer caadadu ka timaado inta ay uurka leeyihiin, ha yeeshee sida caadiga ah caadadu waa ay istaagtaa kolka uurku billowdo.
Guud ahaan haweeneyda uu waqtigeeda caadadu u jadwalaysan yahay waxay xaq u leedahay inay isu qaadato qof uur leh kolka uu dhiiggu ka soo daaho waqtigii uu ka imaan jiray.
2- Matagga subaxdii:- Matagga subaxdii ay haweeneydu matagto waa calaamadda labaad oo lagu garan karo uurka. Uurjiifku waxa uu ka samaysmaa ugxanta hooyada iyo xawada aabbaha. Haddaba maadaama dhismaha borotiineed ee xawadu uu ka duwan yahay kan jirka haweeneyda, waxaan shaki ku jirin in ay xawadu ku tahay jirkaasi soo galooti, taasi oo markaasi keenta in haweenka badankoodu ay ku sumoobaan usbuuca ugu horreeya uurka. Jirka haweenku maalintii waa uu u adkaysan karaa sunta soo galootiga ah maadaama kilyaha, sambabada iyo qanjirrada dhididku ay si wanaagsan u shaqaynayaan, ha yeeshee kolka habeenkii shaqada xubnahaasi ay yaraato, suntii ayaa ku ururaysa dhiigga, kolka ay haweeneydu subaxdii hurdada ka toostana waxay billowdaa shuban iyo matag maadaama ay jirka bani’aadmiga caado u tahay inuu dibadda isaga saaro wixii sun ah ee soo gala. Sidaasi ayuu mataggu subaxdii u yahay wax iska caadi ah, iyada oo looga dan leeyahay in dibadda looga saaro sunta gashay ilma-galeenka. Mataggu waxa uu billowdaa subaxdii isla marka ay haweeneydu hurdada ka toosto iyada oon wax cunin waxna cabin. Waxaa mararka qaar dhacda inuu mataggu haayo maalintii oo dhan muddo dhowr bilood ah, una diido inay raashin qaadato, kuna dhaliyo caatanimo iyo tamar darri, isaga oo weliba mararka qaar gaarsiiya heer lagala gaaro dhakhtar ilmaha ka soo tuura si uu iyada u badbaadiyo, waase arrin dhif ah.
3- Ilma-galeenka oo ballaarta:- Mar kasta oo uurjiifku sii weynaadaba ilma-galeenku waa uu sii ballaartaa, dhakhtarkuna qalabkiisa gaarka ah ayuu arrintaasi kula socdaa, ha yeeshee haweeneyda uurka lihi ma dareento inta uu ilma-galeenkeedu weynaanayo.
4- Ibaha naasaha oo midabbaysta:- Ibaha naasuhu bilaha dambe ee uurka waxay yeeshaan midab aad u madoow. Sidoo kale waxaa samaysma khadka dhexe ee isku xira xuddunta iyo bisaqleyda, kaasi oo baaba’a kolka ay haweeneydu umusho.
5- Caloosha oo buurata:- Dumarka kuwooda khibradda yari waxay u qaataan in usbuuca horeba caloosha buurani ay uur sheegayso, mana garanayaan in aan uurjiifka caloosha laga dul garan karin ilaa laga gaaro bisha shanaad, isaga oo wixii marxaladdaasi ka horreeya si tartiib-tartiib ah u sii weynaanaya ilaa uu soo muuqdo–
6- Dhaqdhaqaaqa uurjiifka:- Dareeraha lagu magacaabo (Aminotic) ayuu uurjiifku u dhex dabaashaa sidii rah berkad biyo ah ku dabaalanaya oo kale, isaga oo weliba sameeya dhaqdhaqaaq sida kan raha oo kale ah. Dhaqdhaqaaqaasi sida caadiga ah waxa uu billowdaa kadib kolka ay xubnaha uurjiifku koraan bartamaha xilliga uurka, kaasi oo ku beegan laga billaabo usbuuca 21aad.-
7- Wallaca iyo degganaan la’aanta:- Waxaan shaki ku jirin in isbeddellada ku dhaca dhiiggu ay reebaan degganaan la’aan maskaxeed iyo mid nafsiyadeed intaba, arrinkaasi oo haweenka intooda badani u fasirtaan inuu yahay uur bilawgiis. Waxaa kale oo haweeneyda ku billowda wallac, iyadoo ku dhex meereysata noocyada kala duwan ee cunto.
Cuntooyinka qaar aad bay u qaadataa gaar ahaan kuwooda borotiinka iyo sokortu ay ku badan yihiin, iyada oo mar dalbata kalluun, mar cunta qajaar, mar wax dhanaan cabta mar kalena shukulaato yuuyuubata. War iyo dhammaantiis, haweeneyda wallaca ahi waxa ay codsataa cuntooyin ka duwan kuweedii caadiga ahaa, waxaana laga yaabaa inay marmar jecleysato noocyo cunto yaab leh, sida iyada oo intay kalluun dubkiisa qaba saliid ku shiilato dabeeto isku sii deeysa.
Isbeddelladaasi rabitaan waxaa barbar socda isbeddello kiimikaad oo ku dhaca dhiigga haweeneyda.
Wallucu waxa uu mararka qaar la yimaadaa isbeddel ku dhaca dabeecadda haweeneyda marka laga eego la dhaqanka ninkeeda, oo ama waxay u jeclaataa sidii ay awal u jaclayd si ka daran amaba waxaa dhiba araggiisa iskaba daa hadal iyo la dhaqan eh.
W/Q: MUNA YASSIN