Calaamadaha Malaariyada Ama Duumada (Malaria)

calaamadaha malaariyada

Malaariyada waa xanuun inta badan saameeya bulshada ku dhaqan qaaradda Afrika oo uu ku jiro dhulalka Soomalida, xanuunkaan waxaa laga qaadaa markii ay ku qaniinto kaneecada taasoo sida parasite (Ku dul noole). Waxuu caan ku yahay qandho iyo dhaxan la dareemo iyo appetiteka oo lumo. Xanuunkaan kuma badna wadamada horumaray sida China iyo US sababtuna waxaa weeye inay ka hortageen kaneecada sida parasite qaab tallaal iyo hawo nadiifin isagu jirta.

Marka laga soo tago kaneecada sumaysan ee sababaysa malaariyada waxaa kaloo laga qaadaa dhiiga la isku shubo oo ah xaalad inta badan aan dhacin. Waxaan lagu ogaadaa malaariyo markii laga tijaabiyo dhiiga bukaanka.

Waa maxay calaamadaha malaariyada

Calamaadaha lagu garto malaariyada waxaa kamid ah

  • Qandho sareysa
  • Madax xanuun
  • Murqo xanuun
  • Qoorta oo xanuunta
  • Daal
  • Dhaxan.

Hadii aan la daweyn malariyada waxay sababi kartaa in loo dhinto ama ay soo noqnoqoto waayo kadib. Sidoo kale waxaa ay sababi kartaa dhibaatooyin hor leh  sida dhaawaca wadnaha, sambabada, kelyaha, iyo maskaxdaba waana sababta keenaysa in loo dhinto.

Malaariyada waxaa lagu daweyn karaa qaab daawo ah kasoo aad u sahlan, Dadka ku dhaqan qaarada Afrika intooda badan waa ay yaqaanaan daawada loo isticmaalo malaariyada sababtuna waxaa weeye in malaariyadu tahay xanuun saameeyaa ugu yaraan qofkasta oo ku dhaqan Afrika, waxaa dhacda in qofku uu iska dareemo calaamado u eg kuwo malaariyada uuna naftiisa ka dhaadhiciyo inay hayso malaariyo, kadibna si iskiis ah usoo gata daawada malaariyada, hadii xanuunka haya qofkaas aysan ahayn malaariya daawada ayaa laga yaabaa inay keento cilado kale oo horleh, waxaana wanaag san in markii la dareemo calaamadaha mallaariyada labooqdo dhakhtarka kuugu dhaw.

Talo:

Hadii aad joogto meelaha ay ku badan tahay kaneecadu ha ilaawin inaad xidhato sisiyeeri ama shabaqa lagu seexdo habeenki, si aad uga badbaado qaniinyada iyo ugudbinta mallaariyada ee kaneecada. waa ka hortag wanaagsan, sidoo kale cab biyo nadiif ah.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *