Calaamadaha Lagu Fahmo Qofka Aan Ku Rabin Ee Aan Wax Xiiso Ah Kuu Hayn

Weli ma dareentay in xiriirkaagu uusan ahayn sidiisii hore, oo kalgacaylkii, xiisihii iyo danayntii ay meesha ka baxeen? Waxaad isku dayday inaad lammaanaahaga aad ka wada hadashaan mushkiladan, dedaal badan ayaad gelisay, jaceyl badan ayaad siisay, laakiin waxba isma bedelayaan. 

Wax walbo waad isku dayday laakiin qofkaan sidiisii hore kuuma ahan, waxaad dareemaysaa sidii in aadan ku filnayn oo kale, waxaad dareemaysaa in adi keligaa aad dedaal ku bixinayso sidii uu u shaqayn lahaa xiriirkiinna

Hadaba waxaan halkaan kugula wadaagaynaa 6 calaamood oo lagu garto qofka aan ku rabin, wax xiiso ahna aan kuu hayn.

Qofka oo kaa fogaado:

Maku aragtay in lamaanahaagu uu kaa fogaanayo beryahaan dambe? Wuxuu u dhaqmayaa si ka duwan sidii hore, kuma siiyo dhugmadiisa, kuulama sheekaysto sidii hore. Ma wada hadashaan maalmo, tanina wax dhib ah kuma hayso isaga, wax dedaal ahna kuma bixiyo, kuumana soo waco sidii hore. Tani waa calaamad wayn oo ku tusinaysa in xiisihii uu ka dhammaaday.

Jawaabo gaagaaban oo joogto ah:

Haddii aad aragto qofka oo hadallo koob-kooban ku leh, jawaabtana kuu gaabinaya ogow qofkaasi in aanu rabin inuu kula sii hadlo taasina ay muujinayso in xiisihii meesha ka baxay.

Wuxuu iska ilaaliyaa wada hadalka iyo dooda:

Haddii qofka uu iska ilaaliyo in si dhab ah loo wada hadlo, sida oo kalena uu ka fogaado inaad ka wada hadashaan dhaawaca uu kuu gaystay iyo xiriirkiinna, waa calaamad ku tusinaysa inuusan wax xiiso ah kuu hayn. Hadii uu si joogto ah iskaga ilaaliyo inaad wada hadashaan, sida oo kalena uusan isku deyin xallinta mushkiladda, waa astaan muujinaysa in xiriirkiinnu soo af jarmayo. 

Qofka oo dareen ahaan maqan: 

Qofka oo aan kula wadaagin dareemadiisa, islamarkaana iska ilaaliya wada hadalka waxay ku dareensiinaysaa inuu ku dafirayo. Haddii uusan ku garab istaagin markaad u baahan tahay, waa calaamad kuu caddaynaysaa in lammaanahaaga uusan wax xiiso kuu qabin.

Qofka oo aan su’aalo ku weydiin:

Inta badan qofka waxa uu su’aalo qof kale weydiiyaa marka uu rabo inuu qofkaa wax badan ka ogaado aadna u xiiseynayo, haddii qofku uusan wax xiiso ah kuu qabin isku dhibi maayo in wax su’aalo ah ku weydiiyo.

Waxyaabo kale ayuu ahmiyadda siiyaa: 

Ma ku aragtay in lammaanahaaga uu beryahaan dambe markasta uu mashquul yahay? Ma iska ilaaliyaa inaad si cad oo furan aad u wada hadashaan? Hagaag, sababtu waxay noqon kartaa in xiisihii uu kuu qabay uu dhammaaday, islamarkaana uu raadinayo wadooyinka uu kaga fogaado la joogaagga. Ha iska indho tirin calaamadan, taas bedelkeeda isku day in wajahdo oo si toos ah aad ugala hadasho isbedelkan cusub. Haddii qofka uu si dhab ah kuu jecel yahay wuu bedelayaa habdhaqan wuxuuna ku dareensiinayaa inaad tahay qof khaas ah oo agtiisa qiimo wayn ku leh.

Ma jiro qof mar walba mashquul ah, ee waxa ay ku xiran tahay daneynta iyo xiisaha uu qofkaasi kuu hayo.

W/Q: Hirsi Ahmed 

Check Also

guurka gabdhaha yaryar, odayaasha

Sababaha Ragga Waa Wayn Ay U Jecel Yihiin Guurka Gabdhaha Yaryar

Waxaa jira lammaanayaal badan oo da’a  da’a ahaan aad u kala wayn. Inta badan xiriiradan ninka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *