Calaamadaha Jooniska Iyo Sababaha Keena

Caadi ahaan jooniska ma ahan cudur, waa astaan ka timaada cuduro kale ama xaalad la soo daristay jirka oo ah iney xubin shaqa gabto.

Joonis waa marxalad ka bilaabata beerka waxay imaadaa marka ay jirka ku badato maadada loo yaqaano bilirubin. bilirubin-tu waa maado jaale ah ama midabkeedu yahay yellow waxayna ka samaysmataa burburka ka yimaada marka ay dhintaan unugyada gaduudan ee dhiiga ”Red blood cells” RBC.

Sida caadiga ah unugyada gaduudan ee dhiiga waxay noolaadaan muddo 120 cisho ah, kadib na wey dhintaa, marka ay dhintaan waxay soo daayaan maadada bilirubin oo ah wasakh, beerka ayaa wasakhdaas raaciya dheef shiidka si looga saaro jirka, maadada bilirubin waa mida uyeesha saxarada midabka ay leedahay ee buniga, hadii aan maadada bilirubin laga saarin jirka waxay midab badashaa jirka oo waxay ka dhigtaa qofka qof midab jaala ah leh.

Calaamadaha jooniska

Calaamadaha lagu garto qofka qaba jooniska waxaa kamid ah:

  • maqaarka jirka oo jaala noqda ama hurdi noqda.
  • indhaha oo ayana midabkoodu isku badalo hurdi.
  • sidoo kale marka cudurka uu gaaaro xaalad khatar ah waxaa laga yaabaa in midabka qaybta cad ee indhahaagu isku badalaan buni.
  • sidoo kale kaadida ayaa isku badasha midab mugdi ah, saxaraduna waxay noqotaa cadaan khafiif ah.

Hadii sababta joonis ay tahay cudurka loo yaqaano cagaarshoowga markaas waxaa imaan kara calaamado kale oo ay kamid tahay, daal farabadan iyo matag.

Waxaa laga yaabaa inaad isku aragtid maqaarka oo hurdi noqda oo kaliya oo aysan la socon astaamaha kale ee aan kor ku soo sheegnay haday taasi dhacdo markaas lama oran karo qofku wuxuu qabaa joonis waayo waxaa jira maada kale oo la yiraahdo beta-karotin oo laga helo daba casaha ama kaarootada taasoo haday jirkaaga ku badato uu maqaarku isku badalayo hurdi ama jaale.

Maxaa sababa joonis?

Unugyada dhiiga ee gaduudan  waxay leeyihiin waqti u gaara oo ay noolaadaan kaasoo lagu qiyaaso 120 cisho intaas wixii ka danbeeya waxaa lagu badalaa kuwo cusub.

Shaqada burburinta unugyadaas waxaa qaabilsan beer yarah, sidaa daraadeed marka unugyada dhiiga ee cas cas ay gaaraaan waqtgii laga takhalusi lahaa ama la burburin lahaa waxay dhamaantood iskugu yimaadaan beer yarah halkaasoo shaqada burburintu ka bilaaabato.

Bilirubin waa dheecaan midabkiisu yahay hurdi oo ka samaysma burburinta unugyada dhiiga ee gaduudan. Hadaba joonis wuxuu dhacaa marka beeerku uu si habsami leh u burburin waayo bilirubin-ta ama ugu gudbin waayo dheefshiidka qaabkii laga rabay.

Waxaa laga yaabaa in beerka uu dhaawacanyahay ama uu jiranyahay oo uusan shaqadaas qaban karin, sidoo kale waxaa laga yaabaa in bilirubin-ta aysan gaari karin qaybta dheefshiidka ee jirka si jirka looga saaro oo loo raacsiiyo saxarada.

Sidoo kale waxaa dhici kara in xaddi badan oo bilirubin ah ay kujirto jirka ama in cadad badan oo unugyada dhiiga cas cas ah ay dhimanayaaan hal mar taasoo culays ku ah beerka oo uusan iska saari karin isla markiiba.

Waxyaalaha sababa joonis dadka waawayn waxaa kamid ah; khamriga, infekshanada qaar, kansarka beerka, beerka oo dhaawac gaaro (Liver cirrhosis), dhagaxaanta ku samaysma xamaytida, Cagaarshow, kansarka ganaca, dhiiig la’aanta, iyo qaadashada xaddi badan oo dawooyin taasoo dhaawici karta beerka.

Joonis wuxuu kaloo ku dhici karaa ilmaha yar yar ee ku dhasha ayagoo waqtigoodu dhamaystirmin. Caddad badan oo bilirubin ah ayay soo dayn karaan ilmahaan yar yar sababtoo ah beerkoodu wali sifiican uma dhamaystirmin.

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *