Bismillah,
Waalid kasta wuxuu dareemaa in cunugooda uu yahay mid ka duwan caruurta kale, laakiin waalidiin yar ayaa dareema in cunugooda uu leeyahay hibo aysan lahayn caruurta kale ama uu wax dheer yahay.
Sidaas awgeed waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa, waxyaabaha uu waalidka ku fahmi karo, caafimaad ahaane la isku waafaqsan yahay in looga qiyas qaadan karo in cunugaaga uu wax dheer yahay caruurta kale ama uu leeyahay hibo u gaar ah.
- Saan-qaadka: marxaladaha ay caruurtu maraan ama ka gudbaan oo waqti hore lagu arko cunuga waa astaan lagu garto dagdagsiimada koritaanka jirka iyo maskaxda sida hadalka, fadhiga, socodka, adeegsiga erayada, la socooshada hareeraha, dareemidda dareenka dadka kale iyo waxyaabo la mid ah, ilmahaan waxay ka gudbaan maraxaladahaan waqti ka horeeyo ilmaha kale, si aad u ogaatid waqtiyada dabiiciga ah ee la fisho in caruurta ay ka tillaabaan marxaladahaas ka akhriso lifaaqa hoose.
- Adeegsiga luqadda: caruurtaan waxaa lagu gartaa inay aad u dhageestaan hadalka waalidka iyagoo aad u yar, tusaale markaad u sheekaynayso ama wax u akhrinaysid, waxay jecelyihiin inay ku dhageestaan ama la socdaan hadalkaaga iyagoo dareenkooda isbadalayo marba sidaa wax ugu sheegtid, caruurtaan hibada leh in ay xiiseeyaan in wax loo akhriyo waxaa la dareemi karaa markii ay 6 bilood gaaraan, waxay kaloo si dhakhso ah ku bilaabaan adeegsida luqadda, waxaa laga yaabaa in ay weero dhameestiran ay ku hadlaan markii ay 14 bilood jiraan, ayna tilmaamidda jihooyinka ay raaci karaan markii ay 18 bilood gaaraan.
- Xasuusta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay wax xasuustaan markay yar yihiin, sida in ay xasuustaan alaabtii aad ka qarisay ama ay fahmaan in kushiinka ama jikada loogu talagalay wax cunista.
- Wax xallinta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay xalliyaan caqabadaha ka hor yimaado markay yar yihiin, tusaale in ay sariirta ka soo dagi karaan iyagoo da’ yar jiro sida in ay wax isdul saartaan si ay sariirta u gaaraan am in haddii meel lagu xiro ay si sahlan oo caruurta ka wayn aysan ku fakari karin uga soo baxsadaan.
- Diirad saaridda: caruurtaan waxuu alle awood u siiyay in ay hal shay ay diiradda saaraan muddo dheer, tusaale badanaa caruurta kale markay sheeko dhagaysanayaan ama ciyaarayaan kuma dhagaadaan oo way ka kacaan, laakiin caruurtaan hibada leh, illaa ay sheekada ka dhamaato inuu wax kale ku mashquulo ma jeclo ama caiyaarta inuu ka istaago illaa uu ka dhamaysto.
- Foojignaan: caruurtaan aad ayay u foojigan yihin, haddii guriga ama hareerihiisa wax ku soo kordhaan horay ayay ka dareemaan, haddii ay maqlaan cod guriga ku cusub horay ayay ugu baraarugaan, hadduu buuq ama wax guriga ka dhacaan horay ayay kala caadifoodaan weliba iyagoo da’ aad u yar jira, markii aad la hadlaysid indhaha in ay kaa fiiriyaan ayay jecel yihiin si ay iskugu dayaan in hadalkaaga u dhuuxaan.
- Tirada iyo Sawirka: Caruurta hibada leh, waxaa lagu arkaa badanaa inay aad ugu fiican yihiin xisaabta ama tirooyinka iyo wax sawiridda, weliba waxyaabo aysan awoodin caruurta ka wayn labo ama sadax sano.
- Caadifadda: Caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay aad ula caadifoodaan dadka ay la nool yihiin, waxayna jecelyihiin inay kuu sheegaan sida ay dareemayaan ama ku waydiiyaan waxa kaa khaldan haddii ay ku arkaan adigoo murugaysan ama faraxsan ama aamusan, waana arrin aysan caruurta facooda ah laga filan ama kuwa ka waawaynba.
- Khiyaalka: caruurta hibada u saaxiibka ah, waxay aad ugu dheeraayaan khiyaalka iyo wax suuraynta khaasatan markay ciyaarayaan ama sheekaynayaan, taasoo waalidka ka yaabin karto, a
- Isku-xiridda dhacdooyinka: caruurtaan waxay jecelyihiin inay isku xiraan dhacdooyinka, tusaale haddii ay booqdaan guri kale, waxaa laga yaabaa alaabta taallo gurigaas iyo alaabta gurigooda taallo inay isbarbar dhigaan ama qolalka isku fiiriyaan ama biyaha laga siiyay gurigaas ay barbardhigaan biyaha gurigooda laga cabo, isku-xirka dhacdooyinkaan waxay caruurta hibada leh samayn karaan da’ yar oo weliba aysan awood u lahayn caruurta ka waawayn.
- Garashada: Caruurtaan waxay awood u leeyihiin inay si dhakhso ah u gartaan isbadalka ku dhacay hareerahooda, tusaale haddii waalidku tinta iska jaro ama ookiyaalaha iska siibo ama hooyada ay dharkii lagu yaqaanay kuwa ka duwan ay xirato, iyagoo aad u yar ayay garan karaan isbadalladaas.
- Gooni u ciyaarista: Caruurtaan hibada leh waxay jecel yihiin inay gooni u ciyaaraan, ma jeclo inay koox ahaan u ciyaaraan, maadaama caruurta facooda aysan is dabci keenayn, sidaa darteed waxaa la arki karaa iyagoo keligood buug fiirsanayo ama keligood ciyaarayo, aad ayay u dhibsadaan in laga qaso ciyaarta iyo wax akhrinta markii ay kaligood yihiin.
Talooyin Muhiim Ah:
- Qasab ma ahan in cunugaagu uu lahaado astaamahaas oo idil, qaar kam id ah ayuu lahaan karaa.
- Waalidka fiirada dheer leh ama waqti la qaato caruurtiisa ayaa fahmi karo sifaatkaan ama dabeecadaha kor ku xusan.
- Badanaa waxaa lagula taliyaa in waalidku uusan baarin caqliga ama maskaxda caruurtooda illaa ya ka gaaraan xilli dugsiyeedka, markaas oo si dabiici ah loo fahmi karo ama baaris caqli lagu samayn karo.
- Waxaa jira caruur ilaahay siiyay hibooyinkaas qaar ka mid ah laakiin aanan awood u lahayn in ay wax bartaan ama dhibayso waxbarashada, marka waa muhiim in aad ogaatid in aysan ahayn cunug kasta oo hibooyinkaan leh inuu waxbarashada heer ka gaari doono ama cunugii waxbarashada ku xumaado inuu doqon yahay ama maskax yar yahay, maxaayeelay dad badan oo maanta dunida lagu tiriyo inay aad u maskax badnaayeen oo wax soo kordhiyay ay waxbarasahda ka hareen iyagoo yar, laakiin dunida ay ka faa’idaystay maskaxdooda.
- Ogow caruurta ku dhalato wadamo shisheeye oo looga hadlo luqad kale in aan lagu qiyaasi karin hibada awoodda luqadeed ee caruurta kale.
W/Q: Dr Abdullahi A. Mahdi
Xigasho: somalidoc.com