Calaamadaha Baabasiirka (Haemorrhoids), Sababaha Keena & Sida Looga Hortago

Waa xanuun saameeya xidida loo yaqaan veins-ka futada, dhibkaan waxuu yimaada marka uu siyaado cadaadiska ka dhex jira xidadan taaso sababta inay dilaacaan, waa dhacdo sahlan laguna xalin karo qaabab aan daawo ahayn iyo daawada labadaba. Cudurka baabasiirka waxuu ku dhacaa inbadan oo kamid ah bulshada lana nool iyagoo ka warqaba. Waxuu ku dhici karaa gudaha maroorka (malawadka) ama maqaarka hoose ee futada.

Maxaa Sababa cudurka baabasiirka

Wax yaabaha ugu badan ee sababa cudurka baabasiirka waxaa ka mid ah,

  • Biyo aan si fiican loo cabin
  • Fadhi badan
  • Uurka
  • Da’da (dadka ugu badan oo uu saameeyo xanuunkan ayaa kawayn da’da 50sano)
  • fuuqbax joogta ah
  • calool istaag
  • saxarada oo adkaata ama waqti badan oo aan la saxaroon
  • fadhiga tirada badan
  • cayilka
  • dadka galmada ka sameeya futada, iyo dhaxalka.

Waa Maxay Calaamadaha Baabasiirka?

calaamadaha baabasiirka waxaa kamid ah,

  • Dhiig soo raaca warqada la isaga tiro saxarada,
  • Cuncun laga dareemo futada ama malawadka,
  • Futada gidaaradeeda oo barara kaasoo keena xanuun dulqaad la’aana marka la taabto,
  • fadhiga oo qofka dhiba,
  • Saxarada oo aan la kontorooli Karin mararka qaar, iyo
  • Walwal qof ka qabsada siduu u maarayn lahaa xiliguu saxaroonayo.

Daawada inta badan xanuunkan waxaa lagu xalin karaa qaabab aan daawo ahayn, waxaana kamid ah:

  • In labadsado cunada fiberka leh sida salad-ka iyo
  • In la cabo biyo badan,
  • Hadii uu qofku leeyahay fuuqbax waxaa lagama maarmaan ah inuu dhakhtarkiisa la tashado.
  • Hadii heerka xanuunkaan yahay mid aan intaasba waxba ka qaban karin waxaa badanaa lagu xaliyaa qaab qaliin ah.

Talo:

Baabasiirka waa xaalad si fudud ku imaan kara oo si fudud ku xalismi kara, mana ahan waxa ay soomaalida ka aamin san yihiin oo ah wax laga xishoodo oo dhib ah, ogoow baabasiirku ma ahan cudur ee waa astaan inta badan ka tarjunta inuu jirku hayo biyo yari ama in qofku uu suuliga ku jiro waqti dheer oo ka dhasha calool istaag, hadii aad isaga shakisan tahay inuu ku hayo baabasiir ku xali inaad cabto biyo kugu filan iyo sidoo kale inaad yareyso fadhiga badan.

  • Waxaa muhiim ah in qofku uu cuno cunooyin isu dheelitiran, khaasatana uusan ka tagin cunooyinka fiberka leh, uuna cabo biyo badan (2 liitar maalintii),
  • Docoshada ah in xoog la isaga keeno saxarada waxay khatar ku tahay xidida futada oo dilaaca waxaana hagaagsan inaan la sameyn docosho saaid ah.
  • Samee jimicsi,
  • Yaree cayilkaaga,
  • Aad suuliga marwalba oo aad dareento in saxaro ku hayso
  • Iskuna day inaad biyo cabto saxarada ka hor

Check Also

cuntooyinka koritaanka caruurta,

10 Cunno Oo U Wanaagsan Koritaanka Caruurta

Caruurta oo hela cunno dheelitiran oo nafaqo ahaan hodan ah waxay aasaasi u tahay koriimadooda, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *