Cabsida Fagaare Ka Hadalka!

Waa suurtagal in xilliga ardaynimada iyo waqtiyada noloshu weli Bilowga tahay aanu qofku dareemin baahida uu u qabo fagaare ka hadalka, laakiin mar kasta oo uu nolosha hore ugu sii socdo waxaa u caddaanaysa muhiimadda ay leedahay in qofku uu dad ka hor hadli karo; in uu su’aalaha fagaare lagu weydiiyo uu si kalsooni ah uga jawaabi karo; iyo in uu adkaysi u yeelan karo qosolka, faallooyinka taban iyo ereyada quudhsiga ah ee mararka qaarkood kaga iman kara dadka uu la hadlayo.

Qodobbadan soo socdaa waxa ay qofka ka caawin karaan in uu xakameeyo ama meesha ka saaro cabsida uu ka qabo fagaare ka hadalka:

  1. Raadi fursadaha aad dadka hortooda ka hadli karto, xitaa haddii ay yihiin saddex qof oo keliya.
  2. Ku bilow dadka aanu ka hor hadalkoodu dhibaatada kugu keenayn, sida saaxiibbada iyo xubnaha qoyska. Kuna dadaal in marka aad hadlayso uu codkaagu kor ahaado.
  3. Ka hadal mawduucyada aad jeceshahay. Marka aad ka hadlayso wax aad jeceshay, dad aad jeceshayna ka hor hadlayso waa ay adagtahay in aad dareento cabsi waxa aad xakamayn karaysaa acsaabtaada.
  4. Bilowgaba naftaada fahamsii xaqiiqada ah in aanad ahayn qofka ugu fiican ee hadli doona, sida oo kalana aanad noqon doonin ka ugu xun. Taasi waxa ay caawinaysaa in galdaloolada hadalkaaga ka soo baxdaa aanay kaaga tegin cabsi caqabad ku noqota fagaare ka hadalkaaga dambe.
  5. Mar kasta oo aad hadasho, ku dadaal in aad ogaato dareen iyo aragtida dadku ka qabaan hadalkaaga, xitaa haddii aad hadal ku weydo ku dadaal in aad indhaha dadka ka akhrisato dareenka ay khudbaddaada ka qabeen.
    Qor dareennada taban iyo dhaliilaha dadku ka qabaan hadalkaaga, kaddib ku dadaal in aad wax ka barato oo aanay mar dambe soo noqon.
  6. Inaad jamaahiir ka hor hadashaa waxa keliya ee ay u baahan tahay, in aad dhisto, horumarisana qisaska aad rabto in aad dadka u sheegto.
  7. Bilow in aad sheeko iyo hadallo ka jeediso goobtada shaqada, iyo in aad shirarka iyo kulamada ka hadhasho marka ay munaasab tahay. Sida oo kale ku dadaal daawashada khudbadaha laga jeediyo fagaareyaasha kala duwan, waxa ay kaa caawinaysaa in aad ka qaadato tilmaamo iyo duruus kaa caawiya hadalkaaga mustaqbalka.

Kamaal Marjaan

Facebook page: Marjaan

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *