Cabsida Dadka Hor Hadalka

Tirakoob laga qaaday maraykanka ayaa lagu ogaaday in dadka dalkani ku dhaqani ay si aan caadi ahayn uga cabsadaan inay dad hor istaagaan ka dibna ay khudbad u jeediyaan. Cabsidaas ayaa gaadhay heer ay ka badatay cabsida ay ka qabaan dhimashada. Ka muslim ahaan iyo soomaali ahaanba heerkaa may gaadhin cabsida aynu ka qabnp khudbad soo jeedinta laakin waxa xaqiiq ah inay cabsi aad u badani jirto qofku marku ku cusubyahay khudbad soo jeedinta ama u yahay qof aan la qabsan dad hor istaaga.

Hadaba maxaa cabsidan keena oo ilaa heerkaana gaadhsiiya? Ma waxay tahay dadka tirada badan iyo indhahaa badan uu qofku hor istaagayo? Ma waxay tahay cabsi uu qofku ka cabsanayo inu khaladaad ku galo shir aad muhiim u ah? Waxay tahayba cabsidani waa wax jira oo aduunka dhani ka siman yahay.

Hadaba si aad uga hor timaadid cabsidan una soo jeedisid khudbad soo jiidasho leh ku camal fal qodobadan hoos ku qoron:

Isku diyaarinta khudbada:

  1. Mawduuca aad ka hadlaysid waa inaad aqoon badan u yeelata.
  2. Kaliga kor u akhri oo u tababaro khudbada aad soo jeedin doontid. Asxaabta iyo qaraabada ayaad ku tababaran kartaa oo aad u akhrin kartaa khudbadaada.
  3. Sawiro adoo dadka hor taagan oo khudbadaada dhiibaya ka dibna ay dadku jeclaysteen oo sacabka ku tumayaan.
  4. Goobta aad khudbada ku jeedin doontid hore u tag oo la sii qabso meesha. Hadaad karaysid makarafoonka qaado oo sii tijaabi.
  5. Jooji warwarka oo xoogga saar fariinta aad gudbin doonta.

Guda galka khudbada:

  1. Khudbadaada ha ka wada akhrin qoraalka aad diyaarisay. Waa inaad inta badan aad u jeedsataa dhinaca ay ka xigaan dhagaystayaashu. Qoraalkaagu ha ku noqdo tix raac qodobaysan.
  2. Dhar quruxbadan oo munaasibadaa ku saabsan soo xidho. Kalsoonidaada ayey u wanaagsantahay.
  3. 15ka ilbidhiqsiyada ugu horreeya ayaa ugu muhiimsan khudbadaada . Hadaad ku guulaysatid inaad intaa aad dhagaystayaasha ku soo jiidatid wixii intaa ka danbeeya wax aad ka warwartid ma leh. Waxana ku soo jiidan kartaa inaad su’aal muhiim ah waydiisid oo khudbadaada ku saabsan ama aad dadka ka qoslisid.
  4. Si tartiib tartiib ah oo faseex ah u hadal.
  5. Ku gunaanad weedho xikmad badan si ay dadku u sii hadal hayaan kuna xasuustaan khudbada ka dib.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *