Cabitaanka Kookada Iyo Cudurka Kansarka

Hay’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa ku dhowaaqday in kookadu ay tahay cabitaan keeni kara cudurka kansarka. Warkan cusub ayaa walaac ku abuuray dadka isticmaala cabitaankan iyo xeeldheerayaasha caafimaadka.

Daraasadda WHO waxay ku salaysan tahay maadada “aspartame” oo ah macaan samays ah oo lagu daro kookada.

Aspartame waa maaddo ay dood badani ka taagan tahay waxaana la xiriiriyaa cillado caafimaad oo kala duwan oo kansarku uu ka mid yahay.

Warkan ka soo baxay Ha’adda WHO Qeybta qaabilsan baarista kansarka waxa xoojinaya daraasado kale oo lagu ogaaday inuu jiro xiriir ka dhexeeya isticmaalka “aspartame” iyo noocyo ka mid ah cudurka kansarka.

Daraasadaha lagu sameeyay xayawaanka iyo bini-aadanka ayaa lagu arkay in isticmaalka maadada “aspartame” ay kordhin karto halista kansarka noocyadiisa ku dhaca naaska, maskaxda iyo dhiigga. 

Daraasaadkani waxa ay tilmaamayaan in cabitaanka kookada oo muddo dheer la istictaalo iyo in aad loo badsado ay kordhiyaan halista cudurka kansarka.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in la iska yareeyo cabitaannada soodhaha leh iyo cabitaannada kale ee ay sonkortu ku badan tahay si loo dhimo khatarahooda caafimaad. Waxa ay dhiirragelinayaan in kookada lagu bedesho cabitaannada dabiiciga ah ee furuutka iyo khudradda, biyaha iyo noocyada shaaha sida shaaha cagaaran. 

Check Also

biyaha hooyada uurka leh, biyo cabista

Biyo Intee Le’eg Ayay U Baahan Tahay Hooyada Uurka leh, Waa Maxay Se Astaamaha Hadii Ay Biyuhu Ku Yaraadaan

Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *