Cabitaanka Baytaraafka Iyo Dhiig Karka: Maxay Cilmi Baarayaashu Ka Sheegeen?

cabitaanka baytaraafka, xanuunka dhiig karka

Dhiig karku ma ahan xanuun u gaar ah dadka waa wayn balse sidoo kale waxa uu ku soo badanaya dhalinyarada. Arrimo kala duwan ayaa la xiriiriyaa sida cunno xumada, jimicsi la’aanta jireed, walwalka raaga iyo dhaxal.

Fadhiga badan iyo caadaysiga cunnooyinka aan caafimaadka uroonayn ayaa ka mid ah waxyaabaha siyaadiya halista dhiig karka. Hadabba cilmi baaris lagu sameeyay dalka Ingiriiska ayaa shaacisay in geedka baytaraafku uu si weyn u caawiyo in cadaadiska dhiigga lagu soo celiyo heerkiisa dabiiciga ah weliba muddo bil gudaheed ah.

Maxay cilmi baraayaashu sheegeen?

Xeeldheereyaasha caafimaadka ayaa Tijaabo ku arkay in koob cabitaanka baytaraafka ah oo maalin kasta la cabo ay si cajiib ah ugu shaqaysay dad badan, iyadoo cadaadiska dhiigga ku celisay heerkiisii dabiiciga ahayd muddo afar asbuuc gudahood ah.

Waxaa xusid mudan in dadkii tijaabada lagu sameey uu cadaadiska dhiiggooda sare u kacay kadib markii ay joojiyeen cabitaanka baytaraafka.

Cilmi baaristaan oo ay samaysay jaamaacadda Queen Mary ee ku taalla magaaada London, ayaa ku talisay in cabitaanka baytaraafka uu noqon karo dawo dabiici ah oo cadaadiska dhiigga ku ilaalisa in uusan dhaafin heerkiisa dabiiciga ah.

Daraasaddan ay samaysay jaamacadda Queen Mary, ayay cilmi baraayaasha ku eegeen sida cabitaanka baytaraafku uu u kobcin karo caafimaadka wadnaha, waxayna sheegeen in maadada “nitrate” ee ku jirta baytaraafka uu jirku beddelo maado kale oo loo yaqaanno “nitric oxide” taas oo dejisa halbowleyaasha dhiigga, islamarkaana hoos u cadaadiska dhiigga.

Waxay daraasaddu tilmaamtay in maadada “nitrate” aysan ka yaraysan  dawooyinka dhiig karka marka la isbarbar dhigo waxtarkooda, iyadoo baytaraafka iyo khudradda caleemaha cagaaran ay yihiin meelaha ugu fiican e laga helo maadadan. Waxaa lagu taliyaa khudradahan in aan la karinin marka la isticmaalayo maadaama dabku uu ka dilayo maadada “nitrate” sidaas awgeed waxaa haboon in la uumiyo ama cabitaan ahaan loo shiito.

Cabitaanka baytaraafka oo aad joogteyso maalin kasta waa hab dabiici ah, faaidana u leh maaraynta cadaadiska dhiigga sida ay tilmaamayaan daraasadihii u dambeeyay.

Cabitaanka baytaraafka waxa uu ka qayb qaataa caafimaadka wadnaha mana lahan wax cillado caafimaad ah.

W/D: Hirsi Ahmed

Check Also

xanuunka dhimirka, islaweynida,

Xanuunka Dhimirka Ee Qofku Ismoodsiiyo Inuu Dadka Kale Ka Sarreeyo

Qabka iyo in qofku uu naftiisa aqoonsadaa, waa mid ka mid ah fureyaasha guusha. Waa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *