Caalim Caan Ku Ah Cilmi-Nafsiga Oo Soo Saaray Talooyin Qofka Ku Dhaqma Noloshiisa Wax Badan Ka Beddelaya!

Mikhail Litvak waa caalami ku xeeldheer cilminafsiga oo qoray 30 buug oo ka warramaya noocyada kala duwan ee cilminafsiga, gaar ahaan qaybaha taabanaya nolosha maskaxeed ee aadamaha iyo habdhaqankiisa. Buugtaas oo isku darkooda laga daabacay in ka badan 5 Milyan oo nuskhadood, waxaa u dheer maqaallo qoraallo cilmiyeedyo uu kaga waramay aqoonta la xidhiidha dabiibka nafsiga ah iyo cilmi nafsiga.

Qormadan oo aan ka soo xigtay degelka internet ka ee Daily Positive Information, waxa uu Mikhail Litvak oo aad loogu aqoonsanyahay in uu ka mid yahay culimada ugu miisaanka culus cilminafsiga, gaar ahaan qaybihiisa caafimaadka maskadu, uu soo jeediyey 22 qodob oo fure u noqon kara in qofku uu nolosha guulo ka gaadhi karo iyo in uu wanaajiyo xidhiidhadiisa.

  1. Haddii tallaabooyinka aad qaadayso oo dhami yihiin kuwo si fiican loo qorsheeyey, mar walba farxad baa ku ladhnaan doonta.
  2. Dadka ka qaangaadhka ah iyo ka aan qaangaadhka ahayniba garasho iyo aqoon dabiici ah ayaa ay leeyihiin. Laakiin kuwa aan qaangaadhka ahayn dhibta haysataa waa in aanay garanayn sida loo dhaqangeliyo aqoontaas, halka kuwa qaangaadhka ahi ay aqoontooda iyo garashadooda u beddelaan ficillo. Waana sababta, shaqada keliya ee uu ka aan qaangaadhka ahayni qaban karaa ay u noqotay in uu cid kale oo kasta dhaliilo.
  3. Baro in aad naftaada u noolaato. Haddii kale, waxa aad mar kasta ku jiri doonta dadaal aad dadka ugu caddaynayso qofnimadaada, iyaga ayaana aad u noolaan doontaa.
  4. Qofna qof ma dhayalsan karo, waxa keliya ee la is dheeryahay waa in ay dadku kala tallaabo dheer yihiin, oo qaarkood ay hore si dhaqso ah ugu socdaan.
  5. Haddii aad riyo maalmeed doonayso, inta aad fadhiisato maskaxda ka sawiro humaag ah gaadhista waxyaabaha la taaban karo, iyo higsiyada la gaadhi karo. Waa sida ugu fiican ee ruuxa dhalanteedka ku nool hankiisu aanu ku jabayn.
  6. Qof kasta ma raalligelin kartid, haddii aanad iska deynin doonistaas ah in aad qof kasta raalligelisana, waxa aad naftaada u diyaarinaysaa guuldarro weyn.
  7. Intii aad waqtigaaga ku lumin lahayd qof maangaab ah, waxa aad waqtigaas ku maalgashataa buug. Isagaa barasho aqooneed iyo maaweelo labadaba kuu noqon kara.
  8. Qof waayey wax uu naftiisa ku ammaano, ayuun baa bilaabaa in uu dadka kale dhaliilo.
  9. Aragtida aaminsan in uu farqi u dhexeeyo maangalnimada labka iyo dheddiggu, waa aragti aan iyada laftigeedu maangal ahayn. Keliya aadamuhu isaga oo isku jira (Dheddig iyo Lab) garaad baa uu leeyahay ama ma’ laha.
  10. Haddii ay dadku isku dayaan in ay ku dareensiiyaan in aad dembiile tahay, ama in ay ku caawiyaan aad abaal ku qabto, jooji waxa aad adigu iyaga u tahay, oo u ogoloow in ay kaa wada tagaan.
  11. Qofka naftiisa uun qanciyaa, ma’ garto in uu u baahan yahay in dadka kale wanaaggiisa arkaan.
  12. Cadowgaaga ugu weyni ma’aha qofka hadhka isku qarinaya, ee sugaya uun in aad simbiririxooto. Balse cadowgaaga ugu weyni waa naftaada oo kugu cadow ah. cadawgaas in aad waajahdaana aad baa ay u adag tahay, oo dadaal bay u baahantahay.
  13. Haddii aad tahay dadka aan iska deyn karin qodqodista warka iyo dabagalka dhacdooyinka faahfaahintooda, ku dadaal in aad barato Falsafadda ama sayniska. Laakiin iska jir in aad ku mashquusho dadka kale iyo arrimahooda.
  14. Inta aad hawsha waddo, cayda iyo dhaliilsha dheg ha u dhigin. Waayo, marka aad ugu dambaynta gaadho ujeedkaaga, wax aan guushaadaa ahayn oo macno lihi ma jiri doono.
  15. Haddii uu jiri leedahay higsiga aad gaadhistiisa si dhab ah doonayso, ha ka sugin in uu xaglo laaban kuugu yimaaddo, cidna ha uga fasax qaadan in aad raadsato.
  16. Farxaddu ma’aha shay baacsasho lagu gaadho. Lagama helo bannaanada iyo meel baydhsan oo kale midna. Waxa ay ka timaadda guntaada hoose, waxa keliya ee lagu helaana waa in aad barato qanacsanaata iyo ku raalli noqoashada waxa aad hayso.
  17. Waa shaki la’aan in la hadalka saaxiibbadu uu wax fiican yahay. Laakiin marka aad dadka kugu cadowga ah la sheekaysato, ayuun baad wax badan oo cusub baran kartaa.
    Gaabis iyo iin ba waa aad leedahay, in aad ogaato iimahaaga iyo in aad ceebahaaga aragtaana waa waxa ugu yar ee aad cadowgaaga ka baran karto. Sidaa awgeed marar badan in aad warka cadowgaaga dhegeysato ayaa ka fiican in aad saaxiibkaa dhegeysato.
  18. Niyadjabka iyo murugadu ma fiicna, waa xaalad aadag oo cabsiyi ku xeerantahay. Laakiin haddana waa fursad, aad ka baranayso awoodda aad u leedahay ka soo kabashada turaanturrooyinka, iyo in aad naftaada dib ugu noqoto oo aad aad hoos isu qiimayso.
    Waa dersi aad ka baran karto waxa horusocodkaaga dhiirrigelinayey iyo sababaha dib u dhaca kugu keenay.
  19. Haddii aad xaasley tahay ama xidhiidh ruux la wadaagto, ku dadaal in uu dareen kalgacal iyo jacayl ku dhisnaado, haddii uu sidaa noqon waayo, ogoloow in uu noqdo xidhiidh jaalnimo iyo danwadaag ku dhisan, laakiin weligaa ha doonin in aad xidhiidhkaas goyso. Waa haddii aanad dareemin in koritaankaaga iyo horumarka nolosha aad ka samaynaysaa xidhiidhkaa awgii u curyaamayaan, ama in aanad hor u dhaqaaqi karin inta aad xidhiidhkaas qayb ka tahay.
  20. Marka aad qof la hadlayso, ha baqan, ilnugaylkana iska ilaali. Sidaas ayaa ah sida keliya ee ay male fiican iyo sawir wanaagsan uga qaadan karaan qofnimadaada.
  21. Haddii aad kelidaa tahay, gaar ahaan marka jacayl kaa burburay dartii wehel la’aan aad dareento, waxa aad u qaadataa in uu yaha ydareen ku baraya in aad ruux ahaan qaangaadh tahay.
    Kuna xisaabtan in gooni noqoshadu ay leedahay dhinac fiican oo ah in waxsoosaarkaagu kordho (In aad shaqo haleel u hesho).
  22. Weligaa aad ha u noqon danayste naftiisa uun farxadda ku kooba. Ogow in farxaddaada oo aad saaxiibbadaa la wadaagtaa ay iyaga farxad u tahay, adigana sii badinayso uun dareenkaaga farxadeed.

Kamaal Marjaan

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *