Kansarka dhuunta/hunguriga:
Hungurigu waa xubin qaali ah kaas oo ka qayb qaata gaarsiinta quudka qaybaha kala duwan ee dheefshiidka. Tuuubadaan oo soo qaada cunnada aynu liqno ayaa u gudbisa caloosha halkaaso cunadda lagu qaso dheecaanada kala duwan ee laga soo daayo gidaarada caloosha si looga nadiifiyo ilmaqabatada iyo jeermiska looguna diyaariyo si in lagu dheefshiido mindhicarada.
Kansarka ku dhaca hunguriga ayaa saamayn karta qayb kasta oo ka mid ah hunguriga sida bilowgiisa ilaa dhamaadkiisa. Kansarka hunguriga ayaa ku dhici kara qaab dhismeedyada hoose ee hunduriga taas oo ka bilaaban karta meel walba oo hunguriga ka mid ah. Noocyada kansarka ku dhaca hunguriga ayaa u badan kuwo halis ah oo faafa.
Laba nooc ayaa ugu caansan kansarka ku dhaca hunguriga. Nooca koowaad ayaa ah mid bilaabma xuubka ama dahaarka hunguriga kaasoo badanaa lagu arko qaybta dhexe ee hunguriga. Noocaan oo oo looyanaa squamous cell carcinoma. Nooca koowaad ayaa 70% kabadan nooca labaad.
Nooca labaad ayaa ku dhaca qanjirada yaryar ee hunguriga kuwaas oo soo saara dheecaamo kala duwan oo leh faa’idooyin badan, dheecanadaan ayaa ka qayb qaata joogteynta nadaafada hunguriga, ilaalinta inaysan cunuda dhaawac ama xoqniin u geysan hurguriga iyo inay cunada maraysa hunguriga kadilaan jeermiska la socda. Noocaan ayaa loo yaqaana esophageal adenocarcinoma.
Maxaa sababa kansarka hunguriga
Inta badan kansarrada ku dhaca qaybaha kala duwan ee jirka malahan sabab rasmi ah oo loo aaneeyo, kansarka hunguriga waa mid ka mid ah kansarrada aan la aqoon sababta rasmiga ah ee keentay.
Waxaase jira qodobo la aaminsan yahay inay ka qayb qaataan bilowga kansarrada sida cunitaanka cunno aad u kulul ama cabida biyaha aadka u kulul, isticmaalida qalabka cunada lagu kululeeyo ee loo yaqaano microwave, qalabkaan ayaa la aaminsan yahay inuu keeno noocyo badan oo kansar ah oo uu ka mid yahay kan ku dhaca hunguriga, sababta ayaa la aaminsan yahay inay tahay uumiga xad dhaafka ah ee uu ku kululeynayo cunnada.
Qodobada kale ee ka qayb qaata bilowga kansarradan ayaa waxaa kamid ah cabidda sigaarka, khamrida, xaaladda laab jeex oo ah in qayb kamid ah cunnada caloosha ku jirta iyo dheecaanku ay kor ugu soo noqdaan hunguriga taasoo ay keento markii uu dabco cinjirka udhexeeya caloosha iyo hungurigu, quudasho la’aanta qudaarta iyo cunooyinka fiberka leh ayaa sidoo kale loo aaneeyaa inay ka qayb qaaraan bilowka xanuunkaan.
Astaamaha kansarka hunguriga
Bilowga xanuunkani malahan wax astaamo ah oo u gaar ah. Markii uu gaaro heer uu ku fido ama uu dhaawac u geysto qaybaha ama unugyada kala duwan ee hunguriga ayaa waxaa macquul ah in ladareemo astaamo iyo calaamado ay kamid yihiin
- Margasho iyo xanuun joogta ah maadama aysan cunadu si caadi ah u dhaafi karin hunguriga
- Xabad xanuun
- Miisaanka oo dhaca
- Tabar yari
- Amateetka oo yaraada
- Calool istaag
- Matag
Baaritaanka xanuunkan ayaa ah mid aad u sahlan waxaana lagu ogaan karaa iyadoo la adeegsanayo qalabyo kala duwan sida kuwa casiriga ah oo ay ka mid tahay tuubada lagu baaro uur kujirta ee loo yaqaano Endoscopy.
Waxaa kale oo lagu baari karaa raajada ayadoo bukaanka lasiinayo khadda loo yaqaan Barium taasoo sahal ka dhigaysa in la arko meesha sida gaarka uu usaameeyay xanuunkani. Xanuunkaan ayaa sidoo kale lagu ogaan karaa iyadoo cad laga jarayo hunguriga si loo xaqiiqsado unugyada kaankarada ah ee ku jira cadkaasi.
Daaweynta
Daaweynta xanuunkaan ayaa ku xiran hadba heerka uu gaarsiisan yahay iyo inta ay le’egtahay saameyntiisu. Hadii uu xanuunkani ku faafo qaybaha kale ee jirta sida beerka, sambabada, maskaxda, lafaha iyo dhiigga waxay cadeynaysaa inuusan lahayn xal iyo daawo toona oo xiligaan loo hayo.
Hadii ay san jirin faafid guud ayna kooban tahay heerkiisa faafitaan waxaa kamid ah siyaabaha kala duwan ee wax looga qaban karo qalitaan iyo daawooyinka loo qaato.