faa’iidooyinka caafimaad ee ay khubaradu sheegtay in uu soonku jidhka u leeyahay, waxaa ka mid ah: – Waxaa daafaha dunida maanta ka furan xarumo badan oo caafimaad, oo lagu dabiibo bukaanka qaba macaanka, kuwaas oo nidaamka soonku uu u yahay seeska koowaad ee dabiibkooda. Waxa ay isticmaalaan hab ah in bukaanka macaanka maalintii la soonsiiyo 10 illaa 20 saac. Afurkooda iyo cuntada ay cunayaan muddada ay af furan yihiinna laga dhigo cunto aad u khafiif ah. Habkan oo muddo afar toddobaad oo is xiga ah loo wado bukaanka, ayaa la arkay in uu heerka macaanka bukaanka aad hoos ugu soo dejinayo iyada oo aan wax dawo ah oo kale la raacin.
Si kastaba ha ahaato ee waxaa muhiim ah in niyadda lagu hayo sida aynu qormooyin hore ku sheegnay in cudurka macaanku uu ka mid yahay xanuunka ay ugu adagtahay in ay soonka isqaataan, sidaa awgeedna ay waajib tahay in qofka macaanka lihi inta aanu soomin uu marka hore la tashado dhakhtar takhasus ah oo u fasaxa isla markaana siiya talooyin ku habboon xaaladdiisa.
– Soonku waxa uu ka hortag u yahay dibbirada oo inta badan soonka la isku arko, waana dhakhtarka ugu fiican uguna qiimaha jaban ee si dhib yar u kaxayn kara dibbirada.
– Soonku waxa uu ka hortag u yahay xanuunnada maqaarka ku dhaca. Sababtu waa soonka oo aad u yareeya heerka biyaha ku jira dhiigga, taasina ay sababayso in ay yaraadaan heerka biyaha ee maqaarka gaadhayaan. Arrintani waxa ay xoojinaysaa difaaca maqaarka, waxa aanay iska caabbinaysaa Bakteeriyada iyo guud ahaanba cudurrada jeermisku keeno ee maqaarka ku dhaca.
– Soonku waxa uu ka hortag u noqon karaa wadne wareenka, maskaxda oo dhiig ku furmo ama ka xidhmo, soonka, ka hortagga xaglo xanuunka.
Xanuunnada kale ee tijaabooyinka cilmiga ahi muujiyeen in uu dabiib waxtar leh u yahay, waxaa ka mid ah:
– Dhanjafka, xiiqda (Neefta), xanuunnada ah kaarka iyo ololka, xanuunnada ku dhaca qanjidh marinlaha; oo ah habdhis qanjidheed ku yaalla meelo kala duwan oo jidhka ka mid ah, waxtarkoodana waxaa ka mid ah in ay dheecaannada muhiimka ah si toos ah ugu quudiyaan dhiigga iyaga oo aan marayn nidaamka tuumbo.
– Soonku waxa uu daweeyaa hoos u dhaca ku yimaadda awoodda jinsiga ah ee uurqaadista, ah awoodda bacariminta. Waxa kale oo uu dawo ka yahay buurnimada iyo cudurka macaanka oo la sheego in uu u fiican yahay marka uu qofka hayo muddo aan ka badnayn shan sano. Waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen in haddii qofka uu macaanku hayo shan sano iyo ka badan, uu macnaheedu yahay in ganacu uu dhintay ama si buuxda u hawlgabay, sidaa awgeed waxa uu waxtarka soonka ee dhinaca cudurka macaanku faa’iido leeyahay inta aanu cudurkani shan sano ku gaadhin qofka. Waxa uu soonku dejiyaa dhiigkarka, kalastaroolka oo jidhka ku badata.
– Caadi ahaan waxa uu jidhku kaydiyaa maaddooyinka muhiimka ah, sida faytamiinnada iyo asiidhadka Amino. Laakiin dhibaatadu waxa ay tahay in haddii maaddooyinkaasi ay muddo dheer kaydsanaadaa, ay waayayaan faa’iidadii ay jidhka iyo caafimaadka u lahaayeen, sidaa awgeed waxaa waajib ah markii muddo la joogaba in hal mari jidhka laga soo nadiifiyo maaddooyinkaas muddada ku kaydsanaa. Soonka ayaa ah habka ugu fiican caafimaad ahaan ee loogaga faa’iidayn lahaa maaddooyinkaas muddada ku kaydsanaa jidhka. Marka uu jidhku waayo cuntadii uu u bartay ee uu ka miiran jiray maaddooyinka, waxa uu bilaabaya in uu dib u isticmaalo.
– Soonku waxa uu maqaarka ka kaxeeyaa, haaraha, baraha madow iyo coodhcoodhka, waxa aanay siisaa dhalaal xooggan iyo furnaan dabiici ah.
Laba ka mid ah saynisyahannada ku xeeldheer cilmiga barashada shaqooyinka xubnaha, oo ka tirsan jaamacadda Chicago ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in laba toddobaad marka uu qofku soomanaado, ay dib u cusboonaadaan nudaha. Waxaa si aad ah faa’iidadan looga dareemaa qofka 40 jira ah oo uu soonku nudihiisa ka dhigo kuwo la heer ah nudaha qof dhalinyaro ah aan ka weynayn 17 sano jir.
–Kamaal Marjaan