Caadooyin Kaa Dhigaya Qof Shakhsiyad Wanaagsan Leh

Waxaan qormadaan idin kugu soo gudbin donaa qodobo xambaarsan isla marahaantana inaga caawin doona sidii aan ku ilaalin laheyn in aan yeelano shakhsiyad wanagsan:

Aqbal masuuliyada ku saaran: qofka aadanaha waxa saaran masuuliyad mid naftiisa ka saaran iyo mid ka saaran bulshada uu la noolayahay ayna tahay in uu dareemo marka uu aqbalo masuuliyada saaran waxey nafsad ahaantiisa u tahay inuu abaal mariyay naftiisa waana in uu aqbalaa in ay la xisaabtaman dadka ay howl wadaagta yihiin, in aan taasi aqbaalnaana waxey inoo tahay kaah uu bidhaansado deegaankeena, waana in aan ka taxadarna in aan gacan bidixeeyn ama xil iska saarid la’aan aan sameeyno.

Tixgilin:waa in aan tix galina bulshada aan la noolnahay mid yar iyo mid weyn oo aan mudnaantiisa siinaa, una tixgali ama u ixtiraam sida aad u jeceshahay in adiga laguu ixtiraamo maxaa yeelay taasi waxa ay inoo horseedeysaa in aan helno waxybaha aan muhaneyno taas oo ah in uu qofka aadanaha uu jecelyahay in la sharfo lana ixtiraamo, qof walibaa waa in aad ku ixtiraamtaa shaqsiyadiisa, aqoontiisa, xirfadiisa iyo waxyaabaha la halmaala.

Ku Fakar Guul: in mar walibaa oo aad howl ama qorshe aad fulineyso ku fakar una qaado in aad ku guuleysaneyso maxaa yeelay taasi waxa ay ka qeyb qaadaneysaa horumarka iyo farxad ku noolanshaha shaqsiyadaada iyo bulshada kugu hareereysan.

Ka Taxadar Waxa aad Ku Hadleeyso: waa in aan ka taxadarnaa hadalada aan ku hadaaqeeyno taa oo la macno ah hadii aan kala doorano waxi wanaagsan oo xikmadeysan iyo hadalo nacasnimo ah oo aan micno buuxa aan ku qotamin way kala duwan yihiin waxaana qofka shaqsiyadiisa hagaajin kara in uu doorto waxa uu ku hadlayo in ay ahaadan wax laga taxadaray oo xikmadeeysan waana tan lagu kala saaro qofka maan galka iyo midka nacaska ah.

Ha caaban hana Dhaleeceyn badnaan: dhaleeceeynta maaha wax wanaagsan marka loo eego moralka qofka aad dhaleeceeyneyso mana ah mid wax dhista oo horumarisa,daryeelmagazine.com ayaa idin leh waxa wanaagsan qofka marka uu arko qalad waa in aan qaladkaasi ku hagaajina si wanaagsan oo aan dhaleeceyn laheyn sida in qofka aad ugu mar marsiyooto oo aad tiraahdo “sidan way tahay balse miyeeysan kasii habooneyn ama miyeeysan ku fiicneyn sidaa iyo sidaa” cabashada badan oo aan caadeysano maaha wax ku quman shaqsiyada wanaagsan mana ah waxyabaha guusha lagu gaari karo maxaa yeelay maalin waliba qofka farxad iyo wanaag ma arkayo waxana haboon in qofka uu aqbali karo caqabadaha iyo marxaladaha adag ee soo wajahi kara.

Dhoola cadee: dhoola cadeeynta waxa ay muujineysaa farxad, farxaduna wax ay ka qeyb qaadata niyad wanaag iyo himilada wanaagsan ee shaqsiyadaada waxa ayna abuureeysaa in aad hiiksato ka faa’iideysiga waqtigaada iyo qiimaha nolashaada ku leedahay, wajiga farxasan waxa uu muujinaya naxariis iyo wanaag badan sidoo kale waxay kaalin muhiim ah ka qaadataa in ay bulshada aad la nooshahay ay kuu qushuucan farxadna kugu soo dhaweeyaan maxaa yeelay hadii aad noqoto qof xir xiran oo la maleeysto in uu careysan yahay qof waliba wuxuu u diyaar garooba sidii uu kaga fogaan lahaa ugana taxadar lahado inusan ku so dhaweeysan mar kale.

Aqbal Qaladaadkaada: waxa aad muhiim u ah shaqsiga in uu aqbalo qaladaadkiisa isla mar ahaantana uu ka weecdo wadiiqadii xumeyd ee loo tilmaamay, qofka aadanaha ma dhameystirna dhameystirnaana waxa ay u sugnaatay eebaha weyn ee caziizka ah waxana aad u qiimo badan ruuxa marka uu xaqiiqsado qaladkiisa in uusan ku adkeysan oo uu garwaaqsado casharna uu ku qaato qaladkiisa intaa ka gadaalna uu cudur daar ama saamaxaad uu dalbado.

La Dood balse hala Murmin: dood wadaga cilmiga ku dhisan waa mid laga korarasan karo afkaar badan oo ka maqan laguna xalin karo caqabado badan oo markaa taagnaa balse hadii qof ama koox wax idinka dhaxeeyaan aad wada murantaan oo ay idinka noqoto mindi mindi ku taag maaha mid faa’iido buuran xambaarsan waxeyna halis u tahay in ay colaad iyo fidno abuurto.

Ahow Shakhsi Wanaagsan: marki aad abuurato shaqsiyad wanaagsan oo aad noqoto mid danta guud ka shaqeeya una naxriis iyo ixsaan fala dadka isla marahaantana ka shaqeeya maslaxada ummada alla ka cabsiga iyo cibaadadana badiya waxaa hubaal ah in uu wanag badan hananayo kaas oo ah mid aduun iyo mid aakhiro.

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *