
Buugga ‘The Shallows’ waxa uu sheegayaa in isticmaalka badan ee Internet ka iyo Teknoolajiyada Dhijitaalku ay isbeddel ku sameeyaan sida aynnu u fikirno, sida aynnu wax u akhrinno, xusuusteenna, sida ay maskaxdeennu xogta u bislayso iyo guud ahaanba garashadeenna.
Qoraa Nicholas Carr waxa uu tilmaamay muddo 10 sano ah oo uu internet ka isticmaalay kaddib, in uu xaqiiqsaday in wixii uu nimcada u haystay uu ku noqday masiibo maskaxdiisa burburisay.
Waxa uu aaminsanyahay, inkasta oo uu internet ku ina siiyo xog xad-dhaaf ah, haddana in isticmaalkiisa badani uu curyaamiyo hal-abuurka iyo curinta maskaxda, dhugmadeenna, awoodda fikirkii xeesha dheer, wax akhriska iyo qoraalka dheer, cilmibaadhista, iyo xirfaddeenna xallinta dhibaatooyinka, iwm.
Waxa aanu ku talinayaa in qofku uu internet ka isticmaalo inta ay baahidiisu tahay oo keliya, kana fogaado in uu isku badiyo.
Qaylo-dhaanta ka digaysa isticmaalka badan ee Internet ku kuma koobna qoraaggan, Susan Greenfield oo ah cilmibaadhe ku xeeldheer culuumta maskaxda, ayaa iyaduna ka digtay in isticmaalka badan ee Internet ku ay yarayso curinta iyo dhugmada maskaxda. Waxaa intaas dheer in xogta internet ka laga helayaa ay u badan tahay kor ka xaadis.
Saxafi John Bohannon oo ka tirsan jaamacadda Harvard, ayaa isna baadhis uu sameeyey ku ogaaday in isticmaalka badan ee internet ku uu abuuro ku tiirsanaan maskaxeed iyo kalsooni darro gaadhi karta in qofku uu aamino in aanu isagu iskii wax u curin karin, haddii aanu gacan ka helin Google iyo Wikipedia, iwm.
Buugga iyo xeeldheereyaasha la aragtida ahi, waxa ay hoosta ka xariiqayaan baahida loo qabo in si qotadheer loo qiimeeyo qaab adeegsigeenna Teknoolajiyada, gaar ahaan internet ka.
Talada ugu fiicanina waa in aynnu isu dheellitirno waqtiga isticmaalka internet ka iyo waxa aynnu uga baahannay.
#Aragtidaada; Isticmaalka internet ku waqti intee leeg ayuu adiga kaa qaataa, ma se isku aragtay in uu dhaawacay xusuustaada, fahamkaaga, dhugmadaada ama guud ahaan habkii shaqo ee aad maskaxdaada uga faa’idaynsan karaysay.
W/D: Kamaal Marjaan