Casharrada Buugga Snakes In Suits (Masas Labisan)

Dhurwaa ma carbismo!

Sawirka sare waa Buug la yiraahdo ‘Snakes in Suits’ ( Masas labisan). Waxaan soo iibsaday buuggaan dhowr bilood ka hor. Buuggu wuxuu qaadaa dhigayaa hab dhaqan la yiraahdo PSHYCOPATHY. Af Soomaaliga markii la eego erayga ugu dhow Psychopathy waxaa weeye “Dareen la’aan” (siday ila tahay).

Psychopathy haddii la qeexo waxay noqonaysaa damqasho iyo dareen la’aan uusan qofku dareemi karin xanuunka iyo dhibka dadka kale haysta, sidoo kale haddii qofka psychopath ka ahi uu dhib u gaysto qof kale kama qoomameeyo umana jixin jixo, bal waxaaba dhici karta inuu ku raaxaysto dhibka iyo silica dadka kale. 1% dadka waa psychopath. Inta aad nooshahayna waxaa hubaal ah inaad dadka noocaas ah si un ula kulanto. Kulankaas wuxuu noqon karaa mid aad u xiiso badan ama mid aad ka shalaydo, waxayna u badan tahay kan dambe. Psychopathy ma aha xanuun sida dhimir ka oo kale ah. Marka marka qaarkoodna dadka psychopath ka ah waa ay ka IQ sareeyaan ( maskax sareeyaan) dadka ‘caadiga ah’.

Psychopaths ku waxay gaystaan xumaan dadka aad iyo aad ay uga argagaxaan, sida ilmo yar oo la dilo, dilkiisana ay ku raaxaystaan, iyo inay silciyaan qofka inta aysan nafta ka goyn, tusaale waxaa u ah psychopath kii caanka ahaa ee la oran jiray Ted Bundy. Balse Psychopaths ku intooda badan dilaa sida Ted Bundy oo kale ah ma ah, dadkana ma dilaan, waxayse gaystaan dhib kale oo kala duwan oo runtii halis ah. Dhibka waxay gaystaan markii ay hubbaan in iyagu dhib uusan soo gaareyn. 90% psychopaths ku waxay gacanta ku hayaan shaqooyin aad muhiim u ah, waxayna badankood jacelyihiin shaqooyinka ay dadka ku maamulaan ama dadka noloshooda saamaynta ku leh. Waxaa ka mida shaqooyinka ay u badan yihiin (ogow shaqooyinkaan hoose dadka ka shaqeeya kuligood ma aha psychopath, xitaa badhkood ma aha, ee waa shaqooyinka ay psychopaths ku u badanyihiin):

1- Dhaqaalaha ( waliba madaxda sare saree e shirkadada dhaqaalaha)
2- Siyaasada (Siyaasiyiinta)
3- Dhaqaatiirta qaliinka
4- Warbaahinta
5- Qareen (Lawyers)
6- Ciidamada
Psychopath ku hadduu jag hayo runtii dhaawac aad iyo aad u weyn ayuu u gaystaa dadka uu maaraynayo. Bur burkii dhaqaale ee ku dhacay dalka Maraykanka 2008, siiba bur burkii shirkadii maalgashiga ee la oran jiray Lehman Brothers waxaa sabab u ahaa, maareeyaasha psychopaths ka ah sida uu buuggu sheegayo. Psychopathy waxaa lagu qiyaasaa, halbeeg la yiraahdo ‘Hare Psychopathy checklist. Calaamadaha lagu garto qofka psychopath ka ah waxaa ka mida :
1- Egocentric (qabweyni) dadka oo aan la tixgalin dareenkooda.
2- Naxariis iyo u damqasho la’aanta dadka kale.
3- Been xad dhaaf ah
4- Masuuliyad la’aan
5- Isla qumanan mar walba xitaa haddii uu isaga/iyada gar daranyahay/ gardarantahay.
6- Af miishaarnimo iyo wajiyo badan

Buuggaan waa mid xiiso badan, hadaad awoodo iibso. Markaad akhriso, maskaxdaada waxaa durbadiiba ku soo dhacaya, raga sida siyaasiyiinta, ganacsatada iyo wariyayaasha ee aan dadka u diir naxayn, naftooda kaliyana eegta, ee Soomaaliya hor boodaya oo aynu aayaha wanaagsan ka filayno.

-Bile Samatar

Check Also

4 Hab Oo Masuul Kasta Uu Ku Kasban Karo Dadka Shaqada Uu Ku Maamulo

In xidhiidh kalsooni ahi uu dhex maro maamulaha iyo shaqaalaha uu la shaqaynayo ama guud …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *