7. QALADKA KUMA CELCELIYAAN
Morin waa ay aaminsantahay in fikirka iyo ka baaraandegga arrimuhu ay dawo ka yihiin in qaladaadka aad ku celceliso. Qaladka oo la daraaseeyo sida uu ku dhacay iyo sida looga diyaargaroobi karo in aanu mar labaad dhicin, waa habka ugu fiican ee qofka ka ilaalin kara soo noqnoqoshadiisa. Dadka maskaxda badani qaladka waa ay qirtaan, waxa aanay dejistaan qorshe ay daraaseeyeen oo ay kaga hortagayaan in aanay mar kale isla qaladkii ku celin.
8. DADKA KALE GUUSHOODA HA KA HINAASIN
Dadka maskaxda badan waxaa u dhaqan ah in ay bogaadiyaan guulaha iyo horumarka ay dadka kale sameeyaan, iyaga oo la qaybsanaya farxadda, damaashaadkana kala qaybgelaya. Laguma yaqaanno xaasidnimo iyo in wanaagga qofka kale ay ka xumaaddaan, waayo waxa ay ogyihiin in guushu ay ku timid dadaal iyo shaqo badan, iyaguna waxa ay diyaar u yihiin in ay dadaal iyo shaqo badan la yimaaddaan si ay fursad ugu helaan guul.
Morin waxa ay sheegtay in guulaha dadka oo aad u fiirfiirsataa aanay kaa dhigayn mid guulaysta, balse ay kugu keeni karto dhibaato ah in maskaxdaadu ay kaga mashquusho dadaalkii ay iyadu la iman lahayd.
Taas waxaa ka sii dhib badna in guusha aad gaadho iyo horumarka aad samaynaysaa aanay kuu muuqanayn, kuna qancinayn, maadaama oo aad tirinayso guulaha ay dadka kale gaadhayaan.
9. ISMA DHIIBAAN
Dadka garaadka badani guuldarrada uma arkaan sabab ay tahay in ay awgeed isu casilaan, taas beddelkeedana guuldarrada qudheeda ayaaba ay ka dhigtaan fursad ay ku kobcaan, kuna sii horumaraan.
In aad aaminto in guuldarrada kugu dhacday ay tahay mid aan la aqbali karin, iyo in ay calaamad u tahay sida aanad hawshan ugu habboonayd, waa calaamad muujinaysa in aanad garaad ahaan korsanayn. Waxa aanay inta badan horseeddaa in qofku si fudud isu dhiibo, dibna uu isaga noqdo. Qofka garaadka badan, guuldarrada ku timaaddaa kuma qasabto in uu is dhiibo, balse waxa ay ku qasabtaa in ay sii kordhiyaan dadaalka illaa guusha ay gaadhayaan.
10. KAMA GAABIYAAN IN AY NAFTOODA LA KELI NOQDAAN
Morin waxa ay buuggeeda ku sheegaysaa naftaada oo aad mararka qaarkood siiso waqti ay kelideed fikirtaa in ay kaa caawinayso sidii aad yoolashaada uga midho dhalin lahayd. Sidaas awgeed waa muhiim in aad mararka qaarkood iskaga baxdo cidhiidhiga nolol maalmeedka ee joogtada ah, kaddibna aad naftaada la faqdo, adiga oo dib u qiimaynaya go’aamadaada iyo guud ahaan hab nololeedkaaga, miisaamayana waxa kuu saxan iyo waxa ay tahay in aad saxdo si noloshaadu ay u fiicnaato.
11. ADDUUNKA MAGDHOW KAMA FISHAAN
Waa ay fududahay in nolosha iyo adduunyada aad ku canaanato guuldarradaada, ama midhaha ka dhasha qaladaadka aad adigu samayso, laakiin runta biya kama dhibcaanka ahi waa in aanu jirin qof damaanad ku haysta in waxa uu doonaba uu helo, iyo in aanu jirin abaalgud iyo deyn aad ku leedahay nolosha oo ay kuu soo celin doonto. Sidaas awgeed qofka garaadka badani fursadda isaga ayaa raadsada, dadaalkiisa oo dhanna isugu geeya in uu ka midho dhaliyo.
Sirtu waa in aad dadaal la timaaddo, dhaliisha aad aqbasho, ceebahaaga aad aqoonsato, iskana jirto in aad naftaada nafo kale ku dhereriso, gaar ahaan marka aad weydo wax aad filaysay in aad mudantahay ha eegin cid kale oo heshay waxaas ama wax la mid ah.
12. NATIIJO DEGDEG AH MA FISHAAN
In filashadaadu ay maangal noqoto, naftana aad ku qanciso runta ah in guushu aanay habeen iyo maalin dhexdood iska imanin, waxa ay muhiim u tahay in aad gaadho yoolashaada, caqabadaha ka sokeeyana u yeelato dhabar adayg. Dadka maskax ahaan hooseeya inta badan samir laguma oga. Ceebta kale ee ay leeyihiinna waa in ay iyagu ay kartidooda quudhsanayaan, sidaas awgeed tallaabo kasta oo ay qaadaan, waxa ay doonayaan in ay markaba midha dhal noqoto.
Marka aad shaqo qabanayso, waa in aad indhaha ku haysaa natiijada u dambaysa ee quruxda badan ee aad ka gaadhi doonto.
13. KAMA TANAASULAAN AWOODDOODA
Dadku haddii ay dareemaan taagdarro jidheed ama nafsadeed, waxaa caado u ah in ay faraha ka qaadaan awooddooda oo dhan. Morin waxa ay buugga ku sheegaysaa in qofka looga baahan yahay in uu is tahbiibo, si kasta oo duruufuhu u curyaaminayaanna aanu dhayal uga tanaasulin awooddiisa iyo kartida ku jirta. Waxa kale oo ay ka digaysaa in qofku uu dadka kale siiyo fursad ay iyagu ku jaangooyaan qaabka uu hawlihiisa u maaraynayo iyo halka uu shaqada ka gelayo. Waa in qofku uu isagu dejisto, qeexdo isla markaana qorshaysto yoolashiisa, rumayntoodana ka shaqeeyo
DHAMMAAAD.
FG:
Akhyaartii buuggan oo PDF ah i weydiinaysay waxa ay ka helaysaa link ka hoose, ee ha kala degaan.
–Kamaal Marjaan