Faham U Yeelo Burada Minka (fibroids)

Buruqda minku waa kaankarada ugu badan ee ku dhaca hab dhiska dhalmada ee dumarka. Burada minka sidoo kale waxaa loo yaqaan Fibromas, Myomas ama Leiomyomas, waa kaankaro ka samaysan unugyo isu tagay oo ku samaysma minka dumarka. Waxaa la qiyaasaa in boqolkiiba 20-50% dumarka da’adoodu wayn tahay inay leeyihiin burqaha minka ku dhaca. Inkabadan 99% oo kamid ah burqaha minku maahan kuwa kaankaro ah, waa burooyin caadi.

Maxaa sababa burada minka

Inkastoo aan la aqoon waxa sababa burqaha minka, waxaa la aaminsan yahay in burqahaas kasoo unkamaan murqaha kuyaala minka dhexdiisa, kuwaas oo kadibna si deg deg ah u tarma. Taranka unugyadaas waxaa qayb libaax leh ka qaata dheecaanka loo yaqaan estrojin.

Yaa khatar ugu jira xaaladaan?

Dumarka kusii dhawaanaya dhalma goyska ayaa kujira khatarta ugu badan inuu ku dhaco. Sababtoo ah waxay mudo badan soo daynayeen dheecaan loo yaqaan Estrogen oo sidaan horay u sheegnayba saamayn ku leh samaysinka burqaha minka. Dumarka cayilan ee midabkoodu yahay madawga kuna nool maraykanka ayaa sidoo kale loo arkay inay khatar ugu jiraan inuu ku dhaco burqaha minku, inkastoo aan la garanayn sababta ka danybaysa mida danbe.

Sidoo kale cilmi baaris kale ayaa sheegaysa in dumarka ugu yaraan dhalay labo ilmood iyo kabadan aysan khatar wayn ugu jirin inuu ku dhaco, marka la bar bar dhigo dumarka aan waxba dhalin oo ayagu khatar taas ka badan ugu jira burqaha. Khubarada saynisyahanada caafimaadku ma hubaan in dhalmada caruurtu ay ka bad baadisay burqaha minka dumarka wax dhala iyo in samayssinka burquhu ay tahay wax si gaara uga dhaca dumarka madhalayska ah.

Waa maxay calaamadaha lagu garto xaaladaan?

Dumarka qaarkood ayagoo qaba burqaha minka ayaysan dareemin wax calaamado ah oo kusoo kordhay, ama waxay isku arki karaan calaamado yar yar oo aan qofka wax wayn dareensiin karin, halka dumarka qaarkood ay isku arkaan calaamado khatar ah oo dhibaya qofka.

Waa kuwaan qaar kamid ah calaamadaha ay dareemaan dumarka qaba burqaha minka, inkastoo qof walba uu isku arki karo calaamado ka duwan kuwa dadka kale.

  • Caadada oo badata ama cuslaata
  • Dhiig bax badan oo yimaada xilliga caadada
  • Xanuun laga dareemo gumaarka iyo biwdyaha
  • Kaadi badan
  • Dhabarka oo xanuuna
  • Xanuun yimaada xiliyada galmada

Hadii burqaha minku noqdaan kuwa waawayn oo la dareemi karo marka la samaynayo wiisatada, caadada oo dheeraata ama badata, iyo dhiig bax yimaada xilliga caadada waxay keeni karaan dhiig la’aan, taasoo u baahan dawayn.

Sidee loo daweeyaa burqaha kasoo baxa minka?

Inkastoo inta badan burqaha ama burooyinka minku ay iskood iskaga tagaan marka dumarku u dhawaadaan xilliga dhalmadayska, waxaa loo baahan yahay in dumarku la tashadaan dhakahtarkooda si loo hubiyo in burooyinka minku aysan korayn.

Dumarka qaarka burooyinkoodu wayn yihiin ama isku arka calaamado muuqda, in la daweeyo waa daruuri. Dawada nooceeda iyo qaabka loo marayo waxaan laga raba inuu go aan ka gaaro dhakhtarkaaga khaaska ah.

Daweynta guud

Hysterectomy: waa qaliin lagu sameeyo dumarka qaba burooyinka minka, waxaana la jarayaa minka haweenayda.

Conservative surgical therapy: waa qaab ka duwan kii hore, dhakhaatiirta qaliinka ee daweenaya bukaanku waxay isku dayayaan inay saaraan burooyinka ayagoo aan minka ka saarin haweenayda si ay markale wax u dhasho.

Gonadotropin-releasing hormone agonists: waa hab dawo oo kaliya lagu dabiibayo bukaanka. Dawadaan waxay yaraynaysaa dheecaanka loo yaqaan Estrogen taasoo keenayanysa in haweenaydu si dhakhsaa u dhalma dayso. Sidoo kale dhakhaatiirtu waxay isticmaalaan dawadaan markay doonayaa inay qaliin ku daweeyaan burooyinka minka, isla markaas dawadu waxay yaraynaysaa miisaanka burooyinka si qaliinku u fududaado.

Dhamaan noocyadaan iyo kuwo kale ayaa lagu daweeyaan burooyinka minka.

Check Also

faaidooyinka caanaha

Ahmiyada Cabista Koob Caano Ah Maalin Kasta Iyo Kuwa Ugu Nafaqada & Caafimaadka Badan

Caanuhu waa cabitaan nafaqo ahaan hodan ah, waxay leeyihiin faaidooyin tiro badan sida xoojinta caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *