169.63 Milyan oo kiish oo bun ah, midkii kastaana 60 KG yahay ayaa sannad kasta lagu cabbaa dunida, waxa uu u dhigamayaa 10.1 milyan oo ton. Maadaama oo xilliga soonka uu is beddelo nidaamka cunto ee qofku, waxa aynu qormadan ku eegaynaa aragtida dhakhaatiirta ee caafimaadka iyo bunka xilliga soonka.
Waqtiga Ku Habboon cabbista bunka?
Waqtiga ugu fiican ee xilliga Ramadaan bunka la cabbi karaa waa laba saacadood kaddib afurka, waa marka uu jidhku helo biyo, timir iyo cunto ku filan, kaddibna uu si fiican u soo ceshado firfircoonidiisa.- Dhakhaatiirtu kuma talinayaan in bunka la cabbo saacadaha dambe ee habeenkii, waayo hurdo la’aan ayaa uu keeni karaa.
DINGIIN:
In bunka la cabbo isla marka la afurayaa ma’aha fikir fiican, waayo maadadda ku jirta ee Kaafiyeen (Caffeine) waxa ay kor u qaaddaa in caloosho ay soo saarto asiidh, sidaas awgeed xilligan oo la cabbaa waxa ay keentaa calool olol ama cillad caloosha ah.
Xilliga afurka cab biyo, jidhka cokonaysiiyo, kana soo kaba engaggii maalinnimo. Bunku waxa uu badiyaa kaadida sidaas awgeed marnaba ma caawinaya in jidhku uu cokonaado.
Haddii aad leedahay xaaladda gaasteri ee keenta in asiidha calooshu hunguriga ku soo noqoto (Gastroesophageal reflux disease – GERD), bunka oo aad isla afurka raacisaa waxa uu sii badin karaa xaaladdaas.
Faa’idooyinka Bunka:
In qofku uu Maalintii qaato kaafiyeen (Caffeine) gaadhaysa 400 ml, taas oo u dhiganta qiyaas ahaan afar koob oo bun ah, waxa uu ku keeni karaa dhibaatooyin caafimaad. Laakiin marka bunka si aan ku talaxtag ahayn loo cabbo, lana cabbo waqtiyada ku habboon waxa uu leeyahay faa’idooyin badan oo caafimaad. Waxaa ka mid ah:-
- Waxa uu firfircooni geliyaa hab dhiska neerfeyaasha, waxaanu xoojiyo baraarugsanaanta qofka, isla markaana uu yareeyaa dareenka daalka iyo burburka .
- Dadka sida joogtada ah u cabba bunka waxa uu hoos u dhigaa khatarta ah in qofka uu ku dhaco asaasaq ama xanuunka awoodda xasuusta dila ee Alzheimer.
- Waxa uu xoojiyaa awoodda jidhka ee waxa loo yaqaanno dheefsiga, oo ah in uu jidhku wada nuugi karo si sax ahna uga faa’idaysan karo maaddooyinka ku jira cuntada. Taasina waxa ay caawisaa in miisaanka qofku hoos u dhaco. Waa se haddii nidaamka cunto ee qofku yahay mid caafimaad ahaan saxan.
- Koob bun ah oo maalin kasta la cabbaa waxa uu boqolkiiba 7 yareeyaa khatarta ah in macaanka noociise labaad uu qofka ku dhaco. Qofka ku jira xaalad ka mid ah xaaladaha macaanka looga baqaa, waa in uu cuntadiisa maalin laha ah ku daro koob bun ah. Waxaa sidaas lagu sheegay warbixin ay baahisay majaladda Maraykan ee ‘Eat this not That’ oo arrimaha nafaqada iyo nidaamka cunto ka faalloota.- Waxa uu jidhku ka helaa maaddooyinka lidka mariidka loo yaqaanno oo jidhka ka dila suntan ka dhalata cuntada.
- Waxa uu wanaajiyaa gudashada jimicsiga, waayo waxa uu jidhka ku soo kordhinayaa tamar uu ugu sii adkaysan karo jimicsiga. In bun la cabbo jimicsiga ka hora ma inta lagu guda jiraa waxa ay wanaajisaa awoodda jidheed iyo maskaxeed ee qofku ugu adkaysanayo jimicsiga. Waxa kale oo ay yaraysaa dareenka daalka, iyo xanuunka ee qofku uu dareemo xilliga jimicsiga. Waxa uu yareeyaa jidh burburka, waxa aanu kor u qaadaa awoodda u fiirsiga ee maskaxda.
Bunka oo Maalintii la cabbo, isla markaana aan la isku badinin waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo aad uga badan dhibaatada uu keeno.
Carissa Galloway waxa ay ku xeeldheertahay nafaqada, dhismaha jidhka iyo dhimista miisaanka, waxa aanay leedahay barnaamijyo talefishan oo isla arrimahaas ay kaga hadasho, kuwaas oo ka baxa talefishanno ay ka mid yihiin CBS, FOX, ABC iyo NBC.
Mar ay ka hadlaysay bunka waxa ay sheegtay in uu ka qaybqaadan karo miisaan dhimista, maadaama oo aanay ku badnayn Kalooriyadu (Calorie).Dhinaca kalana Carissa waxa ay sheegtay in bunku aanu si guud isagu wax dhibaato ah lahayn, laakiin waxa lagu darayo iyo xaddiga la cabbayaa ay mararka qaarkood keenayso dhibaatooyin caafimaad. Tusaale ahaan sonkorta oo lagu badiyaa waxa ay keeni kartaa dhibtii marka horeba macaanku lahaa. Waxa aanay ku talisay in la cabbo bun aan sonkor lahayn ama aad loogu yareeyey, isla markaana aan cadays ahayn, gaar ahaan aan lagu darin caanaha dufanka leh ama caanaha aad loogu yareeyey.
DHIBAATOOYINKA UU BUNKU KEENO HADDUU JIDHKA KU BATO WAXAA KA MID AH
Ismoodsiis: Waa qofka oo isaga oo soo jeeda oo miyirkiisu buuxa haddana dareema waxyaabo aan jirin. Tusaale ahaan xaaladdan oo afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo ‘Hallucination’ waxa uu qofku maqlayaa cod ama jabaq aan jirin, sida albaabka oo is xidhay, jabaqda jaanta qof ku soo socda, codad iwm.
Jaahwareer – Waa qofka oo awoodi waaya in uu arrimaha sidii caadiga ahayd uga fikiro, ama si cad u fahmo sidii uu hore u ahaan jiray. Maahsanaan iyo maskaxda oo fikirku ka baaho, xusuusta oo ku adkaata, ama go’aan qaadashada oo sidiisii hore oo kale uu u qaadan kari waayo.
Matag
Muruqyada oo guntaba ama isku urura (Spasm)
Garaaca Wadnaha oo nidaamsanaantu ka lunto, tusaale ahaan degdeg noqda, gaabis noqda ama degdeg iyo gaabis isugu darsama.
Dadka gaasteriga leh, haddii cuntada kaddib ay cabbaan bun iyada oo aanay laba saac ka soo wareegin, waxa uu ku keenaa in uu hunguriga ku soo celiyo asiidha caloosha.
In qofku uu isku badiyo bunka waxa ay dhibaatooyin caafimaad ku keeni karta Wadnaha iyo kelyaha, gaar ahaan qofka marka hore lahaa xaalado caafimaad darro oo la xidhiidha xubnahaas. Waxaana la qaba dhammaan cabbitaannada ay ku jirto maadadda Caffeine.
DIGNIIN:
Bunku uma fiicna hooyada uurka leh; maadadda Caffeine waxa ay raacdaa dhiigga waxa aanay u gudubtaa mandheerta oo ah halka uu ilmaha uurka ku jiraa ka helo nafaqada. Sidaas awgeed marka ay ‘Caffeine’ jidhka ilmaha gaadho waxa ay ku keentaa in ay garaaca Wadnihiisa kordhiso. Sidao o kale haddii ‘Caffeine’ ay jidhka hooyada uurka leh ku badato waxa ay caqabad ku noqon kartaa koritaanka ilmaha uurka ku jira, waxa aanay kor u qaaddaa fursadaha ay ku dhicin karto.
FG: Xaaladaha aynu soo sheegnay maaha kuwo ay qasab tahay in ay dhacaan, balse waa kuwo laga filan karo marka bunka aad la isugu badiyo. Sida oo kale dhammaantood mar in ay wada dhacaan qasab ma’aha oo mid ama dhowr ka mid ah ayuu qofku isku arki karaa.
Ugu dambayn, waxaa dhibta keenayaa ma’aha bunka ee waa maadadda ku jirta ee Caffeine, sidaas awgeed dhammaan cabbitaannada ay ku jirtaana waa la mid, sida cabitaannada tamarta loo isticmaalo ee ‘Energy’ loo yaqaanno, dawooyinka la isku dhuubo oo inta badna Caffeine badan leh, iwm.
Xigasho: Eat This, Not That! + Aljazeera + Shabakado kale
–Kamaal Marjaan