Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay muhiim u tahay bad qabka iyo caafimaadka xilliga uurka.
Biyuhu waxa ay aasaasi u yihiin howlaha kala duwan ee jirku uu qabto, baahidoodana way siyaadaa xilliga uurka. Haddaba biyo intee le’eg ayay tahay inay cabto hooyada uurka leh? Sida la ogyahay cabidda biyo ku filan jirka waxa ay yaraysaa cilladaha uurka sida calool istaagga, bararka iyo infekshannada ku dhaco kaadi mareenka.
Jirku waxa uu biyaha ka helaa cabitaannada iyo cunnooyinka aad isticmaaasho. Xadiga biyaha ee jirkaagu uu u baahan yahay maalintiina waxa ay ku xiran tahay arrimo kala duwan sida xarakaadka jirka, cabbirka jirka iyo cimilada.
Sii akhri si aad wax badan uga ogaato xadiga biyaha aad u baahan tahay faaidadooda iyo talooyinka kaa caawinaya inaad cabto biyo kugu filan maalin kasta.
Qodobo muhiim ah inaad ogaato:
Biyuhu waxa ay lagama maarmaan u yihiin nidaaminta heerkulka jirka, gaarsiinta nafaqooyinka iyo saaridda wasakhda.
Haweeneyda uurka leh waa inay cabto 8 illaa 12 koob oo biyo ah maalin kasta.
Jirka oo hela biyo ku filan xilliga uurka waxa ay ka qayb qaadataa cunno shiidista, waxa ay yareysaa bararka waxayna ka hortagtaa calool istaagga.
Isticmaalka cunnooyinka iyo cabitaannada jirka biyaha siiya sida maraqa, cabbitaannada shiidan, furuutka iyo khudradaha biyaha hodanka ku ah sida qaraha, qajaarka iwm waxa ay caawiyaan in jirku uu helo biyo ki filan xilliga uurka.
Maxay biyuhu muhiim u yihiin?
Biyuhu waa nafaqo jirku uusan ka maarmin karin, illaa 60% jirku waxa uu ka samaysan yahay biyo waxayna kaalin mug leh ka qaataan howlaha kala duwan ee jirku uu qabto sida:
- Nidaaminta heerkulka jirka iyadoo loo marayo dhididka iyo neefshada.
- Samaynta calyada
- In jirka wasakhda laga saaro iyo la raacinayo kaadida, dhididka iyo saxarada
- Subkinta kala goysyada.
Biyo cabiddu waxa hab lagu ilaalin karo in jirku uu helo biyo ku filan iyagoo aan lahayn wax kalooriyo ah.
Si guud dadka waa wayn waxa ay u baaham yiihiin 2.2 illaa 3 liitar oo biyo ah maalintii iyadoo xadiga loo baahan yahay ay kala duwanaan karto, waxayna ku xiran tahay da’da, lab ama dhedig, halka uu qofku ku nool yahay, uurka iyo naasnuujinta. Qofku waxa uu biyaha (dareeraha) uu baahan yahay maalintii uu ka heli karaa cabbidda biyaha caadiga, cunnooyinka jirka biyaha siiya iyo cabbitaannada kale.
Xaqiiqo muhiim ah inaad ogaato:
Xadiga biyaha aad u baahan tahay waa uu siyaadaa marka aad joogto dhulalka kulaylaha, marka aad jimicsi jirka ah samaynayso, marka qandho ay ku hayso, marka uu shuban ku hayo ama aad matagayso.
Maxay biyuhu muhiim u yihiin xilliga uurka?
Marka laga soo tago faaidooyinka aynu kor ku soo xusnaynay, waxaa jira shaqooyin dheeraad ah oo ay biyuhu qabtaan xilliga uurka. Cabidda biyo kugu filan waxa ay caawisaa kobcinta caafimaadka uurka, nidaaminta heerka biyaha jirka, iyo shaqada dheefsiga cunnada. Xaadiga biyaha loo baahan yahay waa ay siyaaddaa si loo ilaaliyo fuuqcelinta xilliga uurka iyo inay ka qayb qaataan koriimada uurjiifka.
Biyo intee le’eg ayay tahay inay cabto hooyada uurka leh?
Haweenka uurka leh waa inay cabbaan 8 illaa 12 koob oo biyo ah maalintii sida ay sheegtay kulliyada AGOG ee dalka mareykanka.
Waa maxay faaidooyinka cabidda biyo ku filan xilliga uurka:
- Waxa ay yareysaa wallaca iyo lalalbada
- Waxa ay caawisaa dheefshiidka
- Waxa ay kordhisaa tamarta
- Waxa ay caawisaa xasiiloonida
- Waxay yareysaa halista infekshannada kaadi mareenka.
- Waxa ay qoysaa maqaarka
- Waxa yareysaa halista foosha xilligeeda ka soo hormarta.
- Waxa ay ka hortagtaa calool istaagga iyo baabasiirka lala xiriiriyo.
Jirka oo hela biyo ku filan waxa ay caawisaa in jirkuu uu nuugo faytamiinnada biyaha ku milma sida faytamiin C iyo faytamiinnada B.
Waa maxay calaamadaha hadii biyuhu ay jirkaaga ku yaraadaan:
Jirka oo aan helin biyo ku filan xilliga uurka waxa ay keeni kartaa fuuqbax. Calaamadaha la isku arki karo hadii jirka ay biyuhu ku yaraadaan waxaa ka mid ah:
- Harraad ama oon badan
- Midabka kaadida oo hurruud noqda
- Wareer
- Tabar darro iyo daal
- Af-qallayl, bishimo qalleyl iyo indho qalleyl
- Kaadida oo yaraata, in ka yar afar goor inaad kaadiso maalintii.
W/Q: Hirsi Ahmed