Cunista Basbaaska (Qajiga) Iyo Caafimaadka

Basbaasku wuxuu ka mid yahay dhirta lagu darsado cuntada, dhirtaa waxaa ka mid ah kuwa udgoon iyo geedo yaryar sida xawaashka toonta iyo kuwa kale. qaar ka mid ah waxey leeyihiin dhadhan fiican waxaana guri walbaa laga helaa jikada .

Basbaasku waa geed kulul qudaarta ayuuna ka mid yahay , wuxuuna caan ku yahay in lagu socodsiiyo cuntada. Keligii lama cuno cuntooyinka qaar ayaana lagu darsadaa.

Waxaa jira dad aan basbaaska ku darsan raashinka oo marka uu afka u galo raashinka dib u soo tufa markiibana biyo caba , ama hadaan si kale u iraahdo marka caruur la yahay oo afka basbaas kuu galo waxaa lagu yiraahdaa biyo cab , hasa yeeshee taasi sax maaha. Khubaro badan ayaa baaritaan ku sameysay basbaaska oo waxey leeyihiin hadii uu afka kuu galo basbaas ama aad liqdo kuleyl darana aad dareento waxaad kabataa caano, waa damiyaha koowaad ee kuleylka basbaaska waayo Caanaha carrabka ayey labeen ku sameeyaan.

inkasta oo isticmaalka lagu kala duwan yahay nuuca laga dhigi karo basbaaska ayaan hadana waxaanse ka soo qaadaneynaa sedexda qeyb ee loogu isticmaalka badan yahay

1-Besbaas qoyan oo sida geedka looga soo jaray ah waxey soomaalida u taqaan ( QARUUN ama QAJI )

Midkani sidiisa ayaa loo tumaa oo liin iyo cusbo iyo dhir kale lagu daraa waana ka caan soomaalida dhexdeeda ama sidiisa ayaa isagoon waxba lagu darin la qajajamsadaa.

2-Mid la qalajiyay oo buda laga dhigo. Soomaalida ma sameyso habkaa ,laakiin isagoo buda ah ayaa dibada looga keenaa raashinkana lagu darsadaa.

3-Iyo mid dareero laga dhigo sida biyaha oo kale. Kani kuma badna xaafadaha iyo maqaayadaha yaryar laakiin hodheelada waaweyn qaarkood ayaa keensada miiska cunatada ugu soo sharaxa.

Hadaba aynu ku horeyno Nashaadka laga helo basbaaska. Waxaan soo xigan doonaa asxaab qaar aan la sheekeystay sida ay basbaaska isku yihiin . Cali waa 40jir ku nool hargeysa wuxuu igu yiri basbeesku hadii aanu raashinka laheyn maba cuno maalintaasi waa maalin aan gaajeysanahay. Hadii aan lacag heystana waxaan aadaa hodheelada oo aan ka soo cunaa raashiin basbaasb leh. Hadaba muxuu dareemaa cali ? Raashinka wuxuu iila midyahay aniga oo caws cunaya bilaa dhadhan naftaba ma ogola ayuu igu yiri.

Fatxiya waa gabar 23 jir ah waxey leedahay meherad laga cunteeyo dadka badan ee yimaada mehereeda oo ah macaamiisheeda waa cuntada basbaaska kulul leh , waayo waxaa u shaqeeya shaqaalo itoobiyaan ah , waxey ii sheegtay in dadku ay ku amaanaan cuntuda basbaaska leh ayna xiiseeyaan lacagna ay ka hesho.

Dhacdo kale oo aniga iga qabsatay besbaas,Maalin jimco ah ayaan waxaan gurigeyga ku casuumay ilaa sadax dhalinyaro oo aynu saaxiibo aheyn maalintaa waxaan u sameeyay qado aan is iri waa tii martida qiimaha leh loo sameyn lahaa, xiligii balanta ayey ii yimaadeen soo dhaweyn kadib,qadadii ayaan soo baraxay, waxaana ku baaqay in la bilaabo. Mid ka mid ahaa asxaabta ayaa yiri aaway besbaaskii ama shidnigii ? Waxaan ku iri sxb liinta isticmaal besbaas ma aanan sameyn. Xitaa qaruun ii keen sow ma yaalo ayuu igi yiri ? Maya sxb oo anigaanba isticmaalin . Lkn wuxuu igu yiri waa tacab qasaaray aniga hadii aan ogaan lahaa in besbaas uusan la socon qadada kuuma imaadeen. Wuuna ka istaagay illaa aan fadhiga ka kacay oo aan suuqa u aaday ileyn anaa marti ley yahaye .

Intaasi intii aan toos ula kulmay bal markana ma jiraan waxyaabo laga qoray oo faaiido ah ? Waxaan kuu soo qadimayaa ilaa 3 faa’iido oo la sheego.

1-Weight loss (Dhimista miisaanka jirka) basbaasku waxayna keeni kartaa in jirka uu gubo calories bonus muddo 20 daqiiqo ah.

2-Heart Health (Caafimaadka wadnaha): baaris ayaa sheegatay in raashiin basbaas leh oo la cuno ay yareyn karto in wadnaha uu ku istaago iyo maskaxda oo dhiig ku furma sidoo kale waxuu basaaska yareeyaa in uu kugu dhaco waxa loo yaqaan ( bad cholesterol ) dhiiga oo subag ku bato.

3-Lower Blood Pressure (Cadaadiska Dhiigga Hoose): waxaa laga helaa fitamin A iyo C si ay u xoojiyaan muruqyada gidaarka wadnaha , iyo kulaylka basbaaska oo kordhiya qulqulka dhiigga ee jirka oo dhan.

4-Caburka: basbaaska wuxuu hawo mareennada ka nadiifiyaa duufka iyo xaakada, sdiaas daraadeed dadka xaakada ka soo go’i la’dahay markay qufacayaan, waxaa lagula taliyaa in ay cuntada basbaas ku darsadaan.

Dhinaca kale basbaasku ma leeyahay dhibaato ?

Waxaan iyana ka soo qaadan doonaa wixii laga qoray.

Sandkii 2011 bukaano badan oo laga baaray xanuuno ay ka cabanayeen caloosha dalka mareykanka gaar ahaan qolka xaaladaha degdeg ah waxaa la diiwana geliyay 28,531 jeer bukaano waxeyna sahmintaasi carabaabtay in dadkaasi iyo kuwa kale ay qabaan xanuunka xasaasiyada oo caloosha ku dhaca sababteeduna ay tahay basbaaska ay aad u cuni jiren. Sidoo kale wadno garaac badan, neeftuur badan,neerfayaasha oo kacsan , dareen wareersan. Waayo ayaa lagu sheegay baaritaankaa cadaadiska dhiiga oo aan awoodin in dhiig yar uu kor u soo gudbo.

Dadka cuna basbaaska waxyaabaha ka muuqda ee dhibaatada ah waxaa ka mid ah

A: Bishimaha ama dibnaha oo casaada ( guduuta )

B: Laab dilaac caloosha ah

Bogga caanka ah ee YAAHOO qeybta jawaabaha ayaa soo bandhigay dhowr qodob uu ku sheegay in basbaasku dhibaato leeyahay .

Waxaa bogga lagu sheegay hadii aad leedahay meel ka mid ah jirkada BOOG aad ayuu ugu daran yahay basbaaska,calool xanuun mararka qaar keena shuban,cuncun, gaajo badan madax xanuun jirka iyo maskaxda ah. Iyo hawada xaga danbe oo aan hagaagsaneyn yacni ur badan leh.

SICIID XAGAA AFRAX.

Check Also

baadhitaanka, caafimaadka raga,

Baadhitaanno Ay Tahay In Nin Kasta Uu Sameeyo Si Uu U Hubiyo Caafimaadkiisa

Waxaa jira shaybaadho caafimaad oo ay waajib tahay in nin kastaa uu sameeyo si uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *