Baro Furaha Raaxada Nolosha

Inaad dareenta inaad khalad gashay waa shay fiican. Markaad dareenkan dareensantahay waxaad ku dadaalaysa sidii aad u saxi lahayd khaladkaaga, waxaad ku dadaalaysa inaad wanaajisid cidaad gafka ka gashay iyo inaanad dib u galin. Hadaba talaabada xigtaa waa inay noqotaa inaad naftaada cafisid khaladaadkay gashay, cafiskaasina waa furaha nolasha raaxada leh. Laakin dhibaatada jirta waxay tahay nafaheena cafis ma siino.

Badanaa maskaxdu waxay si fiican u kaydisaa xasuuso aan wanaagsanayn iyo dhacdooyin aad jeceshahay inaad iloodid, taaso sida filinka mudo marka laga soo wareego kolba kusoo hor marinaysa. Xasuusahaas oo ku lamaan khaladaad aad naftaada iyo dadkale aad gashay ayaa si toos ah aad u dareemaysaa oo niyadaada u dhaadhacaya. Intaasun maahe waxaad dareenmadaa ka qaadi kartaa cibaado yari dhaleeceen lagugu dhaleeceeye iyo xita fikir ah inaad qof xumaysid. Dareennadani markay niyadaada u dhaadhacaan waxay kugu keenayaan cadho, murugo, depression, isku buuq iyo awood la’aan.

Markay dareenmadani kugu bataan waxaad aaminaysa in waxyaabo badan oo wanwanaagsan aanad u qalmin. Tusaale ahaan hadaad shaqo wanaagsan haysid aad lacag wanaagsan ku qaadatid waxaad aaminaysa inaanad u qalmin lacagta intaa leeg. Balse waxaad bilaabaysa inaad isku daydid inaad dhaawac gaadhsiisid nimcada aad ku jirtid sida in aad shaqada iskaga baxdid adoo raadinaya nolol ka midho dhal yar oo ku qalanta waa siday niyadaadu ku faraysee.

Hadaba si aad uga badbaadid waxyaabahan waa inaad naftaada cafis buuxa siisid. Sii akhri qodobadan hoos ku qoron sida aad naftaada u cafin lahayd:

1. Dib ugu noqo wixi dhacay: qoraal ku qor waxaad badali lahayd hadaad waxyaabihii dhacay dib wakhtiga laguugu celin lahaa. Taasi waxay ku tusaysa inaad khaladaadkaaga wax badan aad ka baratay iyo inay xirfado badan korodhsatay gafafkaa aad gashay awgeed.
2. Xusuusno wixii dhacay waa la soo dhaafay: wixii hore u dhacay qadar Alle ayey ku dhaceen waxbana kama badli kartid. Inkasto ay tahay weedh iska cad laakin markaad intaas si dhab ah u aamintid waxaad niyadaada u ogolaanaysa inay aqbasho wixii dhacay.
3. Dadka intii aad khaladka ka gashay raali galin waydii: dadkii aad khalad ka gashay intaad karaysid raali galin dhab ah waydiiso intaanu Ilaahay kugu xisaabin. Markaad raali galin aad ka bixisid uunbad naftaada raali ka ahaan doonta.

4. Mabaadi’daada iyo caqiidadaadu ha kuu cadaadaan: sababta ay dad badani dareemadan u dareenmaan waa markay ku xad gudbaan mabaadi’dooda iyo caqiidadooda. Tusaale ahaan hadaad aaminsantahay inay tuugnimadu tahay wax aad u fool xun hadana aad maalin maalmaha ka mid ah wax xadid ogow inay kugu keenayso murugo badan, markaa marna ha ka talaabsan waxaad aaminsantahay.

5. Xaashi cad soo rog: khibrada iyo waayo aragnimada aad ka korodhsatay dhacdooyinkan u adeegso mustaqbalkaaga si aanad dib ugu dhicin.

6. Bani aadan baad tahay: khalad inu kaa dhacaa wa shay noolasha ka mid ah bani aadan kastaana mari doono.

7. Ilaahay ku xidhnow naftaada cafi: markaad naftaada cafis siisid waxaad dareenmaysa inu culays fara badan kaa dhacay. Iscafi oo is xoree khaladku wax jira weeyaane.

Xigasho: Faa’ido.com

Check Also

qubayska biyaha kulul. hurdada, qubeeska

Qubayska Habeenkii: Biyaha Kulul Iyo Biyaha Qabow, Keebaa Hurdada U Wanaagsan?

Si aan u helno hurdo xasiloon, waxaan tijaabinaa caadooyin kala duwan iyo dawooyin. Qubayska hurdada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *